Wasiirka Waxbarashadda Somaliland oo iclaamisay imtix aanka shahaadiga ah oo ay u fadhiisan doonaan 17531 Arday




Hargeysa (TNN)- Wasiirka Wasaaradda waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Somaliland Ma rwo Samsam Cabdi Aadan, ayaa maanta ku dhawaaqday Xiliga loo fadhiisanayo imtixaan ka shahaadiga ah ee dugsiyada Dhexe iyo sare.

Wasiirka waxbarashadda oo xafiiskeeda ugu waramaysay warbaahinta waxay sheegtay in Ardayda guud ahaan u fadhisan doonta imtixaanaadka shahaadiga ah ee dugsiyada dh exe iyo sare ay tiradoodu gaadhayso 17531 Todoba iyo Toban kun, Shan Boqol iyo Sodon iyo Kow Arday. dalka oo dhan.

Wasiirku waxay intaasi ku dartay in imtixaanku ka bilaaban doono Sideeda Subaxnimo ee 30-ka bishan June.

Marwo Samsam Cabdi Aadan waxay tilmaantay in Shan Kun Sideed Boqol iyo Lix iyo Afart an arday u fadhiisan doonaan imtixaanka shahaadiga ah ee dugsiyada sare ee Somaliland oo dhan , kaasi oo ka dhici doona 42 goobood oo degmooyinka iyo gobolada dalka ah.

Waxa kale oo ay sheegtay Kow iyo toban Kun, Lix Boqol iyo Todoba iyo Lixdan arday ayaa iyaguna u fadhiisan doona imtixaanka shahaadiga ah ee Dugsiyada dhexe ee dalka oo dha n kaas oo ka dhici doona 98 goobood oo degmooyinka iyo Gobolada dalka ah.

Marwo samsam waxa kale oo ay xustay in ugu yaraan Kun laba boqol iyo Sadex iyo Lixdan hawl-wadeen ka qayb qaadan doonaan hirgelinta imtixaanaadkaasi.


Source:SO