Wax qabadka Xukuumada ee Sannadka Koowaad 2010-2011

 



 


Wasaaradda Arrimaha Debedda

1.



* - Waxaa bishii Koowaad ee sanadkan Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland ka qayb gashay shir-goboleed ay IGAD ku qabatay Adis-abeba oo lagaga hadlay Arimaha mandaqada Geeska Afrika. Waa markii ugu horeeysay ee ay Xukuumad Somaliland ka qayb gasho Shir-goboleed ay IGAD abaabusho, waxaanay Somaliland madashaasi ka soo jeedisay Qorshayaasha iyo Himilooyinka Qaran ee Somaliland ee dhinacyada Siyaasadda, Dhaqaalaha, Bulshada iyo Nabadgalyada.

* Isla Bishii Koowaad ee Sanadkan, waxaa u suurogashay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Somaliland in ay si dadban aragtideeda siyaasadeed u gudbiso shirwaynihii ururka Midowga Afrika uu ku yeeshay Sanadkan Magaalada Adis-abeba. Somaliland waxay fariinteeda siyaasadeed iyo nabadgalyo ee ku wajahan Geeska Afrika iyo Himiladeeda Siyaasadeedba u marisay shirwaynaha Masuuliyiinta Urur Goboleedka IGAD oo madasha Shirwaynaha ka dhex-akhriyey, waxaana arintaana ka unkamay xidhiidh cusub oo hor leh oo dhexmara Urur goboleedka IGAD iyo Somaliland.

* Bishii Labaad ee Sanadkan waxaa Somaliland Booqasho rasmi ah ku yimid wafti ka socda Urur Goboleedka IGAD oo uu hogaaminayo Xoghayaha guud ee fulinta IGAD. Waxay masuuliyiinta IGAD iyo Wasaaradda Arrimaha Dibedda Somaliland ay ku heshiiyeen nidaam iskaashi oo ay Somaliland iyo Urur Goboleedka IGAD ka yeelan doonaan talo-wadaag, iskaashi, iyo xidhiidh dhexmara labada geesood. Waa markii koowaad ee wafti meeqaamkaa leh oo ka socda Urur Goboleedka IGAD uu ku yimaado Somaliland. Waana markii ugu horeysay ee iskaashi iyo wada-shaqayni dhex marto Dawlada Somaliland iyo Urur Goboleedka IGAD.

* Bishii Labaad ee Sanadkan waxaa Somaliland booqasho hawleed oo rasmi ah ku yimid 17 danjire oo ka kala socda wadamo ka tirsan Yurub, Aasiya iyo Afrika. Dalalka Safiiradan ay ka socdeen waxaa ka mid ahaa wadamada Japan, brazil, Turkiga, Spain, Holland, Belgium, Finland, oo dhamaantood ahayd markii ugu horeysay ee ay wadamadaasi booqasho rasmi ah ku yimaadaan Somaliland. Waxay booqashadani dhalisay xidhiidh ugub ah oo u bilawda Somaliland iyo wadamada ay ka socdeen Danjirayaashaasi.
* Dabayaaqadii Bishii labaad ee Sanadkan waxaa ay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland marti-galisay oo booqasho rasmi ah oo shaqo ku yimid wafti sare oo ka socda Dawlada Norway oo uu hogaaminayay Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibada ee Norway oo ay weheliyaan Masuuliyiinkale oo ka socda Dawlada Norway. Booqashada waftigani ay abuurtay xiiso horleh oo ay Qadiyadda Somaliland ka heshay Wadanka Norway, oo ay ugu horayso iskaashiyo la xidhiidha la dagaalanka Budhcad-badeeda, horumarinta caafimaadka, iyo Nabadgalyada.
* Bilawgii Bishii sadexaad ee Sanadkan waxay wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland ku guulaysatay codsi ay u jeedisay in Ingiriisku u soo diro Wafti sare Somaliland, waxaana Dalka booqasho rasmi ah ku yimid Wasiirka Wasaaradda Mucaawinada Dibada iyo Iskaashiga ee Dawladda Ingiriiska. Intii uu wasiirku joogay Somaliland waxaa uu daboolka ka qaaday in ay Dawladiisu ay Sadex-jibaartay Mucaawinadii ay siin jirtay Somaliland oo lagu soo daray Dalalka ay Dawlada Ingiriisku sida rasmiga ah u taageerto, waxaa kale oo uu wasiirku sheegay in ay samayn doonaan Sanduuq Dhaqaale oo ay si wada jir ah Dawlada Ingiriiska iyo Somaliland u wada maamulaan, oo lagu shubo qayb ka mid ah mucaawinada Ingiriiska. Waa masuulkii ugu darajada sareeyey ee abid yimaada Dalka tan iyo intii ay Somaliland xornimada ka qaadatay Boqortooyada Ingiriiska.

* Isla bishii sadexaad ee sanadkan waxaa Somaliland si rasmi ah loogu casuumay oo ay ka qayb gashay shirwayne caalami ah oo ka dhacay Dalka Ingiriiska kana soo qayb galeen wadamo tiradoodu kor u dhaafayso 16 dal, oo lagaga hadlayay nabadgalyo darada ka jirta Geeska Afrika ee ka soo unkamaysa Soomaaliya iyo sidii loo yarayn lahaa Saamaynta ay Nabadgalyo-daradaasi ku leedahay Geeska Afrika iyo Bulshada Caalamkaba. Waftigii ka socday Somaliland wuxuu shirka ka soo jeediyey Khudbad nuxurkeedu taabanayay Aragtida Xukuumadda Somaliland ee ku wajahan wax ka qabashada Xasilooni Darada ka aloosan Mandaqada Geeska Afrika.
* Waxaa kale oo ka mid ah Hawl-galada fulay Wasaaradda in ay dib u soo celisay xidhiidhkii Diplomaasiyadeed ee wadanka Jabuuti, waxaana dib loo furay xafiiska wakiilka Somaliland ee Jabuuti oo hadda si buuxda u shaqeeya. Waxaa kale oo ay Somaliland markii ugu horeysay taariikhda ay xafiis ku yeelatay Dalka Kenya oo iska dhawaan la furay.
* Wasaaradda Arrimaha Debedu waxay hirgelisay inay Somaliland si rasmi ah loogu casuumo looguna sharfo ku dhawaaqidii koonfurta Sudan, taasi oo noqotay fursadii ugu waynayd ee Somaliland ka hesho inay fariinteeda gaadhsiiso waddamo badan oo dunida ah, waxayna arrintaasi wax badan ka bedeshay wadamada Afrika qaarkood, kuwaasoo bedelay mawqifkoodii ay ka haysteen Somaliland, Madaxweynaha iyo Wasiirka Arrimaha Dibadduna waxay halkaasi kula kulmeen wufuudii kala duwanayd ee beesha caalamka ka kala yimi.
* Waxaa kale oo Madaxweynuhu kula kulmay Magaalada Addis Ababa intii uu ku jiray Safarkiisa Koonfurta Suudan Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Dalka Ingiriiska Mr. William Hague oo Ethiopia booqasho ku marayay.


Wasaaradda Arrimaha Gudaha

2.



NABADGELYADA:

a)- Shirarkii nabadda ee Widhwidh
b) kuwii SSC-da



c)- shaqaaqadii Kalshaale

d) Ceelbardaale

e) Booliska

Waxqabadka Ciidanka Booliska

Dembiyadii Dhacay Saddex Biloodka April/June/2011
Bilaha Maxkamad Xukun Heshiis Been Baadhis Total
April 2011 610 195 537 186 132 1465
May 2011 580 212 564 178 121 1443
June 587 254 622 338 60 1587

f) ciidanka ilaalada xeebaha

11 laash oo loo dayactiray saldhigyada Berbera, maydh, Saylac iyo Lughaya

Waxa la dayac tiray dekedda dabbaalata ee laashshka berbera



-tababar isgaadhsiinta ah oo ay ka soo qaybgaleen 30 askari ciidanka ilaalada xeebaha

-dhammaystirka qorista ciidan cusub oo ilaalaada xeebaha ah

-dayactirka iyo dhisme cusub

-budhcad badeed la qabtay.

-Bishii Afraad waxa taliyaha ciidanka ilaaladu u baxay xeebta ilaa laaso surad isagoo siimaray xeebta bada, isla bishaa afraad abaanduulaha ciidanka ilaalad ayaa kormeer ku tegay xeebta galbeed ilaa lawyacado.

-Waxa la dhamaystiay qorista ciidan cusub oo ilaaladu yeelato.

-Waxa la dayactiray dhismaha ciidanka ilaalada xeebaha ee demada Saylac,

-Waxa la dhisay hangar furusta lau siiyo ciidanka dhibooga ah ee cusub.

-Waxa dusgisa cusub ee dhibooga loo sameeyy musqulo iyo barkado biyaha lagukeydiyo.

-Waxanu fashilinay fal ay budhcad badeed rabeen inay inay xeebaha Saylac kaga afduubaan doonyo kalluumaysi.

g) laanta socdaalka Waxa la xakameeyay tahriibta dadka ka dib markii ay iskaashi la samaysay Ciidanka Ilaalada Xeebaha iyo Ciidanka Xuduudaha Bariga Jooga.

2. Dhismaha Xafiis laanta socdaalka ee Saylac oo hada socda

3. Waxaa la sameeyay data base lagu kaydiyo nidaamka Baasaboorada Somaliland.

h) Miinada wadanka laga sifeeyay

Walxaha qarxaha ee ay Hay’addu soo ururisay

ü April Miinada lidka dadka 4 xabo

ü Noocyada loo adeegsado qaraxa 90 xabo

ü Tim Pump 5 xabo

ü Pump faal 2 xabo

Dhulka laga sifeeyay walxaha qarxaha April ilaa june

Hargeysa Air port 32,966mitir Square

Dhaqaalaha, Arrimaha Bulshada iyo adeegyada kale

Dhinaca dhaqaalaha, waxa lacagtii Giinbaarta ahayd laga bedelay gobolka Togdheer.

Waxa loo kordhiyay 100% mushaarooyinka shaqaalaha iyo ciidamada.

Waxa la tirtiray fiigii laga qaadi jiray ardayda dugsiyada Hoose/Dhexe.

Waxa la kordhiyay miisaaniyada Wasaaradaha adeegga bixiya iyo kuwa nabadgelyada 70%

Waxa la jaangooyay mushaarooyinka, Madaxweynaha, Madaxweyne ku xigeenka iyo Goleyaasha Qaranka.

Waxa la abuuray Gate way ay dawladu leedahay (Isgaadhsiinta )

Waxa la xareeyay dakhliyadii khasnadda dawlada baal-mari jiray oo dhan.

Waxa la gudbiyay xisaab-xidhkii sanadka 2010 markii ugu horaysay.

Waxa la dhamaystiray Biriijkii 2-aad ee Hargeysa oo shan-sanadood qaybo ahaa.

Arrimaha Bulshada:

Waxa la dhisay xarun lagu daryeelo caruurta darbi-jiifka ah.

Waxa la diyaariyay siyaasad qaran oo la xidhiidha dabar-goynta gudniinka fircooniga ah.

Waxa la hirgeliyay nidaamka ogolaanshaha shaqaalaha ajaanibka ah.

Waxa la hubiyay sinaanshaha fursadaha shaqo ee muwaadiniinta.

Waxa hubin iyo wax ka bedel lagu sameeyay xeerka shaqaalaha rayidka ah.

i) Jidadka iyo dhismeyaasha la hirgeliyay

Waxa la hir-geliyay dhisme casri ah oo loo dhisay wasaaradd Gaashaandhigga oo 3 Dabaq ah

-waxa la dayactiray cisbitaalka ciidanka qaranka JSL

-dugsiga tababarka ciidanka qaranka dararweyne oo dhismihiisu dhammaystirmay

Hargeysa ilaa Dila.

-Dayactirka wadada Oog-Burco.

Waxa la bilaabayaa dayactirka waddada tuulada Crusher – Hudusa.

Waxa laga hirgeliyay Debis meesha la yidhaahdo xarun loogu talogalay dalxiis oo laga dhisay saddex qol oo dalxiisayaashu seexdaan, saddex hall oo waaweyn iyo laba barkadood iyo hal dhaam iyo laba kun oo geed oo baxarasaaf ah.

Hal Bakhaar iyo darykiisii ayaa laga dhisay xaga dambe ee xarunta Manaahijta, kaasi oo loogu talo-galay in lagu saxo imtixaanaadka shahadiga ah.


Wasaaradda Duulista & Hawada

3.



Madaaradda:

1. Waxaa laga hirgeliyey Madaarada Dalka maamul wanaag, iyadoo lala dagaalamay musuqmaasuqii ragaadiyey Hay’adaha ka hawl-gala Madaarada. Taasi waxay sabab u noqotay inuu dakhligii Dawladu kordho labanlaab marka la barbar dhigo sannadkii hore.



1. Waxaa si rasmi ah looga mamnuucay dhammaan Madaarada Somaliland in Xafiisyada & Terminalada dhexdooda lagu isticmaalo Jaad iyo Sigaar.

1. Sidoo kale waxaa lagu soo rogay dhammaan Hay’adaha kala duduwan ee ka hawl-gala Madaarada Dalka oo ah muraayadda Qarankani leeyahay inay direys & aqoonsi u gaara yeeshaan si loogu garto hawl-wadeennimadooda

1. Iyadoo la fulinaayo ballan-qaadkii Xisbiga Kulmiye ee ahaa in shaqo abuuris loo sameeyo da’yarta reer Somaliland, waxay Wasaaraddu si rasmi ah u shaqaaleysay 73 qof oo u kala baxa sidan:-

a) Shaqaale ku meel gaadh ahaa muddo dheer oo dhan 39 qof,

b) Dhalinyaro Jaamiciyiin ah oo dhan 34 qof kuwaas oo Wasaaradda ku soo kordhiyey dar-dar cusub.

1. Mudadii gaabnayd waxaa la suura geliyey in tababaro iyo aqoon korodhsi loo

sameeyo shaqaalaha ka hawl-gala Madaarada.

1. Iyadoo Wasaaraddu fulinaysa siyaasadda Xukuumada ee ku saabsan tixgelinta shuruucda Dalka, waxay ugu horeyntiiba joojisay lacagtii aan sharciyeysnayn ee Wasaaraddu u qaadan jirtay (Navigation and Over fly charges).

sidoo kale waxaa Golaha Wakiilada la horgeeyey lana ansixiyey lacagta $ 3 ah ee

loogu talo-galay kharashyada adeegyada Madaarada, taas oo hore loo qaadi jiray

laba dollar oo ka mid ah, iyadoo aan xeer jideyn.

1. Iyada oo la dhiiri gelinaayo dhalinyarada iyo ciyaaraha waxay Wasaaraddu balaysintay sameysayna koox ku ciyaarta magaca Wasaaradda, taasoo ay maal-gelinteeda iska iska kaashadeen Wasaaradda iyo Shirkadaha Diyaaradaha.

8. Wasaaraddu waxay dayactir & dib u furis ku sameysay Madaarada Burco &

Boorama oo muddo xidhnaa, sidoo kale waxay gacanta Dawladda ku soo celisay

Madaarka Ceerigaabo, kaasoo hadda shaqeeya isaga oo qarameysan.

9. Waxay Wasaaraddu ku guuleysatay in deeq dhan $ 10 Milyan oo doller ay

Dawladda Kuweit uga soo hesho dhismaha & dayactirka Madaarada

Hargeysa & Berbera.

Heshiiskii deeqdaas markii qalinka lagu duugay, waxaa la bilaabay Mashruuca

wejigisii kowaad oo ahaa in daraasad sax ah iyo qiimeyn sugan lagu sameeyo

baahiyaha aasaasiga ah ee Madaarada Hargeysa iyo Berbera.

Mashruuca qeybta hore ee aynu kor ku soo sheegnay waxaa fulisay Shirkad

Kuwaitiyiin ah oo la yidhaahdo ( NARCO ), waxayna ku soo afjartay (4) bilood.

Haatanna si loo gudagalo wejigii labaad ee Mashruuca loona bixiyo qandaraaska, waxaa

Wasaaradda laga sugayaa in ay qeexdo waxa loogu qabanaayo lacagtaa deeqda ah.

Sidaa darteed, waxay Wasaaraddu mudnaanshaha baahideeda u astaysay sidan:-

1. Sameynta run-way cusub oo laga dhiso Hargeysa.

1. Deyr lagu sameeyo Madaarka Hargeysa
2. Deyr lagu sameeyo Madaarka Berbera
3. Navigetion Aid laga sameeyo Madaarka Berbera



Afartan Mashruuc oo lacagta ku baxaysaa ka badan tahay ta la innoogu deeqay, waxay

Xukuumadda Somaliland ka codsatay Dawladda Kuwait in deeqda la inoo kordhiyo.

Arrintaa jawaabteedana dhaqso ayaannu u filaynaa.
Wasaaradda Maaliyada

4.

- Kordhinta mushaharooyinka shaqaalaha iyo ciidamada 100%.

- Tir-tiristii fee lacagtii dugsiyada h/dhexe caruurta laga qaadi jiray.

-Kor-dhinta miisaaniyadda Wasaaradaha adeega bixiya iyo kuwa nabad-gelyada.

-Jaangoynta mushahaarooyinka madaxweynaha iyo m/weyne ku xigeenka iyo goleyaasha qaranka.

-Idaacada Qaranka.

-isku xidhka telefoonada dalka iyo lahaanshaha gate-way.

-Yaraynta cashuuraadka iyo dib-u-habayntooda.

-Xaraynta dakhliyaddii khasnada dawaladda baal mari jiray.

-Gudbinta xisaab xidhka.

-Bedelida lacagtii Gobolka Togdheer.

-Dhismihii biriijka.

Qorshaha Wasaaradda:

- Waxa qorshaha noogu jira sannadkan in la bilaabo cashuur gadista baabuurta.

Cashuur gadista isgaadh-siinta, wershadaha laydhka iyo suparmarkts-


Wasaaradda Caafimaadka

5.



* Waxa dib-u-habayn iyo xoojin lagu sameeyay qaybta wacyi-gelinta ee Wasaaradda oo lagu xoojiyay khabiiro ku xeel-dheer barnaamijyada wacyigelinta bulshada ee dhinacyada ka hortagga cudurada faafa, daaweynta iyo ilaalinta fayo-dhawrka iyo nadaafadda guud ahaan waxay wax weyn ka taraan caafimaad qabka bulshada.
* Wasaaraddu Caafimaadku waxay tababar ku saabsan maamulka iyo maareeynta u diyaarisay Agaasimayaasha Waaxyaha iyo Isku-duwayaasha gobolada kuwaas oo bisha September ku tegi doona jaamacad ku taal dalka Kenya. Tababarkani wuxuu wax weyn ka tari doonaa sidii kor loogu qaadi lahaa tayada maamul iyo hawl-socodsiinta heer qaran iyo heer gobol. Hawshan waxaa gacan naga siinaysa dawladda Japan (Japenese International Cooperation Agency-JICA)

* Waxa dib u habayn mug leh lagu sameeyay nidaamka xogta caafimaadka ee cusbitaalada dalka, waxaana tababar, mushahar iyo qalab looga helay Global Fund oo caawin doona saddexda sanno ee soo socda Insha Allaah.



* Waxaa markii u horeysay, wasiirka caafimaad si rasmi ah uga qay-galay kulanka caafimaadka adduunka, oo lagu gorfeeyo xaaladaha caafimaad ee adduunka laguna jaangooyo miisaaniyadda iyo iskaashiga horumarinta caafimaadka adduunka. Kulankan, waxaa lagu ansixiyay in la keeno tallaalka beer-xannuunka (Hepatitis B) dalkeena markii u horeysay taariikhda tallaalkaas oo wax-weyn ka tari doona faafitaanka cudurka hepatitis B
* Wasaaraddu caafimaadku waxay heshiis cusub la gashay UNOPS oo ka wakiil ah laba mashruuc oo lagu maal-gelinayo cusbitaalada Hargeysa iyo Berbera. Mashaariicdani waxay si mug leh wax-uga tari doonaan dib-u-dhiska cusbitaalada, qalabka, daawada, iyo socodsiinta hawl-maalmeedka labada cusbitaal. Waxaa ku bixi doona kharash dhan $5000,000 oo ay bixi doonto UAE iyo 1,200,000 Euro ay bixin doonto EC. Waxaa hadda gacanta lagu hayaa wajigii

* koowaad ee qiimeynta, waxaanan ku rajo-weynahay in ay si rasmi ah u bilaabmi doonaan dhamaadka sannadka.
* Wasaaradda Caafimaadku iyadoo gacan ka helaysa wasaaradda maaliyadda iyo muwadiinta Somaliland gudo iyo dibadba, waxay wax ka qabatay qalabaynta cusbitaalka guud ee Hargeysa gaar ahaan sariiraha, furaashyada iyo gogosha taas oo ka kooban 235 sariirood, 300 furaash, 300 barkimo iyo 600 oo go. Hawl-galkani wuxuu wax-weyn ka tarayaa bilicda iyo nadaafadda bukaan-jiifka.
* Wasaaradda Caafimaadku iyadoo kaashanaysa hay’adda GRT, waxay dib-habayn iyo dayictir ballaadhan ku samaysay cusbitaalka dhimirka ee Hargeysa taas oo wax-weyn ka tartay daryeelka bukaanka dhimirka. Maanta, bukaan-jiif kasta oo ku sugan xarunta dhimirku wuxuu helaa daawo tayo leh iyo dhamaan imkaaniyaadka loogu baahan yahay nolosha bukaan jiifka.
* Si kor loogu qaado daryeelka bukaanka dhimirka, wasaaraddu waxay heshiis la gashay ururka DUGSI kaa soo lixda gobol ka hirgelin doona xarumo lagu daaweeyo, lagu xannaaneeyo isla markaa dib-loogu soo kabo nolasha bukaanka dhimirka.Wasaaraddu waxay ku wareejisay goobihii laga dhisi lahaa lixda gobol iyadoo la kaashanaysa maamulka dawaladaha hoose.



* Wasaaraddu waxay ka fulisay dhamaan gobolada, degmooyinka iyo tuulooyinka dalka oo dhan olole qaran oo lagu xoojinayo caafimaadka caruurta iyo hooyooyinka. Olalahan qaran, waxaa lagu tallaalaya dhamaan caruurta da’adoodu ka yar tahay 5 sanno iyo hooyooyinka ku jira xiliga dhalmada oo laga tallaalayo cudurada jadeecada, gawracatada, xiiq-dheerta, kojisada, qaaxada iyo dabaysha. Sidoo kale, olalahan, waxaa la siinayaa dhamaan caruurta ku jirta da’da 5 sanno vitamin A iyo daawada gooryaanka, biyo sifeeye iyo milanka fuuq-celinta shubanka. Waxaa sidoo kale barbar-socda wacyi-gelinta caafimaadka guud ahaan, gaar ahaan dhalmada, naas-nuujinta, nafaqaynta, fayo-dhawrka, iwm. Waxaa sidoo kale lagu cabirayaa heerka nafaqo ee ilme kasta oo ka yar 5 sanno – sahankaas oo wax-weyn ka tari doona wax-ka qabashada heerka nafaqo-darro ee dalka ka jirta.



* Iyadoo uu ku ekaa taakuladii cusbitaalka Borama uu ka heli jiray Italian Cooperation bishan June, Wasaaraddu waxay kaalmo lagu sii wado hawsha cusbitaalka uga heshay Global Fund mashruuca xakamaynta cudurka HIV/AIDS qaybtiisa adkaynta adeega caafimaadka, kaas oo lixda bilood ee sannadka ka hadhay dabooli doona mushaharka shaqaalaha, daawada iyo kharashka hawl-socodsiinta cusbitaalka.



* Iyadoo lagu jiro xili abaar iyo nafaqo darro ba’an ay jirto Somaliland, wasaaraddu waxay ka bilawday gobolada dalka barnaamijyo lagu xoojinayo nafaqada caruurta 5 sanno ka yar iyo hooyada uurka leh ama nuujinaysa. Barnaamijkan oo ahmiyad gaar ah leh, waxaa gacan ka geysanaya UNICEF iyo WFP.



* Wasaaraddu waxay heshiis la gashay Northwest State Germany oo inaga caawin doona tababarada dhakhaatiirta (post-graduate courses), daawooyinka cusbitaalada, ambulances iyo mashruuc ku wajahan la dagaalanka gudniinka fircooniga ah. Waxaa dhawaan dalka yimid sarkaal ka socda laanqayrta cas ee Germany oo ambaqaadayay heshiiskan oo Wasiirku ku soo galayGermany bishii May.



* Wasaaraddu waxay heshiish shaqo la gashay cusbitaal ku yaal Mumbai-India, kaas oo keeni doona khubaro ka shaqeysiisa mashiinada loogu adeego dadka kalyuhu shaqeyn-weyaan ee cusbtiaalka guud kaas shaqada kelyo sifaynta bilaabi doona bisha September.



* Waxaa dayactir lagu sameeyey xarumaha keydka daawooyinka ee afar gobol iyo keydka dhexe ee Hargeysa. Waxaa sidoo kale dayactir lagu sameeyey xarumaha keydka dhiiga ee cusbitaalada Hargeysa, Berbera, Borama iyo Laascaanood. Hawshan waxaa naga caawiyay hay’adda WHO.



* Waxaa markii u horeysay wasaaraddu ay kaalmo wada-jir ah ka helaysaa deeq-bixiyaasha DfID, USAID, AUSAID, WB iyo SIDA oo si wada jir ah u maal-gelinaya mashruuc ballaadhan oo kor loogu



qaadayo caafimaadka hooyada iyo dhallaanka Somaliland shanta sanno ee soo socda Insha Allaah. Mashruucani wuxuu hordhac u yahay in Somaliland ay deeq-bixiyaashu kaalmada horumarinta Somaliland iska kaashadaan taas oo dhiiri-gelin weyn u ah siyaasadda Somaliland ee abuuritaanka Multi-Donor Trust Fund lagu maal-geliyo Qorshaha Horumarinta Somaliland.

* Dawladda UK oo mashruuc ballaadhan oo lagu xoojinayo caafimaadka dalka ka waday Somaliland ilaaa June 2010, waxay kordhisay isla markaa ballaadhisay miisaaniyaddii mashruucan oo lagu daray laba sanno oo dheeraad ah, taas oo ka dhalatay natiijadii ka soo baxday qiimeyntii mashruuca sannadka koobaad.

* Waxaa soo kordhaya kaalmada USAID ay ku caawiso caafimaadka Somaliland. Bishan May, waxay USAID ku dartay barnaamijka baahinta adeegyada caafimaadka ee gobolka Togdheer $1,000,000 oo ay soo marisay hay’adda UNICEF.

* Wasaaraddu waxay ku guulaysatay in ay kaalmo uga hesho Jaamacadda JIMA ee Ethiopia laba dhakhtar oo tababar-takhakhus u soo qaadan doona cudurada dhimirka,waxa iska kaashaday w.caafimaadka iyo ururka wadaniga ah eeTAAKULO.

* Waxaa markii u horeysay tababar (advanced training) soo qaatay 3 dhakhtar iyo 3 shaybaadhe dalka Kenya, taas oo loogu talo-galay in dalka laga hirgeliyo daaweynta dadka qaba cudurka qaaxada ee ku bogsoon waaya safka hore ee daawada qaaxada.



* Waxaa markii u horeysay ka soo qalin-jebiyay dugsiga tababarka caafimaadka ee Laascaanood 34 kalkaaliye sare (Qualified Nurses) oo muddo saddex sanno ah baranayay cilmiga kalkaalinimada caafimaadka. Xooggan cusub, waxay wax-weyn ka tari doonaan adeega caafimaadka ee gobolka sool iyo guud ahaan Somaliland

* Waxaa dib-u-eegis lagu sameeyey manhajka tababarka ee umulisooyinka bulshada iyo umulisooyinka sare (community midwives and post-basic midwives), taas oo Wasaaradda ka caawin doonta soo saarista umulisooyin tayo leh oo wax-ka-tara heerka dhimasho ee hooyada uurka leh iyo ilmaha mujayga ah.


Wasaaradda Wax-barashada iyo Tacliinta Sare

6.

- Dhisme Hal Bakhaar iyo Dayrkiisii oo aan dhisnay Xarrunta Manaahijta xageeda Dambe.

- Hal Hool oo loogu talla gallay in lagu saxo Imtixaanaadka Shahaadiga ah oo aan ka dhisnay Xafiiska Imtixaanaadka Xagiisa Dambe.

- Shan La Taliye iyo 10 Tababare oo loo qaatay Mashruuca ICDSEA oo shaqaynaya ama hawlgallay, Daabicidda Buuggtii Waxbarashadda Talantaaliga ah ama Dhigga ah(ABE) Heerarka 3aad iyo 2aad ee Aasaasigga ah.

- Macalimiinta ay Kaalmadda DANIDA Bixinaysay oo si fiican u socda oo hirgallay.

- Waxa qabsoomay Kormeer lagu hubinaynay Macalimiinta Gunaysan iyo laba jeer qoran, taasina way hirgashay.

- Imtixaankii Shahaadigga ahaa Fasaladda 4aad ee Dugsiyadda Sare iyo Fasaladda Sideedaad ee Dugsiyadda H/dhexe.

- Soo ururinta iyo qaabaynta Qaabdhismeedka Wasaaradda Waxbarashadda iyo Tacliinta Sare oo la soo koobay

- Go’aaminta in la soo tiro koobo Dhamaan 863 Dugsi oo isugu jira kuwa H/dhexe, kuwa Talantaaliga ah (ABE) ee Aasaasiga ah.

- Kulamo gaar gaar ah oo lala yeeshay Jaamicadaha Dalka, si loo tayeeyo Waxbarashadda

- Xog ururinta Dugsiyadda Sare ee Jamhuuriyadda. Dugsiyo cusub ayaa ogolaanay in laga dhiso Sanaag Bari iyo sool.
Wasaaradda Beeraha

7.



1. 1. Wasaaradda Beeruhu waxay dib u bilawday Beertii Tijaabadda ee Abuuriin oo aan shaqayn 20kii sano ee ugu dambeeyay kaasoo loogu talagalay in lagu tijaabiyo dalagyadda kala gadisan ee ku baxa roobka( Rain fed) dalagyadaas oo qaar ka mida lagu tijaabiyay oo marka lagu guulaysto tijaabadooda loo gudbiyo beeralayda caadiga ah si ay u kordhiyaan waxsoosaarka.

1. 2. Wasaaradda beeraha waxaa usuurta gashay inay mashruucii Wajaale ee Wasaaradda Beeraha dib u qodo dhul dhan 500 saacadood,kuna beerto noocyo kala gadisan sida ‘Hadhuudhka cilmi jaamac, digiro kala gadisan, sareen, fool, tukhun, fasuuliye, galay, misir, heed, qamadi, xabasuud, lows, shunburo, sinsin, beertaas oo loogu talagalay in lagu sameeyo abuur badinta

1. 3. Wasaaradda beeruhu waxay ku guulaysatay inay keento mashiinkii bariiska galka ka saarayay, kaasoo si fiican u shaqeeyay markii la tijaabiyay galkana ka saaray ilaa (50 kiish).

1. 4. Wasaarada beeraha iyo hayadda IFAD waxay si wada jira u fuliyeen saacado qodaala oo dhan 3000 sacadood waxaa kale oo ay u qaybiyeen danyarta beeralayda gobolada Awdal, Gabiley & Maroodi jeex 100 dibi



1. 5. Wasaaradda beeraha iyo hayadda ADO waxay wada jir u fuliyeen saacado qodaala oo dhan 3000 oo sacadood iyo 30,000 oo moos oo ah kuwa biyaha qabta yareeyana nabaad guurka kana fuliyeen qobolada M/jeex, Tog dheer, Saaxil & Awdal.
2. 6. Wasaradda beeraha iyo hayadda DRC waxay wada wada jir uga fuliyeen gobolka Saraar saacado qodaala, waxa kale oo ay qodeen ceelal (Shallow Wells) waxayna u qaybiyeen matoorada biyaha



1. 7. Wasaaradda beeraha iyo hayadda ADRA waxay Ceelal tijaabo ah (Shallow Wells) ka sameeyeen dagmooyinka Arabsiyo, Gabiley & Baki celashaas oo tiradoodu dhamayd (6 ceel) waxaa kale oo ay dhiseen (3Green House) oo laga sameeyay Arabsiyo, Gabiley & Baki.

1. 8. Wasarada beeraha iyo hayada Havoyoco waxay deeganka sayla iyo wado bariis ka fuliyeen moosas (soil bunds) dhererkoodu yahay 2000m, daad leexin (water diversion) gaadhaya 750m.

1. 9. Wasaradda beeraha iyo hayadda MADO waxay ka fuliyeen deegaanka Darar wayne iyo Rabley saacado qodaala waxa kale oo ay qaybiyeen qalabka beeraha ( Hand tools) waxa kale oo ay qaybiyeen seed gaadhaya 450G oo seed ah, waxa kale oo ay qodeen 15 ceel.

1. 10. Wasaaradda beeraha iyo hayadda German Agro Action waxay ka fuliyeen gobolka Awdal hawlgal isugu jirta nafaqaynta ciida iyo beerista noocyo kala duwanoo digiraha ah iyo tababaro ku saabsan dhinacyada wax soo saarka


4. Wasaarada Macdanta, Tamarta iyo Biyaha

8.



Meelaha laga fuliyay mashaariicda biyaha seddexdii bilood ee ina soo dhaafay waxay kala yihiin sidan:-

1. Nidaamyada mashaariicda Biyaha ee dhamaaday ama socda
2. Tobabaradda
3. Cilmibaadhista iyo horumarinta
4. Dayactirka iyo xanaanaynta
5. Siyaasadda iyo xeerarka
6. Caqabadaha



Waaxda Biyaha Qabsoomay



10 Ceel oo rig ah oo loogu talogalay magaalo madaxda Hargaysa laguna soo xidhi doono

6 Ceel oo rig ah oo loogu talo galay magaalada Burco Sadex nidaam oo biyo galinta tuulooyinka bariga Saaxil ( Haatuf, Xagal iyo Ceelbaxay)

• Ceel gacmoodyo

• Barkado

• Dayactir

• Dhisme suuliyo

• Hagaajin



Waxqabadka Dhamaaday

Tobabarka dayactirka qalabka Biyaha ee mishiin wadayaasha Gobolada Bariga ee dhinacyada



 Dabka

 Tamarta cadceeda iyo dabaysha

 Nidaamka tayada biyaha

 Rakibaad bamka iyo dayactirkiisa



Tobabaradda Socda:

Tobabarka dayactirka iyo xanaanaynta 12 tobabarayaal oo laga soo xulay goboladda dalka kaas oo socon doona Muddo 18 bilood ah ($250,000)

Cilmi Baadhista iyo Horumarinta:

Waxa socda tobabarka 10 xubnood oo sahamiyaasha cilmiga badhista biyaha dhulka hoostiisa oo cusub oo la rabo in lagu tobabaro qodista ceelasha riiga ah iyo ogaanshaha biyaha dhulka hoostiisa ku jira

Dayactirka iyo xanaanaynta ceelasha Wasaaradu fulisay ee

dhamaadad

Ceelka dagu

• Xanaanaynta iyo dayactirka mishiinka iyo Hagaajinta xadhkaha dabka

Geed balaadh

Bedelaad

• Bamka

• Mishiinka dhuunta biyaha soo saarta

• Qalabka beebka

Dameeroboob

Bedelaad

• Mishiinka

• Xadhkaha dabka

• Beebka



• Dhuunta biyo soo saarka

• Barta dabqaybinta

Ceelka Kalawle ( Awdal)

• Ka shaqaysiinta iyo Dayactirka Mashiinka

• Badalada xadhkaha dabka

• Rakibaada barta laga xukumo dabka



Ceelka Buqleeya (Togdheer)

Badaladda

• Bamka

• Dayactirka iyo Xanaanayta mashiinka

Ceelgaal

• Qodista ceel cusub

• 2km oo beeb ah

• Mashiin





Kuwa la qorsheeyey

Laagta Mohorda waxaa loo baahan yahay



• Badalida mashiinka iyo xadhka dabka

• Bedalada bamka

Baki waxaa loo baahan yahay badalada



• Banka

• Mashiinka

• Barta dabka laga xukumo

Ceelka Buqleeya iyo jadhleeya



• Beddalada dhuumaha biyo soo saarka

• Beddalada mashiinka







Siyaasadda iyo Shuruucdda Biyaha



Sharicga Biyaha oo hor yaala golaha Wakiilada si loo ansixiyo, madaxwaynuhuna u ansixiyo sharcigaas oo Wasaaradda ka caawinayso:-



 In si haboon loo maareeyo khayraadka Biyaha

 In adeeg hufan loo fudiyo Magaalooyinka



 In la xagaajiyo habnidaamikii xafiisyada

 Hagaajinta wada shaqaynta xafisyadda Wasaaradda Gudaheeda



Waxyaabaha Qabsoomay



 Wada shaqayn badan baa u qabsoomay Wasaaradda si aan loogu dhex tuurin Putland iyo Somalia marka la qorshaynayo mashaariicda bini-adamnimada



 Waraddaradu waxay samaysay qayb madax banan oo khusaysa biyaha



Caqabadaha



 Dhaqaale xumo iyo miisaniyadda oo aad u yar taas oo dabin ku noqotay Wasaradda

 Shaqaalaha aqoonyahanada ah oo aad ugu yar, dhaqaale xumo darteed

 Qalabka Wasaaradda oo ah caqabada weyn siiba Riigaga ceelasha lagu qado

 Shuruucda lagu maamulo Biyaha oo aan wali la ansixin, taas oo dhalisay in xitaa lagu mormo masuuliyadda biyaha taas oo wasaradaha qaar ku andacoodaan in ay masuul ka yihiin qaybo ka mid ah biyaha xalka sharciguna tilmaamayo in biyaha dhamaan Wasaaraddu ka masuul tahay iyadoo Wasaarado kale kaalin ku leeyihiin maarayntooda

 Waxaan jirin wax dakhli ah oo ka soo xarooda biyaha la isdicmaalo oo la soo ururinaayey waxqabka Wasaaradda

 Xidhiidhka Hay’addaha biyaha





Waaxda Tamarta



Waaxdu waxay dib ugu noqosho ku samaysay, qorshihii shanta Sano ee Tamarta.



Waxay waaxdu kordhisay bahwadaagta dhinaca Tamarta

Haatan waxay heshiis la gelaysa Bisha Cas ee Somaliland,waxa iyana ku jira ajendaha UNDP iyo DAI



Iyadda oo bisha Cas Kaashanaysi waxay tababar u fidisay dhinac waxa soo saarka iyo farsamaynta walxa laga sameeyo dhoobadda (Ceramics A-Z) lix Shaqaale ah oo ka socda Waaxda iyo kuwa Bahwadaagta la ah ee wadanagi ah, Tababarkaas oo socday 23 Maalmood.



Waxay dhabada u sii xadhay oo la sugayaa in la bilaabo Samaynta Xeerarka iyo habraacyada nidaam ee Tamarta Somaliland(Somaliland Energy regulations and legal frame work)









Waxaa isna socda horumarinta Rugta Kayd ee Waaxda



Waxaa iyana Socda oo lagu guda jiraa Gacan ku dhigista Dhul u gaar ah Tamarta dhammaan magaalooyinka Waawayn ee Somaliland(Taas oo gaar ahaan loogu tallagay horumarinta Tamarta cusub ee joogtada ah (Renewable energy) ta dabaysha iyo cadceeda iwm.





Waxay bilawday soo afjarista turjumidda, Jihaynta, Tamarta ee dawladdu ansixasay.



Ugu danbayna waxaa isna sitimaanka bilaabmay barnaamijka baykhaaminta dhuxusha ee cad ceeda salka ku hayaa



Waaxda Macdanta



Bishii May 2011 waxa soo booqday dalka khabiir Macdanta ah.



Safaro lagu soo eegay sahan dhul badan oo ay danayanyaan khubaro ajaaniba oo lagu tegay degaamo ka tirsan Gobalka saaxil.



Shirkadahani waxay soo sahansadeen dhul baaxad leh oo laga sameeyo daraasad dhalin karta wax soo saar Macdaneed.



Waxaa kale oo dalkeena yimid wafti ka socda Dalka Tanzaaniya oo uu hogaaminayo madaxa shirkadda ugu weyn ee ka soo saarta macdanta loo yaqaan (TANZANITE) waxayna booqdeen goobo ka tirsan Gobolka Awdal.





Waftigani waxaa kale oo ay soo booqdeen goobo ka tirsan Gobalka Awdal oo ay soo xaqiijiyeen isu eekaanshaha labada goobood ee Somaliland iyo Tanzani, arintaas oo dhiiri galisay wax wada qabsi iyo taakulayn labada Dal dhexmarta



Wasaaradu waxay dhiirigalin weyn u fidisaa Shirkaddaha iyo Muwaadiniinta Somliland sidii Macdanaha ku jira dalkeena looga ogaado dunida kale iyadoo u ogolaata in la diro muunado kala duwan oo muujinaysa in dalka laga helo macdanahaas



Goobaha wax ka dhaafaan waxa la dhigay shaqaale u tababaran baadhista macdanta si aan sharcidaro loola bixin.







Waaxda Maamulka



Waaxddu waxay diyaarisay xisaab xidhkii sanadkii hore ee 2010 una gudbisay Hantidhawrka Guud







Waxaa kale oo ay waaxdu diyaarisay xisaabxidhkii sanadka aan ku jiro lixdii bilood ee ugu horeysay ee January ilaa june una gudbinay Wasaaradda Maaliyadda




Wasaaradda Shaqada iyo Arimaha Bulshada

9.



- wasaaradu waxay fulisay Turjumaada xeerka qoyska (Somaliland Personal Law.

- Diyaarinta siyaasda qaran ee dabargoynta gudniinka fircooniga ah.

-Dar-dar galinta fulinta siyaasada lamaanaha.

-Isku duwida iyo iskudubaridida mashaariicda iyo hay’adaha hoos yimaada wasaarada.

-Hirgalinta xarunta caruurta dar-bijiifka ah.

-Diyaarinta iyo hirgalinta nidaamka ogolaanshaha shaqda Ajaanibka.

-Hubinta iyo sinaanshaha furashada shaqo ee muwaadiniinta.

Dib u eegista iyowax ka bedelka xeerka shaqaalaha rayidka ah.

-Xalinta xilaafaadka shaqaalaha iyo loo shaqeeyaha.












Wasaaradda Caaalada & Garsoorka

10.







1. Waxa la dhammaystiray xeer-nidaamiyihii Xeerka qareennada oo uu la’aantii u meel-mari la’aa Xeerka Qareennadu, Waxaana la dhisay Guddiga Anshaxa iyo Ruqsad-bixinta Qareennada oo uu waajibinayo Xeerka Qareennadu.
2. Waxa la qabtay shirweynihii Cadaaladda ee aad, Mudane Madaxweyne, kaga baaqday khudbad sanadeedkii aad baarlamaanka ka horjeedisay sanadka bilawgiisii, shirweynahaas oo, iyadoo lala kaashaday hay’adaha UNDP &AWEPA, uu ka soo baxay Qorshe-Hawleedka Qaran ee Horumarinta Cadaaladdu oo la filayo inuu aasaas u noqdo Dib-u-habaynta Cadaaladda Guud ahaan.
3. Waxa Bahda Cadaalada laga hawlgeliyey 50 Dhalinyaro ah oo ka soo baxay Kuliyadaha Sharciga ee Jaamacadaha Dalka
4. Waxa laga hawl-geliyey Maxkamadaha Hoose ee Hargeysa & Borama iyo Ciidanka Asluubta 14 dhallinyaro sharci-yaqaano ah oo ka soo baxay Kulliyadaha sharciga laguna soo xulay imtixaan laga qaaday kuwaasoo la doonayo in “Internship” ahaan loogu kurdhiyo khibradda sharciga (legal skills) ee la xidhiidha dhinaca garsoorka arrintaas oo ay naga caawisay Hay’adda UNDP.
5. Waxa la soo geba-gebeeyey heshiis ay Hay’adda UNODC Xarun Cusub ugu dhisayso Wasaaradda Cadaaladda, waxaana Wasaaraddu ka soo guurtay Xarunteedii hore (oo daad wax-yeeleeyey) iyadoo inta dhismaha cusubi ka dhammaanayo ay hay’adaa UNODC u sii kiraysay guri ay Wasaaraddu ku sii shaqayso.
6. Waxa la diyaariyay in imtixaan laga qaado dhamaan mihnadlayaasha sharciga sida Nootaayooyinka iyo Xafiisyadda Ma’duumka, si adeeg hufan oo cadaaladeed ay bulshaddu u hesho lagana toosiyo dhinacooda oo muhiimad weyn u leh Cadaaladda Guud ahaan.















B. Xabsiyadda.

Hargeysa.

1. Waxa Wasaaradda iyo hay’adda UNODC isla qaateen in xabsiga dhexe ee Hargeysa lagu kordhiyo guryihii ay seexan lahaayeen askarta xabsiga ilaalisaa oo





hadda degan qayb ka mid ah hoygii maxaabiista, oo aan xabsiga looga maarmi Karin korodhka maxaabiista awgeed.

1. Waxa Wasaaradda iyo hay’adda UNODC ay isla qaateen in Xabsiga Hargeysa loo sameeyo bulaacado cusub si nadaafadda guud (sanitation) ee xabsigu u hagaagto.
2. Waxa Wasaaradda iyo hay’adda UNODC isla qaateen in magaalada Hargeysa laga hir-geliyo xabsi labaad oo leh qaybtii dumarka iyo Qaybtii Caruurta.
3. Waxa Wasaaradda iyo hay’adda UNODC isla qaateen in xabsiga Hargeysa laga dhiso wershaddii wax-soo-saarka ee ay xirfadda ku baran lahaayeen maxaabiistu, si marka Xadhiggu u dhammaado ay bulshada dib ugu noqdaan iyagoo shaqaysan karaya.
4. Waxa xabsiga Hargeysa loo iibiyey baabuur cusub oo ah nooca TOYOTA pickup.

Mandera.

1. 1. Waxa Wasaaradda iyo hay’adda UNODC isla qaateen in Xabsiga Mandheera lagu kordhiyo guri cusub oo maxaabiista lagu xidho iyoin dib loo hagaajiyo Kijada (Kitchen) Xabsiga iyo wixii kale eel agama maarmaan ah ee Nadaafadda Guud kor loogu qaadayo.

Xabsiga Gabiley.

1. Waxaa booqay xabsiga Gabiley Wefti Norwegian ah oo laga filayo, siday ballan qaadeen, inay xabsiga ku kordhiyaan qaybo cusub,sida:-

* In Derbi weyn Lagu wareejiyo Xabsiga.
* In lagu kordhiyo Qaybo ay dumarku leeyihiin maadaama uu xabsigaasi hadda yahay ka keliya ee dumarka lagu xidho, aadna hadda cidhiidhi ugu ah.









Xabsiga Wajaale.

1. Waxaa la dhagax dhigay mashruuc xabsi lagaga dhisayo banka Wajaale, waxaana dhismahaas iska kaashanaya Ganacsatada Wajaale iyo Dawladda si looga faa’iideysto laba arrimood:-

* in laga nasto dhibta dhallinyaradaas oo inta ay wax ku soo cabbaan dhinaca Ethiopia rabshad joogto ah ku haya dadweynaha Wajaale.
* in xooga dhallinyaradaas lagaga faa’idaysto wax-soo-saarka beeraha ee banka Wajaale.







1. C. Ciidanka Asluubta

Taliska Guud



1. Waxa Ciidanka Asluubta laga hawl-geliyey Koox kubadda Cagta ah.
2. Waxa Ciidanka Asluubta laga aasaasay koox fannaaniin ah.
3. Waxa Ciidanka Asluubta loo iibiyey hal baabuur oo bas ah oo ay si wadajir ah u adeegsan doonaan labada kooxood ee kubadda cagta iyo fannaaniintu.



1. D. Xeer Ilaalinta

Burco



1. Waxa dhismahoodii dhammaaday oo lagu wareejiyey Xeer Ilaalinta Gobolka Togdheer xafiisyo ay hay’adda UNDP uga dhistay magaalada Burco.



1. E. Maxkamadaha

Hargeysa



Waxa dhismahoodii weli socdaa maxkamadaha Gobolka iyo Degmada Hargeysa, waxaana la filayaa in la dhammeeyo bisha soo socota.










Wasaaradda Gaashaandhiga

11.



-furitaanka dhisme casri ah oo loo dhisay wasaaraddaoo ah 3 Dabaq

- waxa la dayactiray cisbitaalka ciidanka qaranka JSL

-dugsiga tababarka ciidanka qaranka dararweyne oo dhismihiisu dhammaystirmay.

-tirakoobka shaqaalaha wasaaradda.




Wasaaradda Kaluumaysiga

12.



Wasaaradu waxay soo saartay saddexdii bilood ee ina dhaaftay dakhli dhan $38,123 Dollarka maraykana ah.

Waxay dib u dhis iyo dib u habayn ku samaysay qayb ka mid ah xarunta EX NEC FISH BERBERA oo ay ka dhistay dhisme wayn, kaasoo deyrna ay ku soo wareejisay.

Waxay la kulantay hay’adaha FSNAU, WOLRD BANK, USAID & FAO, waayna ka wada hadleen kor uqaadida adeega bulshada.












Wasaaradda Xanaanada Xoolaha



13.



si ay uga hawl galaan lana tacaalaan dhibaatooyinka caafimaad ee ka jira deegaanada xoolo dhaqatada ee goboladaas. Isla markaana wasaradu waxay u dirtay afar kooxood gobolka sanaag si ay uga hawl galaan talaalka wasaarada waxaa ka taakuleeyay gurmadka gobolada sannaag, haayada caalamiga ah ee loo yaqaan AU-IBAR.

a) Waxaa kaloo la qabtay mashaariic rarid, dajin iyo hadhadh laga fuliyey Awdal, Gebilay, Wajaale, Berbera, Burco iyo Laascaanood.

- Waxaa kale oo la fuliyay kawaano casri ah magaalo madaxda gobalka Awdal ee Boorame oo la dhamaystiray, isla markaana kawaan kale oo casri ah laga bilaabay Magaalo madaxda gobolka Tog-dheer e Burco. Waxa dayr lagu wareejiyay Saylada iibsiga xoolaha ee Hargaysa.

- Waxa kale oo wasaaradu dejisay sharcigii Baadhista iyo illaalinta caafimaadka hilibka oo laga ansixiyay Golaha wasiirada haddana horyaala Golaha Baarlamaanaka,







- Tirada xoolaha la tallaalay 19 april 2011 ilaa 19 may 2011 ee Gobolada Sool, Saaxil Awdal, Togdheer iyo M/jeex Waxay Dhanyihiin 419407 neef

- Tiradda xoolaha la daweeyay, gobolada M/jeex, awdal, saaxil, togdheer iyo sool laga bilaabo 19 april ilaa 19 may 2011 ee Gobolada Sool, Saaxil Awdal, Togdheer iyo M/jeex Waxay Dhanyihiin 350785 heads

- Tirada xoolaha la talaalay gobolka sanaag 26 may ilaa 10 june 2011 ee Gobolka Sannaag kuwaas oo laga talaalay Xanuunada Sambabka Riyaha waxa laga talaalay 17736 heads iyo Furuqa riyaha iyo idaha oo isna laga talaalay 30592 heads



- Tirada xoolaha la daweeyay ee gobolka sanaag 26 may ilaa 10 june 2011 gaar ahaan Adhiga oo dhan 62158 iyo Geela oo isna ah 3640

- Fiiro gaar ah: Waxaa laga daweeyay cudurada gufac, raaf-dilaac, caal, shilin, nabaro, shuban, dhukaan, shimbir iyo guudaan.

Dhismayaasha rogida iyo raaritaanka xoolaha ee la dhameystiray


Wasaaradda Hawlaha Guud & Gaadiidka



14.



Wasaarady waxay hirgelisay Waddada makhaayadda Inanta-Berbera

-Waddada Laascaanood-Gambadha (qaybtii 2aad)

-waddada Oog-Laascaanood.

-Dayacritka biriijka 1aad ee Burco.

-Dib u hagaajin briijka ceel-la-helay oo daadadku waxyeeleeyeen.



-Dayactirka wadada makhaayad inanta Hargeysa.

-Dayactirka wadada Oog-Burco.

Waxa dhismaheedii socdaa waddada Dila-Tuli (4km oo ka bilaabma Dila) Kharashka ayaa dibu ga dhcay, qalabka qandaraasluhuna wuu cila badan yahay, inuu qalab kale kirayasna ma ogola.

Waxa la bilaabayaa dayactirka waddada tuulada Crusher – Hudusa.








Wasaaradda Qorshaynta Qaranka

15.



Waxa dhamaan la sameeyay xafiisyada wasaarada qorshaynta Qaranka ee gobolada dalka, haatana dhismahoodu socdaa.

2. Waxaa lagu guda jiraa abaabulka dhismaha guddiyada horumarinta gobolada , marka laga reebo gobolka saaxil oo hore loogu sameeyay gudiga horumarinta, si fiicana u hawlgalay ama u shaqaysay.

3. Xidhiidhinta wasaaradaha waaxda horumarintu way ka hawlgashay islamarkaana wasaaradaha iyo hay’adaha dawliga ahiba aad bay usoo dhaweeyeen, marka laga reebo rugta ganacsiga.

4. Waaxda horumarintu waxay diyaarisay islamarkaana gudbisay qorshihii iyo miisaaniyadii ay waaxdu ku shaqayn lahayd shanta sano ee soo socota.

2) waaxda Qorshaynta

Waxa la sameeyay Qorshihii Shanta sano ee dalku ku shaqaynayay (2011-2015) oo ay waaxdu gacanta ku hayso lana dhamaystirayo sida ugu dhakhsaha badan.

2- Waxa socota isu dubaridkii (7) siyaasadood ee aasaaska laga duulayo u ah marka qorshe lasamaynayo

* Ø Macro-economic policy
* Ø Aid management policy
* Ø Monitoring and evaluation
* Ø Institutional and public sector reform policy
o Ø Management information policy
o Ø TVET





3. Waxa si joogto ah u socda hawshii millennium development Goals (MDG)

4. Waxa la qabatay aqoon is waydaarsiyo ku sahabsan nabadgalyada cuntada iyo biyaha Somaliland (food and wate

v Waxa la dhamaystiray ururinta sicirka suuqa iyo sarifka dollarka

v Waxaa la bilaabay sahanka MICS4 oo la dhammaystiray goballada Awdal, Maroodijeex iyo Saxil, hadan loo gudbay Togdheer, Sool, iyo Sanaag.

v Waxaa la soo saray lana qaybiyay Buugga Somaliland In-figures

v Waxaa la dhammaystiray 2nd Edition of Statistical Buliten.
Wasaaradda Dhalinyarada & Ciyaaraha



16.



1- Tartanka kubada cagta ee Jaamacadda Hargeysa.

2- Tartanka kubada cagta ee kooxaha heerka 2-aad Hargeysa, kaas oo ay ka qayb-qaateen 90 naadi oo lagu kala saarayay.

3- Tartanka kubada cagta naadiyada heerka 1-aad ee wacyi-gelinta joojinta tahriibta.

4- Tartanka kubada kollayga naadiyada heerka 1-aad ee wacyi-gelinta tahriibta.

5- Tartanka ciyaaraha fudud naadiyada heerka 1-aad wacyi-gelinta joojinta tahriibta.



6- Tartanka kubadda cagta naadiyada heerka 1-aad ee Telesom Cup.

7- Tartanka ciyaaraha fudud degmooyinka gobolka Hargeysa

8- Xuska munaasibada Qaranimada Somaliland 18 May oo ciyaaraha kala duwan wasaaradu kaga qayb-gashay.

9- Ciyaaraha saaxiibtinimo ee kooxda Qurba-joogu la yeesheen gobollada dalka.









Gobolka Togdheer, waxa lagu qabytay ciyaaraha kubada cagta ee Dugsiyada Hoose/Dhexe ee gobolka Togdheer.

Tatanka ciyaaraha kubada cagta ee dugsiyada Sare ee gobolka Togdheer.

Tartanka ciyaaraha kubada cagta ee naadiyada heerka 2-aad gobolka Togdheer.

Gobolka Sool: Tartanka ciyaaraha kubada cagta ee naadiyada heerka 2-aad ee gobolka Sool ayaa la hir-geliyay.

Dayactirka Garoomada:

Waxa la dayactiray garoonka Timacadde ee kubada Kollayga oo la dhamaystiray.

Dayactirka garoonka kubada cagta ee Hargeysa Stadium

Dayactirka garoonka kubada cagta ee garoonka Xawaadle.



Waaxda Dhaqanka

Waxa Afsoomaali lagu turjumay siyaasada dhalinyarada Somaliland oo markii hore ahayd nuqul

Waxaanu siyaasada Wasaarada hor-gaynay golaha Wasiirada si ay u ansixiyaan.

Waxa la dhisay xarumo dhalinyaro magaalooyinka Borama, Sallaxlay, Ceerigaabo, Dacar-budhuq iyo Burco, kuwaas oo aanu si wada jir ah ugu wareejinay ururo dhalinyaro oo ka jira degmooyinkaas, isla-markaana hada la



qalabaynayo si ay uga faa’iidaystaan dhalinyarada ku dhaqan degmooyinkaasi, waxaana maal-gelisay mashruucan Hay’ada UNICEF.





Waxa xog-ururin lagu sameeyay hawlaha, baahiyaha iyo xaalada dhalinyarada ee dhamaan gobollada dalka, waxaana iska kaashaday Wasaarada iyo Dallada dhalinyarada ee Sonyo, warbixintan oo dhinacyo badan taabanaysa waxa laga soo saaray Buug, waxaana la qabtay shir balaadhan oo xogtaas lagu daah-furay.

Dhaqanka iyo Fanka:

Waxa la abuuray Guddiga abwaanada Qaranka guddigaas oo hawshoodu tahay

- Diyaarinta qaamusyada Afka Soomaaliga.

- Ururinta iyo qiimaynta eryada afafka kale ee ku milmay afkeena iyo dalalka ay inaga yimaadaan sanad walba.

- Diyaarinta iyo ururinta sheekooyinka laga dhaxlay facyadii hore ee umaddeena Somaliland iyo kuwa la curiyay ee cusuba.

- Qiimaynta suugaana iyo suugaanyahanada sanad walba.

- Waxa sanadkan la qabanayaa tartan fanka iyo dhaqanka ah oo gobolada oo dhan ka bilaabmaya, caasimadana lagu soo xidhi doono, kaasoo joogto noqon doona sanad walba.

- Fanaaniinta heerka Qaran ee Wasaaradda oo aanu u habaynay saddex kooxood oo isku tayo ah.

- Waxa la sameeyay xafiis u gaara diiwaan-gelinta suugaanta iyo sugida lahaanshaha (Copy right).

- Waaxda Dhaqanka iyo Fanku waxay qaab masraxiyeed kaga qayb-qaadatay xusaskii 18 May iyo 26 ee June ee Somaliland.

- Waxay Waaxda Dhaqanku wada shaqayn la bilawday Hay’adda UNESCO oo qaabilsan qaramada midoobay dhaqanka, inay si wax ku oola uga qaadato mashaariicda horumarinta dhaqnaka iyo fanka.












Wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiinta



17.



waxa la ansixiyay sharciga isgaadhsiinta Somaliland.

Waxa la soo xareeyay dakhliga isgaadhsiinta Somaliland.

-isbarbardhigga dakhliga maanta iyo dakhliga marka la adeegsado qalabka iskuxidhka iyo maaraynta isgaadhsiinta.

-waxa la dhisay guddida iskuxidhka shirkadaha isgaadhsiinta

Wasaaraddu isgaadhsiintu waxa ay ka baadhaandegtay qalab lagu maareeyo hirarka isgaadhisiinta si loo hubiyo habsami u adeegsiga hirarka isgaadhsiinta ee qaranka.

19/07/2011 waxay Wasaaraddu ku Guulaysatay inay daaha ka rogtay isku xidhka wada hadalka shirkadaha dhexdooda oo heshiis ay ku galeen 5 shirkadood, wada-hadalna uu socda shirkada ka maqan Heshiiska ee Telesom.


Wasaaradda Diinta & Awqaafta

18.



Waxa la qabtay Shirweynihii 1aad ee loo qabto culimaa’udiinka dalka oo laga hadlayay xagjirnimada iyo sida looga fogaynayo dhalinyarta kaasi oo socday mudo laba todoabaa ah 01-15/04/2011.

-Wacyigalin diiniya oo dhinaca nabadgelyada ah.

Aqoon korodhsi culimada iyo shaqaalaha wasaarada Diinta iyo Awqaafta oo socday mudoo todobaad ah.

- Wasaarda oo si xoog leh uga qayb qaadatay caawimada dadkii iyo xoolihii abaaraha ku waxyeeloobay.







-Diiwaangalinta & xog-ogal u noqoshada xaalad masaajidada iyo madaarista dalka.



-Dhamasytirka mago la isku haystay oo la cadeeyey cida xaqa u leh.

Wasaaradda Diinta iyo Awqaaftu waxay ka jawaabtay fatwo su’aalo lanaga soo codsaday.




Wasaaradda Ganacsiga, wershadaha iyo Dalxiiska

19.





- Gal saxar oo aan ku samaynay sawiro maroodiyaal,deerooyin, nin faras fuushan iyo sawirkii diinsoor.

- Dabis waa xarun loogu talogalay dalxiis oo ay ku taalo saddex qol oo dalxiisayaashu seexdaan, saddex hall oo waaweyn iyo laba barkadood iyo hal dhaam iyo laba kun oo geed oo baxarasaaf ah.

- Wasaaradu waxay diyaarisay tirokoob bille ah oo ku saabsan badeecadaha dalka soo gala iyo kuwa ka baxa.

- Wasaaradu waxay midaysay oo ay dhaqan galisay miisaaniyada midaysan oo ka kooban wershadaha iyo dalxiiska.

- Caqabadaha jira waxa ka mid ah:



- Xidhiidh ganacsi oo aynan la yeelan Karin dalalka dibadaha (aqoonsi la’aan darteed).

- Maalgashi shisheeye oo aan jirin.

- Maqnaansha Baanka Ganacsiga LC (Commercial Bank).

- Hay’aha ganacsiga ee cawin jiray ganacsiga oo aan dalka.

- Miisaaniyad horumarieend oo aan wasaraadara ugu jirin.

- Dhamaystir la’aan shuruucdii ganacgsigu au baaahnaa, kala joogin xadaynta laanta ganacsiga.






Wasaaradda War-faafinta & Wacyigelinta

20.



-istuudiyaha 1 aad ee Telefiishanka oo la dayactiray lana qalabeeyey

-istuudiyaha 1 aad & 3 aad ee raadyow hargeysa oo qaboojiyayaakl lagu xidhay

–Qalabkii idaacadda oo la kiciyey )Kaamerado, rikoodho..iwm)

-Kayballada xidhiidhiya istuudiyaha iyo warlaliska oo xadhkihii laga beddelay.

-kaalmadii USAID oo wasaaraddu qaybteeda ka heshay.

Tababarro la siiyey shaqalaha wasaaradda

-dib u habayn ballaadhan oo lagu sameeyey barnaamijyada iyo wararka idaacadda iyo TV ga iyadoo waqtiyo munaasib ahna lagu kordhiyey.

-qoraal aannu ku dalbaynu idaacad dalka iyo dibeddaba gaadha ayaannu u dirnay guddida qandaraasyada

-gaadiidka wasaaradda oo la dayactiray





21. Wasaaradda Madaxtooyada :– waa Wasaarado Cusub

22. Wasaaradda Did-u-dejinta :– waa Wasaarado Cusub

23. Wasaaradda Horumarinta Reer Miyiga :– waa Wasaarado Cusub





Dhamaad ka Warbiximaha Wasaaradaha















Gobolada Dalka iyo Wax qabadkooda





Boorama:

a) – Waddo Magaalada dhexdeeda ah oo dhamaatay

b) – Biriij yar oo ku yaala Tuulada Degmo-Laqas oo dhamaaday

c) – Berkad ku taala tuulada Weeraarta oo dhamaad ku dhaw

d) – Berked ku tuulada gargooray oo dhamaatay

e) – Health post (goob caafimaad ) Garbo-haadlay oo dhamaatay



Dawlada Hoose ee Berbera:



Dawladda Hoose ee Berbera waxay wadaa Mashruuciicda kala ah: dhismaha wadooyin 9 wado Totalka Metter koodu dhanyahay 4587 Meter.

Mashruuca Contrabution dhismaha Garoonka & wadada garoonka dhex marta

5. Mashruuca Taarka lagu soo wareejiyay Garoonka .

6. Mashruuca Garoon kubadeed (Play Ground Stadium) lagu hayo Gacanta

7. Mashruuca Taalo kamida bilicda magaalada laga sameeyay Shide-yar New Roads

8. Mashruuca Banaynta Magaalada Dhexdeeda & Rarida Sandaqadaha & cooshadaha





9. Mashuuraca Dhamaystirka sariibada 2aad ee magaalada kuna taal Burco-sheikh

10. Dhismaha Xafiis Dowladahoose ku leedahay Haamaha

11. Dhismaha Masaajid & Qolaalkalaga sameeyay Goobta Biya Guure Ee Biyaha Kulul

12. Mashruuca Town Plane ka & Maping ka loo sameeyay Magaalada Guud ahaan





Gobolka Togdheer:

Waddo magaalada dhexdeeda ah oo dhamaatay

a) Biriij yar oo ku yaal waraabeeye

b) MCH ku yaal War-cimraan oo dhamaday

c) MCH ku yaldhoqoshay oo dhamaday

d) Dhismaha barkad ee kal-bare ku taal oo dhaamd ku dhaw

e) Dhismaha Saldhig ee Qoyta ku yaal oo dhamaaday



Gobolka Sool:

Laas-caanood:

a) – Sariibad hilibka laas-caanood oo dhamaatay

b) – Sariibadii khudaarta oo dhamaatay

c) – Dhismaha kawaanka gawraca oo dhamaaday





d) – Dhismaha D/dhexe ee adhi cadays oo socda

f) – Dhismaha guriga Cuqaasha Gobolka waa dhamaad dayactirka wadada isku xidha laascaanood Higlo 40KM, 8 Buundo iyo buuxbuuxinta wadada dhinacyadeeda oo dhamaad ah.

g) – Dayactirka wadada isku xidha laas-caanood, Guumays 65KM iyo buuxbuuxinta



gobolka Salal:



a. – Ceel riig ah (bore hole) ayaa laga qoday tuulaada Ceel Gaal (150M oo hoos ah iyo 1,800m oo qasabdo lasii dhigay waxaana iska kaasahaday Wasaaradda Macdanta Biyaha iyo Dawlada D.Jabuuti .

b. – Ceelka laanta Morohda oo laga shaqaysiiyey

c. – Bariis laga beeray Degmada Garbo-dadar oo wax soo-saarkiisa dhawaan la sugaayo

d. – Guryo badan oo loo dhisay Taliska Ciidanka Ilaalada Xeebaha iyo dayactir lagusameyey Guryihii hore ee Taliska



Gobolka Gabiley:

4 kaabadood oo labada kaantarool ah.

- Waxaa dhamaaday samaynta laba waddo 2KM oo laami ah oo isku xidha magaalada ilaa Dugsiga Sare.

- Dhisme geerash dhan 50mx13m wuu dhamaaday.

- Dhismayaal lagu sameeyey kaantaroolada magaalada oo kala ah

- Dib u dhis iyo balaadhin lagu sameyey khayriyada.



- Dib u dhis sddex suuli oo loo sameeyey saldhiga Booliiska.



Gobolka Hawd

Mashariiicda horumarineed ee Gobolka:

a. – Dhisme laba qol iyo suuliyo ee saldhiga Boliiska magaalada Balligubadle (Hay’addaDDG)

b. – Dayactir dhaam biyood ee Tuulada Gunburaha (Havayoco)

c. – Laba fasal kuraastoofda iyo miisaantooda dhisme afar suuli isla dugsigaas (NRC)

d. -Baabuur Amblace ah ee dhakhtarka baligubadle (ee jaaliaya S/arabiya).





Gobolka Oodweyne:



Waxqabadka Mashaariicda ka hirgashay Gobolka Oodweyne:

1. Waddo-banayn laga fuliyey Magaaladda Oodweyne oo ah 12 waddo (6 barri –Galbeed iyo 6 waqooyi-Koonfur)

2. Baabin ood xeryaha Magaalada dhexdeeda ah

3. cusbitalka Degmada oo la furay oo shaqaynaya

4. Waxa la kiciyey lagana shaqaysiyey Baabuurkii Ambalaaska ee ee Cusbitaalka Degmada.

5. Waxa la dhisay 3 qol oo ah cusbitaalka TB ayna fulisay (JPLG)







6. Waxa la furay cisbiitaalkii Guud ee Gobolka ,waxaana la keenay shaqaalihii iyo dawadii

7. Dhisme 2 fasal Dugsiga hoose dhexe ee Degmada Xaaji saalax fulisayna JPLG

8. Dhisme barkad biyood (12mX12mX4m) ee tuulada cali faarax ayna fulisay (JPLG)

9. Dhisme MCH 2 qol oo loo dhisay Tuulada Gucundhaale fulisayna (JPLG)

10. Dayactir 4 barkadood oo ku yaala Tuulada Laan-mulaaxo fulisayna (JPLG)

11. Dhisme barkad (12MX12mX4m) loo dhisay Tuulada xidh-xidh fulisayna JPLG

12. Dhoobe-qaad lagu sameeyey dhaamka Talaabo-yar ee tuulada galoolay.

13. Baabinta oodii dhul-cawseedka Degaanadda beerato habaas-weyn- goryo-ood, qolqol, iyo Haro –sheekh

14. Ka qayb-qaadashada waddada Burco –Oodweyne- Hargaysa oo hadda socota



Wasaaradu waxay u dirtay toban kooxood goboladda maroodi jeex, awdal, saaxil, togdheer, iyo sool



******************************************

Dhamaadka Warbiximaha Gobolada









HAY’ADAHA DAWLADA



Xafiiska Samafalka Madaxtooyada



Xafiisku waxaa uu madaxwayanuhu ku dhawaaqay bishii 9.2010 kii,

4 bilood oo xog urursi ah iyo mashaariic diyaarin iyo siduu u shaqayn lahaa iyo aragtida guud

* Xafiisku hawshiisii kowaad waxa uu bilaabay 12.2010 waxaanu fuliyey qaybinta barmaamijkii xoolaha IIDUL ADXA, xafiiskoo la kaashanaya hayadda Zamzam foundation iyo dalada Haado,muslim aid iyo haayadda Islamic relief waxaana loo qaybiyey tiro gadhaysa lixkun oo qoys oo danyar ah (6000qoys) oo aad u baahnaa.
* Xafiisku waxa uu ka qayb galay gurmadkii ka hortagii abaarihii dalka aafeeyey bari iyo galbeedba ,ha ahaato biyo dhaamis, raashin qaybin, tiro gadhaysa shan iyo tobankun oo qoys(15000 qoys)
* Xafiisku waxaa uu ka qayb galay abaartii lama filaanka ahayd ee aafeysay waqooyiga gobolka maroodi jeex oo la quudiyey sagaal kun iyo sideed boqol oo qoys (9800qoys) waxaanu xafiisku ka qayb galay soo raristii dadkii tabaalaysanaa ee abaartu aafeysay iyo dejintoodii
* Xafiisku waxa uu ka qayb galay dhagax dhigii xarunta agoomaha ee burco, halkaas oo ay tageen waftigii ay marwadu hogaaminaysay.
* Xafiisku waxaa uu fuliyey Barmaamijkiisa ku saabsan caawinta danyarta isagoo la kaashanaya haayddaha Manhal , Qarnul ifriiqiya iyo Zamzam foundation waxaana la gaadhsiyey tiro dhan afar kun oo qoys (4000)
* Xafiisku waxa uu ka qayb galay caawintii la cawinayey danyarta ku nool Gobolkada Somaliland deeq ka soo gaadhay isu tag imaaradka carabta oo soo marariyey Bisha Cas ee Abudubay deeq dhan 30 tan oo raashin ah







loona qaybiyey Bari iyo Galbeed,) shan iyo toban tan bari( 15 tan) iyo shan iyo toban tan (15 tan) galbeed.

* Xafiiska oo ay hoggaminayso marwada koowaad marwo amina waris waxay deeq gaadhsiisay dhakhtarka dhimirka ee Hargiesa oo ahayd deeq raashin ah oo kala duwan
* Xafiiska oo ay hoggaminayso marwada koowaad marwo amina waris waxay deeq gaadhsiisa xarunta agoomaha ee hargiesa deeq raashin ah oo kala duwan
* Safarkii ay Marwada madaxweynuhu ku tagtay Gobolka Cayn iyadoo halkaas ay gaadhsiisay deeq loogu talagalay dadkii ku wax yeeloobay tuulada Tukub.
* Xafiiska sama falku waxa uu deeq raashin ah gaadhsiyey iyadooy marwada kowaad hogaaminayso deeq raashin ah oo kala duwan oo loo qaybiyey 300 qoys tuulada agabar iyo tuulada caada
* Isugaynta tirada qoysaska ka faa’iidaystay barmaajijka taakulaynta dan yarta uu xafiisku fuliyey

Tirade guud oo ah 33,100 qoys oo dan yar ah, dhamaan lixda gobol ee Somaliland.

* Xafiiska oo dhiirigalinaya ardayda jamacaddaha ee soo kordhiya wax ku cusub dalka oon hore loo arag si ay u sii dedaalaan intaasi iyo in ka badana aya qabtaan. Iyadoo loo sameeyey xaflado dhirigalineed



Baanka Somaliland

Bilowgii April 2011 waxa dalka soo gaadhay qaybtii hore ee dalabkii lacageed, taasi oo ka soo degtay madaaarka Berbera si nabadgelyo ahna ugu soo xarootay xarunta dhexe ee Baanka Somaliland,

- Waxaanu Baarlamaanka ka dalbanay ansixinta Noodhadhka 1000 iyo 5000, waanay ansixiyeen.



waxanu dalabnay badhtamihii April lacag cusub (new notes) oo ka kooban 1000sh.sl & 5000Sl/shs, taasi oo aanu shubnay qaybtii hore ee qiimaha lacagtaasi







(60% advice payment), taasi oo aanu rajaynayno inay dalka soo gaadho sannadkan dabayaaqadiisa.

-

*Bilowgii bisha May 2011 waxanu u hawlgalnay beddelkii lacagta giimbaarta ee gobolka Togdheer iyo nawaaxigiisa, waxanan si raasmi ah u soo gabagabaynay 24/05/2011. Lacagta aanu bedelay waxay ahayd 20 Bilyan oo Giinbaar, laguna bedelay lacag u dhigmaysa 10 Bilyan oo SLSHL ah.

*Bilowgii bisha June waxanu la kulanay khabiir aqoonyahan oo ka socda dalka Malaysiya, kaasi oo aanu sila gaadhnay inuunoo samyeeyo xidhiidh aanu la kulanao Bangiga dhexe ee Malaysiya., bishan waxanu ka qaybgalnay “Workshop” soconayey saddex cisho oo ka dhacay Maansoor Hotel kaasi oo ay soo qabanqaabsaiy gudida dhaqaalaha ee Golaha WAkiilada Somaliland. Kaasoo lagaga hadlayay sharciyayntii shuruucda Baanka Dhexe.



Dekedda Berbera:



June 2011 daraasad ay si wada jir ah u diyaariyeen khubaro ka socda shirkadda iyo khubaro dekedda ayaa waxa la daah-furay in duudka dekeddu ku haboon yahay in uu qaado Harbour Crane awood u leh inuu badeecad ka dejiyo, saraana maraakiiba waawayn ee keena Container-ka iyo qalabka calculus ee dhismaha.

-Tan iyo wakhtigii dalka la so galay marna laguma guulaysan in badda laga nadiifiyo qashinka doonyaha iyo laashashka buux-dhaafiyay. Bishii March 2011 waxa la bilaabay qorshe balaadhan oo meesha ka saaraya qashinka ka hadhay doonyaha iyo laashashka ku baaba’ay badda u dhaxaysa Dekedda iyo Dekedda yar. Kuwaas oo fool-xumo iyo khatar dhinaca ciida guur-guurta ah ku haya haabadda gudaha

(Inner anchorage). Waxa lagu guulaystay in meesha laga saaro ugu yaraan Afar doonyood qashinkii kaga hadhay badda.

Waxa la abuuray xarun caalamiya oo ka kooban la dagaalanka dabka iyo badbaadinta hantida.





June 2011 waxa bilaabmay wajigii ugu horeeyay ee dhismaha nidaamka dab-demiska, waxa la furay tababar heer caalamiya 30 ka mid ah shaqaalaha Dekedda oo u saaxiib ah akhlaaq wanaag, balwad la’aan iyo awood jidh ahaaneed oo ku haboon gudashada waajibka la dagaalanka dabka iyo badbaadinta hantida umadda, tababarkana waxa fulisay khubaro ka socota shirkadda SADPA.

Si loo balaadhiyo barxadda Dekedda, loona helo dhul ku haboon adeega, waxa la bilaabay mashruuc balaadhan oo lagu dhisayo Stacking-yard ku fadhiya dhul baaxadiisu dhan tahay 100,000msq qiyaas ahaan. Waxa la bilaabay dhismaha goobtan April 2011, waxa u qorshaysan mustaqbalka in ay noqoto goob la dhigi karo Boqolaal kun oo Koontaynar.

- Waxa la hawl-geliyay quuse Divers iyo wiishka, aakhirkiina waxa badda la so saaray 130 xabo, waxa suurto-gashay in kaalasha dib loogu dayactiro oo goob kasta oo ay ka maqnaayeen lagu xidho.

Tug-Boat: Dekedda Berberi waxay leeedahay hal Taag oo cimrigiisu yahay 50 jir kaas oo laga dhaxlay Taliskii Siyaad Barre, waxa diwaanka ugu jira in laba jeer Dry-dock loo diray oo duudka sare iyo qolifrid lagu sameeyay, laakiin marnaba nasiib umuu helin in mishiinada iyo wareegyada wax laga qabto ama laga bedelo.

-Waxa muddo 6 bilood ah maamulka Dekedda kala shaqayn doona dhinaca horumarinta Mr. Reynald Bench (Senior Shipping and Ports Specialist. WB), oo marka hore Dekedda Berbera u diyaarin doona Mast Plan/ Road Map.

-Si nabadgelyo ah ayaa looga raray dadkii deganaa dhulkii Dekedda iyo dariiqyadii xoolaha, kuwaas mariinadii xoolaha iyo bilicdii dekedda dhib wayn ku hayay.

-Waxaanu ku gudo-jirnaa dhamaystirka heshiiska iibka wiishkan, taas oo keenistu qaadan doonto 4 bilood ka dib marka la saxeexo heshiiska

- waxa u qorshaysa in loo keeno Dakadda qalab u gaara goobtan oo fulinaya adeega qodista. Dejinta, rarista iyo daabulistaba, kana mid yihiin, trailer, spreader, frok-lifter, tractor head.

Waxa la sameeyay qorshe mashruuc lagu noolaynayo kor u qaadista heerka korontada dekedda, taas o meesha ka saari doonta khatarta dabka iyo iftiin la’aanta dekedda haysata habeenkii.





Madbacadda Qaranka:

- Waxaanu iibsanay Makiinad Letterpress Germany (Heidelberg) oo sided number ku xidhmayso oo loogu talo galay jiiwanada cashuurta qiimaheeduna dhan yahay 7,500$.

-Waxaanu bixinay mushaharkii shaqaalaha xukuumaddii hore ku lahaayeen 70%.

-Waxaanu kor u qaadnay tayadii makiinadaha wax-soo saarka halkii markii hore ay muddo dheer qaadanaysay.

*Dhismaha hal hool oo aanu ugu talo galnay in aanu makiinaddo cusub dhigno oo hada dhamaaday

-Makiinad yar oo aanan wali tijaabin.





Wakaalada Biyaha Hargeysa



- Shaqaalaha biyo soo saarka waxanu u kordhinay mushaharkooda 40%, shaqaalaha xaruntana 20%, waxa kale oo aanu siinay mushaharkii ka maqnaa 2004-2006.

- Waxa kale oo aanu bixinay dhamaan xaqii ay maxkamaddu ku xaqday nin ka mid ah shaqaalaha biyo soo saarka oo isaga oo mashiin masaxaya ay riishadii jatay gacanta.

-shaqaalaha waxan u samaynay ID Cards.

-shaqaalaha waxan ka bixnay qaar ka mid ah feega jaamacda, caafimaadka wixii daruuri ahna waanu ka caawinay.

-Dayactirka mishiinada iyo gaadiidka.

-Bixinta daymihii hore.



-Dakhliga dawlada dhexe WBH u xeraysay total 733,399,774, dakhligaasi oo iskugu jira cashuuro, # Wixii dhibaatooyin ah ee nag hor yimid waxa ka mid ah;

 Sarifka.

 Qiimaha Shidaalka.

- Billing systemka wakaalada oo aanu doonayno in sare loo qaado.

- Dhismaha deyrka berkada weyn ee sheedaha.

- Dhismaha iyo dayactirka camp-ka koowaad ee biyo soo saarka ee Geed-deeble oo aad u dayacan ayaanu soonaynaa in aanu ku samayno dayactir dhismayaasha iyo dayrka xerada.


Wakaalada Korontada Hargeisa



23 April, 2011 Wax ka qabasho guryaha sharci-darrada ku shita dabka.

-Soo ururinta daynta oo shaqaale u gaar ah loo sameeyey

-23 April,2011 Dhismaha hay’adda, iyo gaadiidka oo la dayactiray

-24 April Mishiin Perkins ah oo muddo fadhiyey oo qalabkii ka dhinnaa loo keenay, tijaabadiisana lagu guulaystay

-27 April Dabka korontada oo lagu fidiyey sayladda Xoolaha ilaa Dhaamka



-30 April Shir hawleed lagu eegayey baahida korontada dalka.

-08 March waxa shaqaalaha loo qaybiyey dirayska Obarkoodhada iyo koofiyado huruud ah oo ay ku xardhan tahay astaanta hay’adda korantadu.

-09 March, waax Penal Board loo keenay mishiin ka mid ah mishiinada, isla markaana waxa la kiciyey mishiinkii muddada dheer fadhiyey ee noociisu ahaa Perkins.

-19-30 March fidinta dabka magaalada Hargeysa sida saylada xoolaha iyo dhaamka.




Hantidhawka Qaranka:



Ugu horyn, Waxa Hantidhawrka Qaranka u hirgashay

1. In la diyaariyo, wax-ka-bedelna lagu sameeyo Sharciga guud ee Hantidhawrka Qaranka, kaas oo hadda hawlihiisii la dhamays tiray.



1. Iyadda oo la kaashanayo (World Bank) Baanka Addunka, waxaan ka hawl galay oo bilaabantay, laguna gudo jiraa siddii Hantidharka Qaranka Jsl uga mid noqon lahaa Ururka Hantidhawryada Qaramada Afrika (Afica organizations of Supreme Audit Institutions AFROSAI) iyo Urrurka Caalamiga ah ee Hantidhawradda Qaramada Aduunka( International Supreme Audit Institutions





INTOSAI).

1. Waxa kale oo xafiiska u suurogashay Qorshaha Dhisme cusub oo dhawaan la bilaabi doono oo Dawladda Norwey Lacagtiisa ku soo Shubtay Ha`adda UNDP.



1. Waxa kale oo noo suuro gashay Tababaro Aqoon korodhsi iyo isku-xidhnaanta Shaqaalaha.



1. Iyadoo Hadda Hantidhawrka Qaranku gacanta ku hayo Baadhista iyo diyaarinta Xisaab-xidhka Guud ee Miisaanyadii Qaranka Sannadkii 2010,





Hawshaas oo mid aad u balaadhan, lagana diyaarin doono Buugaaag Xisaab-xidhka muddadaa aan kor ku soo sheegnay.



Xisaab-xidhkaas guud ee Qaranka oo loo gudbin doono Golaha Wakiiladda, sida uu farayo Qoddobka 55aad Distoorka Qaranka Jsl Xisaab-xidhkaa guud oo marka la dhamaystiro noqon doona raad



dhaxalgal ah, isla markaana noqon doona markii ugu horaysay ee xisaab-xidh sugan loo gudbiyo Golasha Wakiilada Qaranka.



1. Waxa aanu dib-u-habayn ku samaynay Qaab-dhismeedkii Maamul ee Xafiiska Hantidhawrka, iyadoo la Magacaabay Agaasimayaashii Waaxyaha Xafiiska Hantidhawrku lahaan jiray.



1. Waxa la xoojiyey Qaybta hore ee Baadhista hore (prior, or pre Audit) oo hawshoodu tahay sugida Saxnaanshaha Dhokomentiga Xisaabeed ee Kharash iuyo Dakhliba.





1. Waxa Hantidhawrku amray Hay`adda Dawlada inay xisaab-xidh ka diyaariyaana, soona gudbiyaan bilkasta lacagaha deeqaha ah ee ka baxsan Miisaaniyada Dawladda.



1. Waxa noo socda oo aanu ku guddo jiraa, qaadana toonta wakhti arrimaha la xidhiidha Diiwaan gelinta Hantida ma guurtadda ah, si ay suurogal u noqoto sannadaha soo socda xisaab-xidhka guud ee Qaranka.



Annagoo ka duulayna ahmiyadda ay Hay`adda Hantidhawrka guud ee Qaranku u hayso Dalka oo ah la dagaalanka Musuqmaasuqa iyo Toosinta iyo tallo bixinta Maamulka Xisaabaadka Qaranka

Natiijadda baadhisaha dhamaaday



* Wasaaradda Maaliyada

Waxa kasoo baxay baadhista iyo sugida deyn dhan Sl.sh. 3654,000,000 ( Saddex Bilyan Lix boqol iyo konton iyo afar Milyan) oo ay ka tagtay Xukuumadii hore.

* Wasaaradda Waxbarashada

Waxa kasoo baxay Xatooyo Qaran oo dhan Sl.sh. 677,650,000 ((Lix boqol iyo Toddobaatan iyo Toddoba Milyan iyo Lix boqol iyo Konton kun), taasoo aanu ka qaadnay Talaabadii Sharci eek u haboonayd.





* Dugsiga Carruurta Agoomaha ah

Waxa kazoo baxay xatooyo dhan Sl.Sh. 108,00009Boqol iyo Sideed Milyan) oo ahaa Raashinkii Xukuumadu ugu talo gashay Carruurta Agoomaha ah.



* Dugsiga Carruurta Dhimirka Wax-ka-Qabta

Waxa kazoo baxay Xatooyo dhan Sl.Sh. 107,000,000(Boqol iyo toddoba milyan) oo ahaa raashinkii xukuumadu ugu talo gashay Carruurtaas dhimirka wax ka qabta.



* Wasaaradda Xannaanada Xoolaha

Waxa kazoo baxay lacag xatooyo oo dhan Sl.sh. 156,5000 ( Boqol iyo konton iyo Lix kun) tallaabo ka qaadisteediina socoto.



* Wasaaradda Hawlaha Guud, Gaadiidka iyo Guryeynta





Waxa kazoo baxay lunsi gaadiid muddadii kala wareega xukuumada cusub iyo xukuumadii hore.

* Dawladda hoose ee Degmadda Wajaale

Waxa kasoo baxay lunsi Hanti Qaran iyo Maamul-xumo laguna lunsaday hanta Qaran oo dhan Sl.Sh. 185,000,650 ( Boqol iyo sideetan iyo shan kun, iyo lix boqol iyo konton ). Ciddii ku kacdayna la horgeeyey sharciga.

* Dawladda hoose ee Degmadda Gabiley







Waxa kazoo baxay lunsi hanti Qaran oo dhan Sl.Sh. 306,000,000 (Saddex boqol iyo lix milyan) taas oo dadkii lunsadayna loo gubiyey hay`adaha sharciga.

* Dawladda hoose ee Degmadda Burco

Waxa kasoo baxay lunsi Hanti Qaran iyo Maamul-xumo laguna lunsaday hanti Qaran oo dhan Sl.Sh. 250,000,000 (Laba Boqol iyo konton milyan ). Lagana qaaday tallaabadii sharci eek u haboonayd.









* Xafiiska Cashuuraha Berriga ee Bobolka Gabiley

Waxa kazoo baxay lunsi hanta Qaran oo dhan Sl.Sh. 15,000,000 (Shan iyo toban milyan) waxaana laga qaadaytalaabadii sharci eek u haboonayd



* Xafiiska Cashuuraha Berriga ee Gobolka Togdheer

Waxa kasoo baxay lunsi Hanti Qaran iyo Maamul-xumo laguna lunsaday hanti Qaran oo dhan Sl.Sh. 27,500,000 9Toddoba iyo labaatan milyan, iyo shan boqol oo kun ), iyo US $ 1,500( Kun iyo shan boqol) Lagana qaaday tallaabadii sharci eek u haboonayd.



* Dawladda hoose ee Degmadda Hargeysa

Waxa kazoo baxay lunsi hanti Qaran oo ka badan Sl.Sh. 2,000,000,000 ( laba Bilya ) ilaa haddan baadhisteedu socota.

Dhamaan fal-dambiyeedyada xatooyada ah ee kazoo baxay meelaha kala duwan ee aanu baadhnay, waxaanu ka qaadnay talaabadii sharci eek u haboonayd, waxaanay isgu jiraan kuwo la xukumay iyo kuwo gar-sugayal ah.



Baadhisaha anaan natiijadooda halkan ku xusini dhamaantood waa baadhiso socda.



Hay`addaha Dawladda ee aanu baadhisaha ku samaynay dhamaantood waxaanu kala kulanay oo ka jiray maamul-xumo baahsan oo ay ka sinaayeen, taasoo aanu ka joojinay kuna beddelay sida saxda ku ah shuruucda xisaabaadka Qaranka.














Komishanka Maamul Wanaaga & Ladagaalanka Musuqmaasuqu



April’2011.



1. komishanka waxa uu qabtay 2ba workshop oo lagu lafo guray xeerka komishanka maamul wanaaga & ladagaalanka musuqmaasuqa.

Workshop waxaa ka qayb galay aqooyano, ganacsato, Madaxda hay’adaha dawlada ee kala duwan iyo marti sharaf kale. Kuwaas oo dood & Afkaar muhiima ka dhiibtay xeerka KMW&LM.

May’2011.



1. Komishanku waxa uu sameeyey shir bile ah oo lagu falanqeeyo arimaha maamul wanaaga waxaanu bil walba ku qabsoomaa xunta guddiga. Waxa hogaamiya shirkaa komishanka maamul wanaaga iyo ladagaalanka musuqmaasuqa, Wasaarada Arimaha Gudaha, Wasaarada Qorshaynta iyo Hay’ada UNDP.



1. Isla bishii may koomishanku waxa u qabsoomay, daraasad balaadhan oo lagu sameeyey saldhiyada bilayska ee degmooyinka magaalada Hargeisa



* oo ku saabsan arimaha cadaalada iyo xidhiidhka bilayska iyo dadweynaha. Daraasadaa waxa ka qaybqaatay 76 arday oo ka kala socday jaamacadaha, Hargeisa, Alpha, Admas, IHU. Ardaydaas oo aanu aad ugu mahadnaqayno sidii wanaagsanayd ee ay hawshaa u guteen.



1. Komishanku waxaa uu ku guulaystay in uu dhamaystiro xeerka KMW&LM una gudbiyo Golaha Wasiirada Xukuumada JSL si ay u ansixiyaan. Isla markaana loogu golaha sharci dajinta.





JUNE’2011.



1. Waxaa uu Gudoomiyaha KMW&LM Markii ugu horaysay ka qayb galay shir caalami ah oo ku saabsan arimaha ladagaalanka Musuqmaasuqa ee wadamada islaamka oo ka dhacay caasimada Rapat ee dalka Marroco.



2. Isla bishii june, 25 keedii waxa uu koomishanku hawlgal baadhis ah ku sameeyey qaabkii iyo hanaankii ay wasaarada waxbarashadu u qaadaysay imtixaanada dawliga ah. Dabalgalkaa waxa uu ka dhacay gobalada kala ah MaroodiJeex ,Togdeer ,Sahil iyo Awdal. Hawlgalkaa waxa ay saraakiishii komishanku kusoo qabteen qaar ka mid ah horjoogayaashii imtixaanada oo sameeyey Musuqmaasuq talaabadii ku haboonaydna laga qaaday.


NERAD:- Degaanka, cilmibaadhista iyo u diyaargarowga dhibaatooyinka



Waxay Warbiximo ku soo ururisay safarro loogu baxay gobollada oo lagu soo ururiyey macluumaad ku saabsan xaaladda abaaraha iyo cunnoyaraanta iyo ku talagal masiibooyinka iman kara.

-gurmadkii abaaraha oo lagu guulaystay lagana wada qaybgalay
-shir iyo tababarro NERAD iyo IGAD ku wada qabteen hargeysa



















Hay’adda Qurbejoogga



-safar wacyigelin iyo baraarujinku wajahan doorka qurbajoogga ayaa guddoomiyuhu ugu baxay jaaliyadaha Somaliland ee dalalka UK, Finland, Sweden, Denmark iyo UAE



-waxa wakaaladduu xidhiidh la yeelatay jaaliyadaha Germany, France, Holland, Belgium, Saudi Aarabia, Kuwait, Qadar, Egypt, Djibouti, Kenya iyo South Africa

-waxa la sameeyey siyaasadda wax qabad ee shanta sano 2011-2015 iyo xeerka wakaaladda

-waxa wakaaladdu ka hawlgashay dabbaaldegyadii 18 May.

-Waxa la sameeyey kayd xogeedka Qurbajoogga iyo mareegta wakaaladda, www.somdiasporagency.com

-dhammaystirka qabanqaabada iyo qabashada shirka jaaliyadaha Somaliland 23-27 July 2011

-dhammaystirka qabanqaabada koobka qurbajoogga ee xagaaga



Hay’adda shaqaalaha dawladda



-Waxay Imtixaan qiimayn ah ka qaaday shaqaalaha Wasaarada Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka ee aan hore imtixaan u galin oo tiradoodu dhan tahay (98 shaqaale) kuwaasoo kala ah sidan;

v Shaqaalaha Gudbay; 93

v Shaqaalaha dhacay ; 02



v Shaqaalaha cudur daarka lahaa; 01

v Shaqaalaha sabab la’aanta ku maqnaa; 02

Isku geyn = 98



-Waxay baahisay isla markaana imtixaan ka qaadistooda dhamaystirtay 4jago oo ka banaanaaday shaqaalaha golaha wakiilada JSL.

-Iyadoo laga ambaqaadayo kor u qaadista tayada shaqaalaha dawlada waxa tababaro loo furay madaxda laamaha dawlada Awdal, Togdheer iyo Saaxil.

-Hay’addu waxy ka fulisay Gobolada Maroodi-jeex, Awdal,Saaxil iyo Tog-dheer kormeer madaxa taabasho ah taariikhdu markay ahayd;1-9/06/2011

Kaasoo ay ku hubinaysay jiritaanka shaqaalaha iyo helitaanka macluumaad sax ah oo khuseeya shaqaalaha. Waxayna kas oo qaaday sawiro iyo foomam shaqaale tiradoodu dhan tahay (8,000 shaqaale).

-Waxay qabatay shirweyne caalamiya oo ku saabsanaa dib u ahbaynta shaqaalaha dawlada taariikhdu makry ahayd; 20-22/06/2011. Shirkaas oo lagu falanqeeyey habsmai u socodka dib u habaynta iyo wanaajinta tayad shaqaalaha dawlada, waxana ka soo qaybgalay Madaxweyne ku xigeenka, Golaha wasiirada, goleyaasha Baarlamaanka, hay’adaha qaramad midoobay, deqbixiyaasha caalamiga ah iyo ururda bulshada.

-Caqabad dhaqaale, miisaaniyad sanandeedka Hay’adaha Shaqaalaha oo aanay noogu jirin kharashkii hawlaha Hay’adu gacanta ku hayso lagu qaban lahaa iyadoo miisaaniyadihore laga jaray 30%, taasoonay hore u jirin hwalaha baaxada leh ee hay’adu gacanta ku hayso.

-Madaxda Wasaaradah iyo hay’adaha oo aad mooda in aanay u bislayn dib u habaynta shaqaalaha ( Ciil Service Reform) oo wada shaqayntoodii liidato.

-Madaxda Wasaardaha iy madaxda Hay’adaha oo mararka qaarokood si toos ahu jbiya shierciga shaqaalaha dawlada.





-Shaqaalihii cusbaa ee sannadka 2011 ee Miisaaniyada lagu daray, oo sidii Madaxweynaha JSL uu ballan qaaday, ay muwaadiniinta reer Somaliland xaqa u lihi si xalaal ah ugu tartamaan, oo wasaardaha iyo Hay’adaha dawlda qaarkood aanay fahmasanayn iyagoo mar walba dad jeclaysi iyo qaar ay jeebaha ku sitaan la imanaaaya.

-Caqabada kale waa weeye in laga dhigay boosaska wasaardaha dhaxaltooyo, waxa kale oo jirta in lagu xadgudbo xuquuqda shaqaalaha siiba gobola. -Soo saarida dadka ku guulayta tartanka (54posts) eek ala dauwan ee ay rabto Hay’adda Dhawrista Tayadu.

-Imtixaan ka qaadista shaqaalaha Wasaarada WArfaaafinta oo tiradoodu dhan tahay (289 shaqaale).

-Soo saarista warbixinta qodobaddii ka soo baxay shirkii caalamiga ahaa ee ay hayadda shqaaluhu qabatay.

-Soo saarista warbixinta rasmiga ah ee kormeerkii madax taabashada shaqaalaha dawlada ee la xaqiijiyey, la hibiyey jiritaankooda.

-In sidoo kale laga qaado imtixaan qiimayn shaqaalaha dawlada ee aan imtixaan hore u marin.

-Tababar loo furo dhamaan Agaasimayaasha Guud ee Hay’adah iyo Wasaardaha.

-Baahinta iyo xulista ashqaalaha cusbaa ee Wasaarda Xanaanada Xoolaha, iyadoo sidoo kale aanu rajaynayno in shaqaalahii cusbtaa Wasaarda cAafimaadka dhawaan la shaqaalayn doono.

















Hay’ada Xidhiidhta Mucaawimooyinka Cuntada

Hay’addan Xidhidhinta Mucaawimooyinka Cuntada ee WFP waa hay’ad aan hore u jirin oo cusub hase yeshee waxay qabatay Hawlo weyn oo ah:-

1. Hay’adaha la xidhiidha Hawleheeda ayey u gudbisay Sharcigeda





1. Waxa ay Hay’adani raashin u qaybisay 125 Dugsi oo badanaa ka dhisan Tuulooyinka taas oo kordhisay tirada Ardayda wax ka barata meelaha Magaalooyinka waaweyn ka baxsan gaar ahaan beeralayda iyo Xoolo dhaqatada



KOOMISHANKA QARANKA EE DIB U HABAYNTA SHURUUCDA JSL



1. 1. Hawlaha Joogtadda ah ee LRC.



* Lixdii bilood ee sanadkan (January ilaa june 2011) waxay Komishanku yeesheen 22 Fadhi shaqo.
* Uruurinta iyo tirokoobista qaybaha hadhsan ee shuruucda dalka oo si joogto ah loo wado.
* Turjumida Shuruucda Afafka qalaad ku qoran Dib u eegista iyo Dib u habaynta Shuruucda oo si joogto ah u socota.



1. 2. Waxaa mudadaas wax laga qabtay xeererkan hoos ku taxan



a) Police Act. ( Dib u eegis iyo dib u habayn lagu sameeyey )

b) Xeerka Budhcad badeeda. ( Lifaaq soo jeedinta LRC)



c) Xeerka Isu gudbinta Maxaabiista. (Lifaaq soo jeedinta LRC)

d) Xeerka Qoyska. (Family law loo turjumay af English



e) 23/02/2011)

f) Criminal law and criminal procedure. (Daraasad iyo cilmi baadhis ku jira)

g) Xeerka Socdaalka ( Dib u eegistii iyo dib u habayntii oo la dhamaystiray)

h)

3. Tirakoobka iyo uruurinta shuruucdii dawladihii hore laga dhaxlay iyo shuruucdii la sameeyay mudadii Somaliland jirtay.

January ilaa June waxaa la uruuriyay ilaa 49 xeer oo electronic u badan.

4. Xidhiidhka Ha’yadaha Caaalamiga ah iyo kulamada aan la qaadanay.

Wuxuu Komishanku Xidhiidho togan la yeeshay iyo kulamo shaqo hay’adaha ay ka mid yihiiin, UNDP, UNODC, UNICEF iyo Acedemyada Nabada iyo horumarinta.

Kulamada aan la qaadanay hay’adahaas sare ku xusan.



18/04/2011 Waxaanu Xafiiska LRC ku qaabilnay Mr Matteo Pasquali oo khabiir ka socday U N O D C

Waxaan ka doodnay sidii loo update garayn lahaa Crime laws and procedures.

20/04/2011 Waxaan Xafiiska LRC ku qaabilnay wafdi ka socday UNODC oo uu Madax ka yahay Mr GDEMIN Ross oo ah khabiir ku takhasusay Dib-u- eegist iyo Dib-u- Habaynta Xeerarka

02/06/2011 Waxaan xafiiska LRC ku qaabilnay Mr Piera Barzano oo ah khabiir ka socday UNODC oo ku takhasusay ka hortaga argagixisada “Prevention of terrorism”

11/007/2011 Waxaan xafiiska LRC ku qaabilnay khabiir ka socday UNDP Rolls waxay naga codsatay in aan ka caawino Dib-u- eegista iyo wax-badalka Xeerka Booliska (Police Act) ee UNDP ROLLS gacanta ku hayso





1. 5. Ka qayb galka Shiraraka Caalamiga Ah



02/02/2011 Safar Shaqo oo loo tagay Sechycelles oo ku saabsanaa Xeerka Budhcad badeeda oo LRC Uga qayb galay Gudoomiye Xigeenka LRC.





03/03/2011 Safar Shaqo oo Gudoomiye Xigeenku LRC ugu baxay Copenhagen isagoo ka qayb galay shirkii lagaga hadlaayay Xeerka Budhcad badeeda.

23/06/2011 Safar shaqo oo Gudoomiye ku xigeenka LRC ku tagay shir ka dhacayey Copenhagen oo lagaga hadlayey state prosecution efforts, piracy legislation Reform.

1. 6. Ka qayb galka Shirarka iyo Aqoon is waydaarsi gudaha Dalka



03/02/2011 Work-shop ay qabatay MOJ oo laga ga doodayey

Xeerka namberkiisu yahay 34 ee garyaaqaanada oo ka dhacay Hotel Safari.

08/02/2011 Work-Shop ku saabsan siyaasada Mucaawinooyinka, qiimaytooda iyo dabo galkooda oo uu qabtay Wasiirka Qorshayntu oo ka dhacay Hotel Dalxiis.



03/03/2011 Work-shop laga doodayey Xeerka Komishan (GGACC) oo ka dhacay Hotel Samer Time.

08/06/2011 Shirwaeynaha qaran ee qabyo tirka wax ka tabashada cadaaladda iyo garsoorka dalka, oo ka dhacay Amsabassador Hotel.

20/06/2011 work-shop ku saabsan civil service reform strategy, oo ka dhacay Hotel Mansoor Hotel.



END