Wasiirul Dawlaha Arr. Dibada Oo Soo Gaadhay Dalka Belguim
 

 



Hargeysa (TNN) Wasiiru Dawlaha Wasaarada Arrimaha dibada Jamhuuriyada Somaliland Dr Maxamed R ashiid Sh. Xasan oo ku guddo jira socdaal shaqo oo uu ku marayo dalal ka tirsan qaarada Yurub ayaa m aanta gaadhay magalada Brussels ee caasimada wadanka Belguim.,iyada oo ay halkaasi si balaadhan u gu soo dhaweeyeen jaaliyada reer Somaliland ee ku dhaqan magaalada Brussels.

Safarkan uu Wasiiru Dawlaha Wasaarada Arrimaha dibada Somaliland Dr Maxamed Rashiid Sh. Xasan ku tegay dalka Belgium ayaa ka danbeeyay ka dib markii sida la sheegay uu martiqaad rasmi ah ka helay W asarada Arimaha dibada dawlada Belguim.Wasiiru dawlaha ayaa dalka Belguim joogi doona muddo Afar maalmood ah waxaanu kulamo la yeelan doonaa madax sar sare oo ka tirsan dowlada Belguim iyo Mido wga Yurub.


Wasiiru dawlaha Arimaha dibada somaliland Dr Maxamed rashiid Sheekh Xasan iyo masuuliyiinta ka tirs an dawlada Belguim ayaa ka wada hadli doonaan sida uu qorshahu yahay sii adkeeynta xidhiidhka labada dal iyo arimo badan oo muhiim ah oo ku saabsan horumarka ay Somaliland hiigsanayso iyo sidoo kale arimo badan oo khuseeya mandaqada Geeska Africa.

Wasiiru Dawlaha Wasaarada Arrimaha dibada Jamhuuriyada Somaliland Dr Maxamed Rashiid Sh. Xasan inta uu joogo dalka Belguim waxa uu kulamo muhiim ah la yeelan doonaa saraakil sare oo ka tirsan urur ka Midowga Yurub iyo xubno ka tirsan Golaha Sanedka ee aqalka sare ee odayasha ee wadanka Belgu im.


Dr Maxamed rashiid Sheekh Xasan Wasiirul Dawlaha Arrimaha dibada Somaliland waxaa uu hore u soo m aray wadanka faransiiska oo kulamo oo uu kulamo kula yeeshay madax sare oo ka tirsan Wasarada Ar imaha dibada faransiiska,wasiiru dawlaha ayaa marka uu dhamaysto booqashadiisan uu ku joogo dalka Belgium waxaa uu u sii dhaafi doona wadanka Swedan.

 

Source:Somaliland.Org