WAR-SAXAAFADEED
Shacbiga reer Somaliland, iyada oo la dhawrayo laguna shaqaynayo
xeerarka iyo sharcig a dalka waxaa waajib inagu ah iyadoo in la
dabaqo xeer No 17.2001, ee Sharciga dhulka lana fuliyo wareegtadii
Madaxweyanaha ee dib u soo celinta gacan ku haynta iyo tasaruf ka
dhulka iyo guriyaha dawlada waxana laydin ku wargelinayaa inaad soo
gudbisaan liis ka danaha ee aad haysaan idina oo u kala saaraya.
1-Danaha guud ee aad kala wareegteen Golihii Deegaanka ee idinka
horeeyay
2-Danaha guud ee idiin soo xarooday mudadii aad xilka hayseen
3-Magacyada cid iska leh Beeraha ay soo xaroodeen danaha guud iyo
Beer kasta tirade dhulka ee laga jaray
4-Degmada/Waaxda ama goobta ay ku taalo
5-Tirada danaha guud ee la isticmaalay iyo sababta loo isticmaalay
6-Tirada danaha guud ee hadda la hayo iyo Tafaasiishooda idinkoo u
soo kala saaraya adeegyada kala ah
· Goobaha Cibaadada (Masaajidada iyo Malcaamadaha)
· Goobaha Waxbarashada (Noocyada kala duwan ee Dugsiyada iyo
Jaamacadaha)
· Garoonada Ciyaaraha
· Goobaha Caafimaadka (Cisbitaalada iyo MCH
· Saldhigyada Booliska iyo Xabsiyada iyo wixii la mida
Waxa Maayiyarada mar labaad lagu
adkaynaya inay hawshan ku soo dhamaystiraan iya ga oo hal nuqul oo
danaha guud ah ku soo xaraynaya Xafiisyada WHG/G/Gadiidka ee Go bol/Degmo
mid kalana soo gaadhsiinaya xarunta Wasaarada Hawalaha guud ugu
damba yn 21/03/2014
Waxa xusid mudan inaynu markasta maanka ku hayno sida uu dhigayo
Dastuurka Qarank a Jahmuuriyada Somaliland (Dhul qof looga
qaaday dan guud in aan loo siin Karin qof kale dan dan gaara).ayuu
ku yidhi Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud Wareegtadaasi uu soo
saaray
Cabdirisaaq Khaliif Axmed
Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud
iyo Gureynta Somaliland
|