WAR-SAXAAFADEED

Waxa eey dadweynaha Somaliland ee
sharafta lehi ee la socdeen in ay maalintii ku beegne ed sanad
guuradii 33aad eey aasaaskii SNM Madashu madaxweynaha Somaliland
Mudane Axmed Silanyo u gudbiyeen
waraqad qoraal ah oo muhiim ah.
Waqadaa nuxurkeedu waxa uu ahaa sida ee Madasha u aragto xaaladda
qaranka ee cakir an. Waxa kale ee Madashu qaraalkaa madaxweynaha ugu
gudbisay waxay talo latahay qa bashadeeda si wadanka loo badbaadiyo
oo loogu soo celin lahaa sharciyadii, cadaaladii, di muqraadiyaddii,
dawlad iyo maamul wanaaggii ee xukuumada Silaanyo lumisay.
Waxa jawaab rasmi ah oo Madashu ka heshey madaxweynaha ma jirto.
Haddaba waxay Madashu halkan dadweynaha sharafta leh iyo saxaafadda
maamuuska leh ugu soo bandhigeysaa qoraalkaa oo ah sidii aanu
madaxweynaha ugu gudbinay.
Haddii uu qoraalkaasi wanaaganaa ama nesteex ahaa iyo haddii uu
xumaa ama adyad aha aba, dadweynahu markhaati ha ka ahaado.
Wa Bilaahi Toowfiiq
Axmed Ibrahim Xagi Xasan
Xoghayaha Guud
Madasha
Press Release
The esteemed Somaliland public is well aware that, on the occasion
of the 33rd anniversary of the SNM on April 6, 2014, Madasha
submitted a letter to President Ahmed Silanyo.
The essence of the letter was Madasha’s assessment of the nation’s
dire state of affairs. It also contained Madasha’s ideas aimed at
nation’s salvation and actions required in order to restore to the
nation the rule of law, justice, democracy, good governance and
proper management of the public affairs that the Silanyo government
has been so grossly trampling on.
Madasha has received no formal response from the president on to the
said letter.
Therefore, Madasha would like to hereby expose the full contents of
the letter to the general public and the media.
Whether the contents of the letter were benevolent and constructive
or whether they were destructive and ill-meant, Madasha would like
the public to bear witness to them all.
Ahmed Ibrahim H. Hassan
Secretary General,Madash
waa tan warqadii iyo Qoraalkii ay madashu u gudbisay Madaxweyne
Siilanyo oo dhamaystir an
QABIILKU, WUXU HALIS KU YAHAY; MIDNIMADA MUWAADINIINTA, NABADGELYADA
IYO HORUMARKA SOMALILAND.
Maamulka J.S.L, si uu u taabo-galo wuxu u baahan yahay in la toosiyo
dhaliilaha jira. Balse marka hore waxa xusid mudan; in la ogaado
awoodaha Dastuurku siiyay Madaxweynaha J.S.L.
Dastuurka Qodobka 90AAD:
Madaxweynuhu waa: Madaxa Qaranka iyo Dawladda, waana astaanta
midnimada muwaadiniinta ka tirsan Jamhuuriyadda Somaliland.
Waxa uu u xilsaaran yahay;
Daryeelka haybadda dalka.
Ilaalinta nabadgelyada.
Horumarinta bulshada.
Habsami u-socodsiinta maamulka Dawladda.
Si uu u gutto xilkaa kor ku sheegan, wuxuu Madaxweynuhu leeyahay
awoodaha soo socda:- 1. Hogaaminta siyaasadda guud ee Xukuumadda. 2.
Magacaabidda iyo xil-ka-wareejinta xubnaha Golaha Wasiirada. 3.
Magacaabidda iyo xil-ka-wareejinta madaxda sare ee Dawladda, markuu
la tashado Wasiirka ku shaqada leh; isla markaana tixgeliyo
Dastuurka iyo xeerarka u gaarka ah.
F.G: Sida kor ku xusan, Madaxtooyadu ma aha inay si toos ah u
maamusho. LACAGTA KA SOO BAXDA: DEKKEDDAHA, HAAMAHA SHIDAALKA.
AWOOD KA WEYN OO KA BALAADHAN AYUU DASTUURKU SIIYAY MADAXWEYNAHA.
Si aan u ogaanno horumarka Dalka, bal aan tilmaan ka bixino:
DAKHLIGA IYO KHARASHKA DAWLADDA.
II.KOBOCA DHAQAALUHU, MEEL FIICAN BUU MARAYAA. MAXAASE LAGU QABTAA?
DHAQAALAHA DALKA HADDII SI HABOON LOO MAAMULO, XAL BUU U NOQON LAHAA
SABOOL-NIMADA DANYARTA IYO SHAQO LA’AANTA DA’YARTA?
BAL AAN KU HOREYNO, KOBOCA DAKHLIGA MIISAANIYADDA QARANKA, Si aan
ula socono, in SABOOL-NIMADA SOMALILAND TAHAY, MID MADAXDEEDU
ABUURTAY.
Sannadkii: 2010 Odoroska Miisaaniyaddu waxa ay ahayd ($47,000,000)
Empty A/C
Muddadaa gaaban; 2010 ILAA 2013 WAXA KORDHAY, = $ 87,000,000.
Muhimaddu se, waa waxa lagu qabto.
Cashuuraha Berriga ee aan soo xeroon aad bay u badan yihiin. Waa 76
%. Looma baahnayn in tacrifado la kordhiyo. Waxa ay ahayd in, habkii
loo ururin lahaa cashuurta Berriga xoogga la saaro. Waa in C/Berrigu,
ay kor u dhaafto kastamada, oo ay gaadho $ 500 milyan sannadaha soo
socda. Waxase Marwalba loo baahan yahay in kharashka la yareeyo, si
koboca dhaqaalaha looga faa’idaysto.
By Yassin Ahmed
KHARASHKA XUKUUMADDU WAA XAD-DHAAF.
Kharashka Xukuumaddu, waa xad dhaaf. Waxa jira, 46 wasiir:
Waxa aan loo baahnayn 31 wasiir, oo ay ku baxado muddada xilka: $
2,232,000
Waxa jira; 1,142 Caaqil. Diiwaan gelinta waxa loogu baahan yahay 361
caaqil: Waxa aan loo baahnayn: 781 Caaqil oo ay ku baxdo, Shanta
sano ee maamulkan $ 9,372,000
Korodhka Miisaaniyadda Madaxtooyada, 2010 ilaa 2013 : $ 4,745,100
Muddo kordhinta XAARAANTA AH ee labada Gole, oo ay ku bixi: $
6,354,394
ANSIXINTA, XEERKA MAAMUUSKA, mudanaha dhaca la siin mushshar Sannad
$ 2,816,071
Madax M/Xige Madaxtooyadu la wareegtay ee aan sharci ahayn isnna waa
$ 50,160,627
ADDUUNKA MADAXTOOYADA LOO TIRIYAA isugeyn guud waa: (1) $ 75,680,192
ADDUUNKA XUKUUMADDII RAYAALE, LUNSADAYNA waa: (2) $104,423,657
Isugeyn Guud: (1) + (2) $180,103,849
KHARASHKA DAB-DEMISKA SIYAASADDA
Kharashku, intaa kor ku xusan oo qudha ma aha. Waxa kale oo badan,
mid ku baxa:- 1. madax-dhaqameed, ku hanjaba inay talada reerku
iyaga ka go’do. 2. Dad aan dawladda ba u shaqayn oo mushahar la
siiyo. 3.Kharashka ku baxa aamusiinta Jaraa’idka iyo T.V. 4.
Kharashka; LOOLANKA madaxda Xisbiga Kulmiye. 5. Kharashka; khilaafka
shir-guddoonka G/Wakiilada. 6. Kharashka ololaha Xisbiga Kulmiye. 7.
Kharashka dabaal-degga amba-bixinta iyo soo-dhoweynta Madaxweynaha.
8. Waxa kale oo Madaxtooyada loo tiriyaa:-
Dakhliga dekkedda BERBERA.
Haamaha shidaalka.
Dhulka Dawladda, ee la iibiyo.
Daaraha Dawladda, ee la iibiyo.
Wasaaradda Macdanta iyo tamarta.
F.G:1. Wasiirka Macdanta iyo Tamartu, wuu ka-gows-qabsaday inuu
Golaha hor keeno, HESHIISYADA UU LA GALO SHIRKADAHA BAADHA SHIDAALKA
iyo MACDANTA. Wuxuna qabaa isku halayn Madaxweyne. Waana halka
Dakhliga u badani ku lumo (Diiwaan gelinta, kiro sannadeedka,
Cashuurta kala iibsiga (sales tax). Lacagta shirkaduhu bixiyaan waa
inuu toos u galo a/c dawladda dhexe, oo aan Wassiirdu qaban.
Waxa nasiibdarro ah, in labadii GOLE iyo Garsoorkii XUKUUMADDA ku
ilaalinlahaa, Dastuurka iyo sharciga, ay gabeen XILKOODII ahaa, in
ay ku hagaan Xukuumadda Dastuurka iyo sharciyada Dalka. Sidaa
darteed Ku tagrifalka hantida qaranku wuxu noqday MUBAAX.
2. Si Dekedda, Dakhliga iyo kharashka DHABTA AH loo ogaado, oo la
diiwaan geliyo, Wasiirkii hore ee maaliyaddu wuxu Madaxweynaha ka
codsaday inuu u magacaabo dekedda, XISAABIYE IDMAN.
M/240/199/092010. Taar.23/09/2010. Madaxweynuhu wuu aqbalay:
WM/02/08-61/647/2010 Taar.25/09/2010. Waxa YAAB ah, oo fulin waayay
amarkaa Madaxweynaha, wasiirkiisa Madaxtooyada. Lacag, intii la
doonaa la qaada maareeyaha dekedda, oo aan qoraal lahayn. Waa
sababta Maareeyihii hore ee dekedda ee shuqulkaa yiqiin loogu soo
celiyay dekedda.
V. ADEEGSIGA QABIILKA, KALSOONIDA DADWEYNAHA MA LAGU KASBI KARAA?
Waxa iyana ayaan-darro ah; Dawladaha J.S.L ilaa 1992, waxa ay
adeegsanayeen qabiil iyaga oo u qaba in ay ku hanan karaa KALSOONIDA
muwaadiniinta J.S.L. Qabiilku wuxu xambaarsan yahay:- Eexda,
Qaybsanaan, cadaalad darro iwm. Kalsoonida shacbiga J.S.L. waxa lagu
kasbi karaa, cadaalad, nabad-gelyo iyo horumar.
Arrinta ugu xumi QABIILKA waa HAYB-SOOCA. Waxa ay gaadhay in, reer
tiro-yari aan la siin Wasiir buuxa. Si kastaba ha u fiicnaade.
Mar-mar, waxa CAWRI-GAFF loo siiyaa wasiir-ku-xigeen. Lama
tix-geliyo: Aqoon, khibrad iyo dhaqan suuban. Waxa is-weydiin mudan,
Madaxda Dalku, ma waxa ay saluugsan yihiin; QAYBTA iyo ABUURKA ALLE?
Hayb-sooca dawadiisu ma adka. Waxa lagaga bixi karaa, aqoonta dadka
la HAY-SOOCO, oo kor loo qaado. Waa dhalin tooda oo laga bixiyo
jaamacadaha si ay u kasbaan shahado-sare iyo shaqo fiican. Qofka
kasbada aqoon sare, Masters ama PHD, wuxu ka xuub-siibtay
NAA-NAYSIHII qabiilka. Tiriig baana markaa lagu raadin.
VI. SHARCIYADA DAWLADDU KA XUUB-SIIBATAY iyo MAAMUL-XUMADA LAGA
DHAXLAY.
Xeer Dejintii (Labada Gole) oo ku fadhiya Xil aan dadweyne u dooran,
oo XAARAAN ah.
Madaxweynaha iyo Ku-Xigeenka oo muddo gaabani uga hadhay doorashadii.
Tabaabulshihii doorashada oo ciiro HADHAYSAY, oo aan u socon habsami.
Cabsi laga qabo doorashadii dawladaha Hoose oo kale iyo Dalkii oo ku
dhow dawlad La’aan. Muddo-kordhin dambe oo aan la aqbalayn.
Dastuurka qodobka 42-3. Ma aha mid, loo cuskan karo muddo kordhin.
Qandaraaska Qaranka oo marka la doono lagu bixiyo, siffo aan Sharci
ahayn, iyada oo loo adeegsanayo Qabiil ama Dano gaar ah.
Shaqaale lagu qarameeyo ama lagu eryo reer.
Haya’adaha dabagalka:- oo tamarin waayay, kana gaabsaday, in ay
baadhaan ama xisaabiyaan adduunka Madaxtooyadu la wareegtay ama
lunsatay. Waana arrinta dhabqisay, habsami u-socodsiinta Maamulka.
Haya’adaha dabagalka ee tamarin wayay waa:-
Hanti-dhawrka.
Xisaabiyaha Guud.
Xeer-Ilaaliyaha Guud.
Guddi-Hoosaadka G/Wakiilada ee; Ilaalinta iyo daryeelka Hantida
Qaranka.
Guddi hoosaadka G/Wakiilada ee: Maaliyadda iyo dhaqaalaha.
Guud ahaana: Baarlamaankii, oo ka gaabsaday inuu Xukuumadda, ku hago
Dastuurka iyo sharciga Dalka.
Mudane Madaxweyne, xaaladda Dalku MEEL XUN BAY MARAYSAA. Madadaalada
iyo Riwaayadda wasiirkaaga Madaxtooyadu ma aha mid meel lagu
gaadhayo. Waxay inna dhaxalsiiyeen:- Murame joogta ah, Maamul xumo,
nacayb iyo qaybsanaan. Natiijaduna waa NABADGELYADA OO KHATAR KU
SUGAN. Waxa lagaaga baahan yahay MADAXWEYNE inaad samayso:- IS-BEDDEL
DHAKHSO AH, si kharashka DAWLADDA loo dhimo. HANTIDII QARANKA ee la
BOOBAY loo soo celiyo. Dawladdu u tamariso, sumcadda Dalka,
Halgankii iyo magacaagu kor u kacaan.
ALLAA MAHAD LEH
Gudoomiyaha Madasha Wada tashiga
|