Wasiirkii Hore Ee Maaliyada Cawil Cali Ducaale Oo Iska Casilay Gudoomiye-nimadii Siyaasada UDUB

 


 

Hargeysa (TNN)-Wasiirkii hore ee Maaliyada Xuseen Cali Ducaale (Cawil) oo dhawaan loo doortay guddoomiyaha siyaasada xisbiga UDUB ayaa la sheegay inuu iska casilay xilkii guddoomiyaha  Siy aasada ee Xisbiga UDUB, kaas oo lala xidhiidhinayo iscasilaadiisu inay ku timid culays la sheegay inuu kaga yimid guddoomiyaha xisbiga UDUB Daahir Rayaale Kaahin oo u soo jeediyay inuu  xilkaa si iska casilo.

Cawil ayaa xilkaasi dhawaan kala wareegay guddoomiyihii hore ee guddidaasi Cumar Jaamac  Faa rax, isla markaana ay saxaafada isku mariyeen hadalo ay isku durayeen, taas oo guddoomiyihii  h ore ee Siyaaasada xisbiga UDUB Cumar Jaamac uu ugu baaqay Cawil inuu iska maydho fadeexado musuqmaasuq oo loo tirinayo Wasiirkii hore ee Maaliyada.

Ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay xisbiga UDUB oo xaqiijinaya iscasilaadiisa, hase yeeshe ilo  x ogogaal ah oo u dhuun daloola xisbiga UDUB ayaa Haatuf u xaqiijiyay in uu si rasmi ah xilkaasi  isk aga casilay Mr. Cawil Cali Ducaale.

Guddoomiyaha xisbiga UDUB Daahir Rayaale Kaahin ayaa la filayaa inuu dhawaan dalka ku soo  gu ryo noqdo si uu boodhka uga tumo xisbiga UDUB ee hagaasay, isla markaana doorashadii  madaxt ooyada lagaga guulaystay, wakhtigan xaadirka ahana u muuqda xisbi magac ahaan u jira.

Source: Haatuf