Wasiirkii hore ee Khaarajiga oo ka hadlay safarkii
Mad axweynaha Turkiga ee Muqdisho iyo saameynta uu ku yeelan karo
wada hadalada Somaliland iyo Somaliya

Hargeysa (TNN) :-Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Dr. Maxamed
Cabdillaahi Cumar, ayaa ka hadlay booqashada uu Madaxweynuhu Turkiga
Recep Tayyip Erdogan toddobaadkii hore ku tagay magaalada Muqdisho
ee dalka Somaliya iyo weliba sida uu u saamayn karo wada hadalada
Somaliland iyo Somaliya.
Dr. Maxamed, oo uu u waramay Wargeyska Geeska Afrika, ayaa wuxuu
sheegay in booqas hadani muujinayso sida uu Turkigu u danaynayo
arrimaha Somaliya, isagoo sidoo kale shee gay inuu danaynayo wada
hadalada Somaliland iyo Somaliya. “Booqashada (Eeg Bogga
2a ad)Madaxwaynaha Turkiga ee Somaliya oo ah tii labaad muddo yar
gudahood waxay muujin aysaa ahmiyadda siyaasadeed iyo ta
isyraatijiyadda fog ee uu Turkigu ka leeyahay Somaliy a iyo
mandaqadda Geeska Afrikaba. Dhinaca wada hadalada Somaliland iyo
Somaliya si way n buu madaxwaynaha Turkigu u danaynayaa. Waxaa
markhaati u ah kulankii uu la yeeshay madaxwayne Xassan Sheekh iyo
madaxwayne Axmed Silanyo 14 April 2013 magaalada Ank ara oo soo
jiidatay indhaha caalamka.” Ayuu yidhi Dr. Maxamed Cabdillaahi oo uu
Geeska A frika weydiiyay sida uu u arko booqashadaas iyo saamayntiisa
wada hadalada Somaliland iyo Somaliya.
Dr. Maxamed Cabdillaahi, wuxuu dawladda Turkiga u soo jeediyay
inaanu keligii isku koobin wda hadashiinta Somaliland iyo Somaliya.
“Haseyeeshee waxaa fiican in aanu Turkigu kaligii Isku koobin
wadahadashiinta labada geesood, wadamada kalaba uu u ogolaadaa inay
qayb ka noqdaan.” Ayuu yidhi.
Maxamed Cabdillaahi, oo la su’aalay in dhexdhexaadnimadii Turkiga ee
Somaliland iyo Somali ya ay weyd noqonayso marka la eego culayska uu
saarayo Madaxweyne Erdogon dhinaca Somaliya, waxaanu yidhi “Waxa loo
baahan yahay in la fahmo in ilaa imika Turkigu aanu aha yn
dhexdhexaadiye (mediator) ee waa meel (venue) fududaysa in Somaliya
iyo Somaliland ku kulmaan. Waana sababta keentay inaanu Turkigu
culays wayn iska saarin fulinta qodaba dii ilaa hadda lagu heshiiyay,
waayo waxay dhexmareen uun Somaliya iyo Somaliland.”
Maxamed Cabvdillaahi, oo la weydiiyay in dawladda Turkigu u muuqato
inay xiisaynayso midnimadii burburtay ee Somaliland iyo Somaliya,
wuxuu yidhi “Jacaylka Turkigu u qabo in la soo celiyo midnimo
Somaliyeed maaha mid qarsoon. Laakiin maaha mid ay ku khasbayaan
Xukuumadda iyo shacabka Somaliland.”
Isagoo ka hadlaya mashaariicda uu Turkigu siiyo Somaliya iyo kuwa uu
ka fuliyo Somaliland, wuxuu Dr. Maxamed yidhi “Dhinca kale markaad
eegto waxqabadka Turkigu siiyo Somaliya wuu ka shilis yahay kana
badan tahay ta uu siiyo Somaliland, waana arrin ka turjumaysa h alka
uu xoogga saarayo.”
Xigasho:Geeska |