Wasiirka Xoolaha oo Si Kulul u duray Guddoomiyaha Xisbiga UCID
 

 



“Faysal waa loo dul qaadanayay laakiin marka uu yidhaahdo
dadkaan kicinaynaa loo du l qaadan maayo”
 


Hargeysa (TNN)-Wasiirka Xanaanada Xoolaha ee Somaliland Dr Cabdi Aw-daahir Cali ayaa maanta shir Jaraa’id oo uu ku qabtay xafiiskiisa waxa uu jawaab kaga bixiyey hadalo ka s oo yeedhay xubno ka tirsan xisbiyada mucaaradka.

Wasiirku wuxuu Guddoomiyaha UCID ka soo qaaday qof aan mowqif lahayn waxaanu yidhi “Faysal Cali Waraabe maalin Daahir Rayaale ayuu caayayaa maalin wuu ammaanayaa, ma alin Jabuuti ayuu caayayaa maalinta kalena Jabuuti ayuu ammaanayaa. Maalin Males Zan awi ayuu caayayaa maalina waxay saaxiib yihiin Shariifka Soomaaliya,”ayuu yidhi Wasiirka Xanaanada Xooluhu, waxaanu intaasi ku daray “Faysal intii hore waa loo dul qaadanayay laakiin marka uu yidhaahdo dadkaanu kicinaynaa loo dul qaadan maayo waxaan leeyahay dadka la kicin maayo, nabadgelyadu waa saldhiga uu dalkani ku fadhiyo.”

Dr. Cabdi Aw Daahir waxa uu xukuumadii hore ku eedeeyay waxqabad la’aan iyo xatooyo xoolo dadweyne, waxaanu yidhi “Wakhtigii ay dalka ka dhacday doorashadii qiimaha lahay d ee madaxtooyaddu waxa jiray khaladaad waaweyn oo ay galeen oo ay ugu weynayd xa tooyo xoolo dadweyne. Waxaad maqsheen Guryihii Hindiya line-ka ayay iibiyeen waxbana may qaban. Maalmihii aanu xilka kala wareegaynay wasaaradaha oo dhan waxaad mood aysay inay dirin diiri cuntay.”

“Madaxweyne Axmed Siilaanyo isagoo ka faa’iidaysanaya guushii iyo farxadii doorashadii waxa uu qaatay go’aan ah in la cafiyo nimankaasi,”ayuu yidhi Wasiirku.

Waxa kale oo uu Wasiirka Xannaanada Xooluhu uu faahfaahin ka bixiyay waxqabadkii dhi nacyada kala duwan lahaa ee Xukuumada uu ka tirsan yahay ay ku talaabsatay mudadii koobnayd ee ay hogaaminta qaranka hayeen, waxaanu tusaale u soo qaatay korodhka Mushaharka shaqaalaha dawlada ee 100%, bedelaada lacagtii giinbaarta ahayd ee laga isticimaali jiray gobolada bari, joojinta lacagtii laga qaadi jiray ardayda wax ka barata du gsiyada hoose dhexe ee dawladu maamusho kuwaas oo dhamaantood ah sida uu sheega y guul u soo hoyatay Xukuumada uu hogaamiyo Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamud “Siilaanyo” isla markaana uu kaga dhabeeyay balanqaadyadii ay bulshada Somaliland u sa meeyay xiligii lagu gudo jiray .

Wasiirka Xooluhu waxa kale oo uu ka hadlay Siyaasada Arrimaha dibada taas oo uu ku sh eegay inay hayso tubtii saxda ahayd taas oo aan ahayn fadhiidh waxaanu xusay marnab a aanay gorgortan galinayn qadiyada Somaliland oo ah masiir iyo aayo ka tashi ummad eed.


Source:Somaliland.Org