![](IMAGES/RAALI%20GELIN.jpg)
Waxa aanu beel weynta
Subeer Awal ka raalli gelinaynaa si kal iyo lab ah baaq ka soo yeedhay odayaal
isku sheegay inay ku hadlayaan afka beesha Habar-yoonis ee
Burco
kuwaas oo sii daayay baaq ay ku dedafaynayaan murashaxnimada
Muuse
Biixi kuna ta ageerayaan murashaxnimada Axmed Siilaanyo.
Waxaanu idiin sheeggaynaa in khilaafka u dhexeeya xisbiga kulmiye uu
yahay mid u yaalla siyaasiyiinta xisbiga waanay dhaamaysanayaan
khilaafkooda si waafaqsan sharciga u yaalla xisbiga. Mudane Axmed
siilaanyo iyo Mudane Muuse Biixi waa laba siyaasi oo mid kasta
sharcigu u banaynayo in uu is sharraxo oo hankiisa muujiyo waana in
la sugo xilliga midkood nasiibku siiyo murashaxnimada, sidaa darteed
ma aha wax khuseeya odayaasha beelaha mana haboona in khilaafka
xisbiga loo soo raro beelaha dhexdooda oo walaaltinimo ka dhexayso.
Odayaasha ku hadlay afka beesha HY ee burco oo ahaa kuwo la
dhaqdhaaqjiyay ma jirto cid ay matalaan oo aan ka ahayn naftooda,
fekerka ay qabaana ma aha mid ay cidi la wadaagto waanad garan
kartaan waxa ka hadliyay xilligan.
Odayaashu beesha ay afkeeda ku hadleen waa beel ballaadhan oo ka
weyn in lagu sunto damac siyaasadeed oo cid gaar ahi wadato,
waxaanay taageertaa oo ku kala jirtaa dhamaan xisbiyda dalka si
dimuqraadiya. Beeshu waxay leedahay guddi guud uu ku matasha dhamaan
arrimaha dhaqanka sidaa darteed mar hadaan baaq kasoo bixin guddida
guud, waa in loo fahmaa in odayaashaas uu maqaamkoodu hooseeyo oo ay
aashood hadleen.
Waxaanu markale idinka raalli gelinaynaa qadafkaa shakhsi abbaarka
ah ee aan meesha qaban ee lagula kacay Muuse biixi oo aan mutaysan
in sidaa loola hadlo.
Allaa mahad leh
Xafiiska guud ee gudida Talo iyo Tawfiiq- burco
|