WAX KALAA KA SALAG LEH INA SAALAXOW NABAD
Durduradii iyo durbaanadii shirkii dib-u-hesiisiinta Soomaaliyeed
waataa inoo horseeday in duhur dharaareed dowladdii dalka iyo dadka
lagu aaminay la shir timaado guddi shan wasiir ka kooban ayaa loo
xilsaaray in ay kasoo taliso qaab wadahadalada dhexmaridoona
Soomaaliya iyo Soomaal iland. Soo jeedinta noocan ah ayaa cay qaawan
ku garaad dadka reer Somaliland, waxayn toos u duraysaa jiritaanka,
midnimada, xasiloonida, iyo qarannimada dalka; haddaan si taxadir
iyo wada tashi ku dheehanyahay loo lafa gurinna wixii laga
dheefsadaa waa dhib aan dib loogasoo waaqs an iyo Somaliland oo ku
dambeysa sida ay maanta ku sugantahay koonfuri.
QAABKA WADA HADALKA
SOOMALILAND IYO
SOMALIA
Haba yaraatee waxaan suurtogal ahayn in waxa wada hadal loo furo
maamulka uu gadhwadeen ka ka yahay wadaad Shariif ee daaha dabadiisa
ka riixayso qowlaysatada Majeerteeniya. Xukuumad ku sheegta wadaad
Shariif ummadda kooinfur ku dhaqan wakiil kama ah sabatoo ah kumay
iman cod kalsooniyeed dadweyne; iyada iyo kuwii ka hoireeyeyba waa
gacan-ku-rimis ay ku katamaan dawladaha Soomaaliya la deriska ihi.
Jiritaanka xukuumadda wadaad Shiriif, kuwii ka horeeyey, iyo iyo tan
hadda yagleelisteeda loo xusulduubayaaba waxay ka hor imanayaan
curfi iyo dhaqanka dowladnimo sida ay qeexayaan heshiisyada
Caalamiga ah ee dunidu wadaagto. Mar haddii jiritaanka xukuumadaha
noocaas ihi gacanta ugu jiro dowlado shisheeye, HESHIISYA DA AY CID
LA GALAAN waa bar kuma taal iyo been aan waxba ka jirin.
Sidaa aan kor ku soo xussay awgeed, mar haddaan maanta koonfur ka
dhisnayn xukuumad laha ansheheedu gacanta ugu jiro dadka ay
magacooda adeegsanayso, meesha marnaba ma taal in Xukuumadda
Somaliland durbaano cusub garaacdo dadkana ku maaweeliso mala
awaalkan laga odorsayo maqaaxiyaha iyo meelaha bushadu ku kulanto.
Masiirka ummadda qaabka loo hagayo bulshado lagama raadiyo madaama
ummadda maamulkii taladood dowlad ay leeyihiin ku aaminee n.
Meeqaamka iyo miisaanka masiirka ummadda aad buu uga culusyahay
masuuliyad shan wasiir loo xambaariyo. Xilka noocan oo kale ah marka
laga howl geleyo, hoggaanka ummaddu isaga oo ka shidaal qadaanaya
sooyaalka taariirkheed iyo ka siyaasadeed ee dalka, isaga oo
qadirinaya mudnaanta koowaadna siina rabitaanka dadka kalsoonidood
uu kursiga ku fadhiyo, waa in uu si karti iyo hufnaani ka muuqato
usoo xulaa ciddii hawshan fulin lahayd. Innaga oo aan marnaba ku
gefeyn xaqqa distooriga ah ee madaxweynaha, waxa iyana barbar taala
oon sinaba indhaha lo oga lalin karin, dhegahana looga fureysan
karin, in cidda xilka mugan leh loo igmanayaa marka xiligeeda la
gaadho, in qaab dhismeedka hawshu noqondoona sidan hoos ku xussan:
Aasaasayaashii Ururkii Dhaqdhaqaaqa Wadaniga Soomaaliyeed;
Aasaasayaashii ururkii UFO;
Saraakiishii hoggaamineysey Halgankii hubeysnaa;
Garyaqaano aqoon dheeraada u leh qawaaniinta adduunka lagaga dhaqmo;
Siyaasiyiinta aan dafirin lidna ku ahayn jiritaanka iyo gooni
isutaaga Somaliland
Xubin xul ah oo ka tirsan Gloayaasha Sharci Dejinta- Intii leh
waayuo aragnimo taariikheed ama tu siyaasadeed isuna dheeli tiran oo
gobolada dalka oo dhami ka mid yihiin;
Xubino kooban oo ka tirsan Golaha Xukuumadda oo Gobolada dalku ku
dhanyihiin;
Aqoonyahanka Somaliland gudo iyo dibedba oo ka soo jeeda Gobolada
dalka oo dhan;
Ciddii kale ee hawsha gacan ka geysan karta.
Shaxdaasi waa mid ka midho dhalin karta rabitaanka ummadda marka
dhinac kasta laga eego, waana sday aniga ila tahay cidda keli ah ee
wixii dhacay koonfur kala xisaabtami karta. Xukuumadda Md. Axmed
Maxamed Maxamuud madaxweynaha ka yahay wadaadii burburka Somaliland
ayey cagta saarta ka dib markii dabarkii iyo xakamihiiba laga furay
ee loo xalaaleeyey in ay siday doonta masiirka ummadda u maamusho.
Masuuliyad darradaana waxay sameeyey Golayaasha Sharci Dejinta
markay ansixiyeen xeer aan xakame lahayn. Markaynu eegno maxsuulka
ka soo baxay shirkii London maxay Somaliland faai'iiday? Imikana
waxay xukuumadeenii u xadhko xidhantahay wadahalo ku qabsoomidoona
dalka Turkiga, iyadoon weli la isweydiin qorsha lagaga qeyb geleyo.
Sua'aal keli ah ayaa maanta mudan in aynu is weydiino: Koonfurta
Soomaaliya dowlad arrimaha iska keen xidhan lagala xaajooda ma ka
jirta; ma soo muuqataa mustaqbalka dhow iyo kan dheer midba?
Jawaabtu waa maya haddaan la is makeekiyeyn.
CAQLIYADDA SIYAASADA KOONFUREER
Sua'aal keli ah ayaa maanta mudan in aynu is weydiino: Koonfurta
Soomaaliya dowlad arrimaha iska keen xidhan lagala xaajooda ma ka
jirta; ma soo muuqataa mustaqbalka dhow iyo kan dheer midba?
Jawaabtu waa maya haddaan la is makeekiyeyn.
Inta koonfuri ku indho adagtahay Somaliland waa Gobol Soomaaliya ka
mid ah, waxba yaan la is ku daalin wada hadal aan macno lahayn.
Hadaba inta koonfur xaalkeedu sidaa yahay, ma qumma ntahay in wakhti
lagu lumiyo sheeka aan meel dheer gaadhayn.
Allah ha u naxriistee Madaxweyn marxuum Maxamed Xaaji Ibraahim
Cigaal oo u jawaabaya horb oodayaashii koonfureed sida Cali Mahdi
Maxamed, Maxamed Abshir Haamaan, Maxamed Faarax Caydiid, Cabdillaahi
Yuusuf ayaa yidhi:
"..Somaliland madaxbanaanideedu koonfur kuma xidhna, arrintana wax
ka caydhiin ma jiraan oo waa noo dhamaatay, aniguna madaxweynihii
labaad ee Jamhuuriyadda Somaliland ayaan ahay Madaxweyne hore ayaa
iga horeeyey oo muddadiisi dhameystey..."
Jawaabaha noocaas ah ayey mudanyihiin dadka maanta koonfur
madaxnimadeeda sheeganayaa
Qodobkan lixaad ee lagu tawxiidsanayow ee shirkii London lagaga
dhawaaqay ma yahay mid bulshada caalamku xaq inoogu leedahay?
Jawaabtu waa maya oo sharci inagu khasbi karaa habayaraate majiro
maadaama ay madaxbannanida Somaliland ta koonfureed ka horeysey shan
maalmood. Laga soo bilaabo 1989 imisa dal ayaa kala googo'ay?
Qaaradan Afrika miyaanay kala go'in Suudaan iyo koonfurta Suudaa;
miyaanay Eritrea iyo Itoobiya kala go'in?
Waxan ku soo gunaanadayaa xukuumadda Somaliland waxa la gudboon in
baylahada baahsan ee dalka ka jirta ay awoodedda isugu geyso. Waxa
dhacday markii taariikhda Somaliland in muddo xileedii Golayaasha
Deegaanadu dhammaatay iyadoon laga hawl gelin sidii mudo kordhin loo
sama yn lahaa inta doorashadoodu qabsoomayso. Waxa kaloo dalkii jaha
wareergelisey urur siyaasad eedyadii cusbaa iyo Guddidii
Diiwaangelineysey oo hadba dhan isula dullaamaya dalkiina ka dhex
abuuray fowdo aan loo baahnayn. Masuuliyadda koowaad ee xukuumaddu
waa nabadgelyada da lka tiina waa taa faraha ka baxday ee dowlad ku
sheegta wadaad shariif ka dhexs samaysatay maamulo dalka colaad ka
huriya. Koonfuriu hadday doorbiday in ay qori dable ina qabadsiiso
oo garaadkoodii sidaa noqday, maxaa inagu ajburaya in aynu inagu u
gacan haadino.
Waxa muuqata in dowladdii dalka lagu aaminay cid kale shookaanta u
hayso, haddaan runta la isu sheegina maalin kale ayaa laga sheekay.
Xukuumadda maarayn kariu weydey musuqa ku hab saday deeqdii danyarta
loogu yaboohay, miyeynu ka sugaynaa in ay wax ummadda yididiilo geli
ya keento?
Sheekoba mid kaley keentaa waxa la yidhi beri hore ayaa niman guri
deganaa nin marti ihi u soo howdey. Markii ay seexdeen ayaa ninkii
martida ahaa habeenka khuuro kala go'in waayey. Nin g ami' waayey
ayaa ninkii toosiyey markaasi ku yidhi: "Baba jiib nown taani- oo
macneheedu yah ay Oday hurdo kale keen." Sidoo kale xukuumadda
Somaliland xaalkeedu waa baaba jiib nowm tani !!
Axmed Cali
Ibrahim Sabeyse
April 10, 2012. |
|