waxa  la gaadhay wakhtigii ku munaasabka ahaa inay madaxda Midowga Afrika  go’aan ka gaadhaan qaddiyada Somaliland

 


Warbixin uu soo saaray shalay 31/08/08 ururka qalalaasaha adduunka ICG ayuu ku sheegay in hatan la gaadhay wakhtigii ku munaasabka ahaa inay go’aan ka gaadhaan qaddiyada Somaliland madaxda Midowga Afrika

ka dib markii ay taageero Somaliland ka heshay dawlado ka tirsan Afrika iyo reer galbeedka.
Sida ay ku sheegeen ururkaasi warbixintooda in kasta oo aan weli la aqoonsan Somaliland hadana waxa haatan la gaadhay xilligii ugu haboonaa in la aqoonsado , maadaama uu dhamaan waayay mushkilada iyo farqiga ka taagan Soomaaliya, oo markii hore ay aduunyadu rajo ka qabtay in la soo afjaro ka dibna wada hadal la isugu keeno Somaliland iyo Soomaaliya.

Isaga oo ururku warbixintiisa sii watana waxa uu yidhi “waxa keenay in haatan adduunyadu indhaheeda ku soo jeediso Somaliland deganaanshaha iyo dimuqraadiyada ka hana qaaday Somaliland oo ay kaga duwan tahay inta badan gobollada iyo dalalka goonida u go’ay, waxaana haatan dabacsanaan u muujiyay Somaliland xukuumado fara badan oo ka tirsan Afrika iyo reer galbeedka oo diyaar u ah inay haatan is bar bar taagaan si ay u gaadho yoolka ay mudada dheer hiigsanaysay ee ah aqoonsi ay ka hesho caalamka.

 

Bishii December ee 2005-tii ayuu Madaxweynaha Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin la kulmay Madaxda Midowga Afrika isaga oo ka dalbaday xilligaas in Somaliland la siiyo xubin nimadeeda midowga Afrila , ilaa wakhtigaasna dawlada Somaliland waxay dedaal u gashay sidii ay uga midho dhalin lahayd arrintaas iyo inay saaxiibo ku yeealato dalalka kale ee caalamka , taas oo midho dhalkeedii wakhtigan uu bisil yahay”.