Wax Nin ka tagay Ninkale ka faa’iidaysay

Sooyaalka taariikhda aadamaha sida ku qoran waa wax dhaca oo soo  ji reen ah waligeedba in marka doorasho dhacayso ismaan dhaaf & muran yimaado.

Waxaad imika la socotaan maalmahan mushkilada ka taagan , Sudan, Ir an ,Zimbaabwi iyo wadamo fara badan oo kale oo ay manta inta ka  taa gan S/land in aad uga badan ayaa ka taagan waxana loo baahan yahay in lagaga dabaasho ama gudbo dulqaad, dadaal, samir & in umada Sland ay dantooda gartaan.

Golaha guurtida iyo Odayaasha

Nimaan talin jirini marka uu taliyo talaa fara ka haada massirka  umadan ina waxa uu gacanta ugu jiraa idinka mar walbana waxa la idiin ka  bar tay inaad xalishaan khilaafka soo dhex gala xukuumada iyo labada xisbi ee mucaaradka ah taas ood mar walba ku amaan nan tihiin. Umada iyo indheer garataduba maanta indho gaara ayaa la idinku eegayaa dowrka aad ka qaadataan arinkan soo noqnoqday.Waxaan idinku boorinayaa in aad is ka dhowrtaan inaad xag jirtaan.

Golaha Baarlamaanka & Gudida Doora shooyinka.

Waxaan idinkana idin odhan lahaa masiirka iyo jiritaaanka Sland waxa uu manta ku jira gacantiina, il dheeraada una kuur gala siidii aad u xalin lahaydeen arimahan murugsan.


Xisbiga Ucid & kulmiye.

Faysal Iyo Siiraanyo idinkana waxaan idin leeyahay ha ka tagina wixii umada u dan ah idinkana dardaaraya inaan cadawgiinu idinka faa'ii daysan.

Midh se umada ayaa leh oo ah in doorasho dhacdo, cidii duudsidaase  wa xa ay lidi ku tahay jiritaanka shacabka Sland iyo ka wadankaba.
Mana dhacayso Qofkii ku fakirayaana dib ha u xasuusto hargaisi wali waa tii shalay daarihiina wali way dunsan yihiin hooyadii inankeeda ku waydayna wali may samrin.

Kii ku agoomoobayna waxa uu wali garan laayahay jiha alle iyo jiha uu dhaqaaqo. Anakoo ugu samrayna dhalintii wadanka in baduhu ka  dharg aan ugu samri mayno Xukuumadu waxa aydoonto inay samayso.

Udub.Xisbiga Talada Haya.


Idinkana waxaan idin odhan lahaa 3sadex raga lagama wada helo.
( Keen , Diiday , Haye )

Keena :
Keena Ayaad tidhaahdeen oo waa la idinka yeelay oo umada Sland iyo labada xisbi ee mucaaradkuba waxa ay noqdeen AQBAL KEEN.

Diiday :
Diidnay Ayaad tidhaahdeen mar baa la idinka yeelay, Mar labaad baa la idinka yeelay waxaan filayaa in aan mar 3 sadexaad la idinka yeelayn.

Haye :
Waxa layaab leh oo ay dhamaan dadka u kuur gala siyaasada Sland, Qurba joogta dhagaha kala socota ,dhaliyaro iyo waayeelba waa su'aal aad la isu waydiiyo waxa xisbiga talada haya looga waayey maruun in laga maqlo HAYE idinka oo dhawraya masiirka umada aad hogaanka u haysaan.Waxaanse hadal kaygii ku soo gaba gabaynayaa.


ONE MAN'S LOSS IS ANOTHER MAN'S GAIN.

 


Liban Barre

Gudoomiyaha Ururka SSYO.
Riyadh/ Saudi Arebia.