Wasiirka Khaarajiga Somaliland
Oo Kicitimay Socdaal dheer oo uu ku marayo sadex dal
Hargeysa (TNN):-Wasiirrada
Arrimaha Dibada ee Somaliland Mudane Maxamed Biixi Yoonis iyo
Waxbarashada Marwo Samsam Cabdi Aadan ayaa maanta safar shaqo ugu
kicitimay dalalka Masar,Ingiriiska iyo Jabuuti, sida uu caawa
baahiyay Telefishanka SLNTV.
Weftigan oo uu hogaaminayo Wasiirka Arrimaha Dibada iyo Xidhiidhka
caalamiga ah Mudane Maxamed Biixi Yoonis ayaa Magaalada Qaahira ee
dalka Masar waxay kulan kula Yeelan doon aan as’uuliyiinta sar sare
ee wadankaas,Sheekha Jaamacada Al Azhar, Madaxda Jaamacada Carabta
iyo Mas’uuliyiin kale oo uu ka mid yahay Wasiirka hawlaha guud ee
dalka Masar.
Wasiirka arrimaha dibadu waxay Madaxdaas kala duwan ka wada xaajoon
doonaan sidii labad a wadan iskaashi iyo wax-wada qabsi joogto ah u
yeelan lahaayeen, gaar ahaan dhinacyada waxbarashada, iyo
kaabeyaasha dhaqaalaha isla markaana ay u yeelan lahaayeen cilaaqaad
ka balaadhan kii hore uga dhaxeeyay.
Dhinaca Jaamacada Carabta ayaa warku sheegayaa in Weftiga Somaliland
iyo Ururka Jaamac ada Carabtu ay ka wada hadli doonaan sidii loo furi
lahaa bog cusub oo u bilaabma Jaamacada Carabta iyo Somaliland iyo
hanaankii ay Somaliland uga mid noqon lahayd Ururka Jaamacada
Carabta.
Mudada ay Weftigu joogaan dalka Masar waxaa kale oo ay la Kulmi
doonaan hay’ada Masar u qaabilsan Maalgashiga Caalamiga ah, halkaas
oo la filayo inay ka soo baxaan natiijooyin wax ku ool ah oo la
Xidhiidha Sidii ay Jamhuuriyada Somaliland ay kaalmo dhinaca
horumarinta ah uga heli lahayd hay’ada Maalgashiga ee dalka Masar.
Weftigan uu hogaaminayo Wasiirka arrimaha dibadu waxay markaas kadib
u Kicitimi doonaan dalka Ingiriiska iyagoo magaalada London kulan
kula yeelan doona Wasiirka arrimaha dibada ee Uk William Hague
iyagoo isla eegi doona sii xoojinta xidhiidhka dhinacyada badan leh
ee u dhexeeya labada dal, Wada hadalada Somaliland iyo Somalia iyo
Qodobo kale oo Muhiim ah.
Weftigan ayaa Socdaalkooda ku soo gabo gabayn doona dalka
Jamhuuriyada Jabuuti oo ay isna ku kulmi doonaan Madaxda Sare ee
dalkas.
Cumar Maxamed Faarax
Hargeysa,Somaliland
|