Wasiirro hawlo nabadeyn, iyo maamul daadejin ah u tagey gobollada
bariga dalka
Ceel-afweyn (TNN):- Wefti uu Hogaaminayo Wasiirka Madaxtooyada
Somaliland Xirsi Cali Xaaji Xasan, isla markaana ay xubno ka yihiin
Wasiirrada Warfaafinta Cabdilaahi Maxamed Daahir (C ukuse), Biyaha
Xuseen Maxamed Cabdulle,Wasiiru-dawlaha Nabadaynta ee Gobollada Bari
Cali Maxamuud Axmed (Sandule) iyo Taliyaha Ciidanka Qaranka Sareeye
Gaas Ismaaciil Maxamed Shaqale ayaa maanta u kici timay gobollada ee
dalka.
Wasiirka Madaxtooyada oo caawa khadka telefoonka ugu waramay
Somaliland.Org ayaa sheeg ay in socdaalkoodu la xidhiidho hawlo
isugu jira nabadeyn iyo maamul fidin.
Weftiga oo maray magaalooyinka Berbera, Burco, Caynabo, Oog waxaanay
soo dhawayn diiran kala kulmeen qaybaha bulshada, isla markaana
xalay ku hoyday degmada Ceel-afwayn ee gobo lka Sanaag.
Waxa Weftiga uu hogaaminayo Wasiirka Wasaarada Madaxtooyada ee
Somaliland Xirsi Cali Xa aji Xasan xalay casho sharaf loogu sameeyay
deegaanka Beer Weyso oo 60 KM bari ka xigta Ceel-afweyn, waxaana
weftiga halkaasi ku soo dhaweeyay Gudoomiyaha Gobolka Sanaag, Duqa
magaalada,Taliyaha qaybta Booliska ee Gobolkaas iyo masuuliyiinta
degmooyinka Gar-adag,Ceel Afweyn iyo Darar -weyne .Weftiga ayaa ku
sii jeeda dhinaca magaalada Ceerigaabo ee xarunta Gobolka Sanaag.
Cumar Maxamed Faarax
Hargeysa,Somaliland
|