Wasiirkii hore ee Arrimaha  Qoyska JSL oo si hufan xilkii ku wareejisay

 

Hargeysa (TNN)-Waxaa kaloo madasha xilka wareejinta ay Marwo Faadumo Suudi ku  martiqaa day Wasiirka cusub ee Tacliinta iyo Hiddaha Sare Marwo Samsam Cabdi Adan, iyo Wasiir ku-xig eenka cusub ee wasaaradda caafimaadka Nimco Xuseen Qowdhan.

Waxaa wasiirka xilka wareejinayey Marwo Fadumo Suudi Xasan ay mahadnaq balaadhan u soo jeedisay dhamaan dadkii ka soo qaybgalay xilwareejinta, gaar ahaana Wasiiradda iyo wasiirku ku-xigeenka cusub. Waxay wasiirku halkaa ka carabaabtay sharafta weyn ee ay maanta  leeda hay madashani oo ay ku kulmeen saddex wasiir, iyo wasiir ku xigeen wada dumar ah. Iyadoo taa ka hadlaysa waxay tidhi “ Waa markii ugu horreeysay ee ay dhacdo in dumarku ku yeesho dawladda Somaliland saami intaa leg, waxaana guushaa mahaddeeda leh oo aan ku  hambalye ynayaa dawladda cusub”. Iyadoo sii wadda waxay tidhi “haddaanu dumar nahay yeynaan is  dh igan , waa in saamigeennu intan ka badnaada mustaqbalka”.

Waxay Wasiirkii hore ay si tafatiran usoo bandhigtay marxaladahii iyo duruufahii kala duwanaa ee ay wasaaradin soo martay. Waxaa xusid mudan bay tidhi wasiirku in maanta ay wasaaraddu leedahay dhisme xarumeed oo qalabaysan, shaqaale hawl kar ah, iyo iyadoo ka hawlgasha  dha maan gobollada iyo degmooyinka Somaliland oo dhan. Iyadoo hadalkii sii wadda waxay marwo Fadumo Suudi tidh “ wasaaraddan Qoyska iyo Horumarinta Bulshada waxay ahay wasaaradda keliya ee la timi barnaamij shan sannadood ah oo lagu haggaayo wasaaradda, kaas oo  noqona ya mid aannu ku wareejin doono wasiirkan cusub si ay halkaa uga sii wadaan fulinta  barnaam ijkan”. Waxay sidoo kale wasiir ka xilka wareejinayey usoo bandhigtay waxqabadkii  wasaarad da, iyadoo ku soo koobtay buug u gaar ah oo ay guddoonsiisay wasiirka cusub ee Wasaaradda Shaqada iyo A. Bulshada Marwo Ilhaan Maxamed Jama. Waxaa buuggan ku dhan bay tidhi  Mar wo Faadumo Suudi Hassan wax walloo ay wasaaraddu ku dhex jirto qabashadeeda,  miisaaniya dda wasaaradda wixii baxay iyo wixii hadhay, shaqaalaha wasaaradda iyo wax kala  qabadkoo da, iyo hantida maguurtada ee ay wasaaraddu gaarka u leeday.

Ugu dambeeysatii waxaa Marwo Faadumo Suudi ay u ballanqaaday wasiirka cusub, iyo  dhama an wasiirada kale ee goobtan ku sugnaa iyo lagarab taagantay wixii caawimmo ah ee ay uga baahdaan maadaama ay xilkan soo haysay muddo toddoba sanadood ah, una leeday khibrad weyn taas oo ay ka faaiidaysan karaan cidii u baahata gaar ahaan wasiiradda cusub.

Waxaa halkaa ay ku goddoontay wasiirka cusub ee Wasaaradda Shaqada iyo H. Bulshada  buug gi ay wasiirku u diyaarisay, iyagoo labadooduba ay ku saxiixeen kala guddoonkaa.

Kadib waxaa wasiirkii hore ee qoyska Marwo Fadumo Suudi ay guddo gashay warbixin dheer oo ay ka bixisay heerkii biloow iyo halka ay maanta wasaaraddan qoyska ay joogto.
Waxaa halkaa ay Marwo ku soo dhaweeysay wasiirka cusub oo hadal kooban ku tidhi “ waxaan aad iyo aad ugu faraxsanay inaan dhaxlay wasaarad ay gabadhi maamulaysay, isla markaan ah wasaaradda aad looga shaqeeyey”. Waxay marwo Ilhaan mahad ballaadhan u soo jeedisay  wa siirkii hore marwo Faadumo Suudi, iyadoo tidhi aad iyo aad yaan u faraxsanay in wasaarad dhisan oo sharafteedu muuqato ay la wareegto.

Ugu dambayntii waxaa wasiir Marwo Faadumo Suudi halka uga mahadnaqday dhamaan dadkii  madasha joogay, sida wasiirrada cusub, marti sharaftii, shaqaalaha wasaaradda, iyo  saxaafad da. Waxaa Wasiirkan xilka wareejinayey ay islamarkaa ku wareejisay wasiirka cusub iyagoo  so cod ku kala bixiyey xaruntii wasaaradda, qalabkii, gawaadhidii, iyo diiwaankii ay ku qornaayeen xilwareejintii.

Waxaa xusid mudan rayn raynta ka muuqatay wasiirka cusub Marwo Ilhaan Maxamed Jama oo halkaa ka caddaysay sida ay ula dhacsantay hanaanka iyo sharafta ka muuqata wasaaraddan ay la wareegayso, iyadoo mahad balaadhan u jeedisay wasiirkii hore Marwo Faadumo Suudi Xasan



Sam Salah
samantersal@yahoo.com