Wasiirkii u Horreeyey Xukuumadda Siilaanyo ee Dhaliila Saamiga Wasaaraddiisu ka Heshay Miisaaniyadda

 

 
Hargeysa  (TNN)- Wasiirka Macdanta, Biyaha iyo Tamarta Somaliland Xuseen Cabdi Ducaale, ayaa markii u horreysay si cad u dhaliilay saamiga wasaaraddiisu ka heshay Miisaaniyadda qaranka ee 2011-ka ee dhawaan ay ansixiyeen golayaasha Baarlamanka iyo wasiirradu.

Md. Xuseen Cabdi Ducaale waxa uu sheegay in lacagta Wasiirka Maaliyaddu uga qoondeeyey  miis aaniyadda qaranka Wasaaradda Macdanta iyo Biyaha aanay ahayn mid wax lagu qaban karo, sid aa daraadeedna aanay waxba ka hirgeli karin qorshayaasha horumarineed ee ay dejiyeen.

“Awoodda keliya ee aannu isku halaynayn ee aannu doonaynay in gaadhi-gaadhi saarka lagaga  b axo ama ceelasha xumaaday lagu hagaajiyo ama kuwo cusub lagu qodo waa hay’adaha aannu is lahayn mashaariic ayey soo furayaan iyagana waaniga idiinka waramay xaalkooda. Meelaha kale ee wax ka iman karaan ee wax lagu qaban karaa waxa weeye miisaaniyadda wasaaradda loo soo daayo, aniga oo aan wax cannaan ah u jeedinayn Wasiirka Maaliyadda waxaan idiin sheegayaa in miisaaniyaddii aannu dalbanay ee aannu is lahayn wax ku qabta in haba yaraatee wax u dhow iyo wax wax kafayn kara aan midna naloo soo dayn oo miisaaniyaddii sannadkii hore oo aan runtii  mii saaniyad lagu sheegi karin wax aan ka badnayn naloo soo daayey, taasna runtii wax badan kuma qaban karno.

Miisaaniyaddii oo wax aannu wax ku qaban karno aan naloo soo dayn iyo hay’adihii aannu isku  hal aynaynay ee aannu is lahayn mashaariic ayey furayaan oo aan midkoodna waxba qaban ayaa na haysata, arrintaasina waxay keliftay in mashaariic badan oo aannu doonaynay in aannu qabano in aan midna maalgelin u ahayn,” ayuu yidhi Wasiirka Macdanta, Biyaha iyo Tamarta oo shalay  horta gay Golaha Wakiillada.

Wasiir Xuseen waxa kale oo uu eedayn u soo jeediyey ha’yadaha caalamiga ah ee dalka jooga oo uu sheegay in aanay haba yaraatee waxba ka qaban gurmadka biyo dhaaminta, isla markaana  aa nay mid keli ahi soo bandhigin qorshe horumarineed oo dalka ay wax kaga qabanayso.

Isagoo arrimahaa ka hadlayeyna waxa uu yidhi, “Maanta idiinma sheegi karo hay’ad qudha oo ka qeybqaadatay hawshii biyo dhaamiska abaaraha ee dalka ka jirtay waana nasiib darro. Waxaanan u soo jeedinayaa dhaliil aad iyo aad u weyn Ha’yadaha qaramada midoobay iyo ururada caalamiga ah. Mashaariicdii sanadlaha ahayd ilaa iminka oo lagu jiro bishii March ma jiro hay’ad qudha oo noo keentay qorshe ay wax kaga qabanayso arrimaha Biyaha.”

Wasiirku waxa kale oo uu ka hadlay shirkado dhawaan Berbera ka bilaabay inay dhoofiyaan ciidda IRON-ta ee xeelliga badda, kuwaas oo xukuumaddu ruqsado u siisay, isagoo qiray in xukuumaddu ruqsado siisay shirkadahaasi.

Haseyeeshee, waxa uu sheegay inay mar kale kala noqdeen ruqsadaasi, kadib markii ka baydheen qorshihii lagu siiyey oo ahaa inay ka qaataan ciid yar oo tijaabo ahaan dibada ay u geeyaan, balse ay bilaabeen inay dhoofiyaan.

Wasiirka Xuseen waxa uu sheegay in biyo la’aanta ka jirta caasimada Hargeysa uu ka sameeyay dedaalo badan oo dalal Yurub iyo Carabta ahna uu ugu tagay sidii ay Somaliland uga taageeri  lah aayeen biyo ballaadhinta.waxaanu carabaabay inay filayaan in Midowga Yurub ay ka hadli doon aan dhamaadka bishan mashruuc 30 Malyan oo dollar ku kacaya oo lagu wado in wax lagaga qabto biyo yaraanta Hargeysa.

Wasiirku waxa kale oo uu sheegay In Magaalada Burco laga samayn doono Kaydad Biyood oo aan hore uga jirin isagoo xusay in Ha’yada IOM ay ogolaatay maalgelinta mashruuca lagu samaynayo kaydadkaasi biyaha.

Wasiirka Macdanta iyo Biyaha Somaliland waxa uu daboolka ka qaaday inaanay jirin wax shuruuc ah oo Dawlada Somaliland uga yaala Maalgelinta Caalamiga ah ee Khayraadka Wadanka,gaar  aha an macdanta iyo Batroolku,isla markaana cid kasta oo ay maal gelin waydiisto wasaaraddiisu ay ku xidho shuruucda dawlada ahaan uga yaala arimaha Macdanta iyo Batroolka,isaga tilmaamay inay taasi ku noqotay arin mar walba hor taagan oo cid waliba ku xidho codsigooda.

“Wadamada Caalamku mar walba waxay nagu xidhaan sharci ma leedihiin Macdanta lagu maamulo, marka aanu maya nidhaahnana way iska tagaan, markaa waxaan doonaynaa inaan dhawaan  shar cigii samayno macdanta lagu maamuli lahaa si taasi looga gudbo,” ayuu yidhi Wasiir Xuseen Cabdi Ducaale.
 

Source:Jamhuuriya