Wasiirka Waxbarashada Iyo Tacliinta Sare Oo Qalab Ka Gudoontay Hay’ada SCF Uk
 

 

Hargeysa, August 23, 2010 (TNN) - Wasiirka Wasarada waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee  S omaliland Marwo. Samsam Cabdi Aadan ayaa shalay Qalab Kompuyutaro ah ah ka gudoontay Hay’ada SCF ee UK. waxana uu qalabkani ka koobnaa Shan Kompiyutar, oo logu talo galay  Lix da Gobol ee somaliland.

Xafladii Komputarada logu warejinayey ayaa waxa ka soo qaybgaley Agaasimaha guud ee  w asarada waxbarashada iyo tacliinta Sare C/raxman Maxamed (Maal) iyo Sarkal sare oo ka  so cday Hay’ada SCF UK

waxa ugu horeyan halkaasi hadal ka jediyay Agaasimaha guud ee wasarada waxbarashada  C/raxman Maxamed (Maal) waxana uu shegay in ka wasarad ahaan ay aad ugu faraxsan  yih iin qalabka ay ugu deeqaday hay’ada SCFUK , waxana uu shegay in ay baahi aad ah ay u  qab een qalabkan waxa kale oo uu hoosta ka xariiqay in ay sii xojindonan wadashaqeyta ka  dhax aysa iyaga iyo Hay’ada, Isaga oo arintaasi ka hadlayna waxa uu yidhi “waxa maanta inala  jo oga Hay’ada SCFUK oo la shaqaysa wassarada waxbarshada iyo Tacalinta sare waxana  hay’a du nagala shaqeysa mashariic dhowar ah, waxayna hay’adu doonaysaa in ay nagu wareejiso Shan Komputar oo logu tallo galay Shan gobol oo ka mid ah goboladii hore,

markii hore Kompuradu waxa ay ahayeen 6 Lix Komputar gobolka saaxil ayaa hore u sii qatay lakiin imika waxa laynagu wareejinaya shanta gobol ee kale Sool, Sanaag, Togdheer, Awdal  i yo Maroodi-jeex, waxanan aad u rajeynayaa in ay kaalin mugleh ay ka qadan doonan  socod siinta Hawlaha Wassarada Waxbarshada ee Goboladaasi”Ayuu yidhi Agasimaha guud ee  was aarada waxbarasashada C/raxmaan Maxamed (Maal).

waxa kale oo isaguna halkaasi ka hadlay Sarkaal sare oo ka socday Hay’ada SCFUK Cabdi  Duc aale waxna uu shegay in ay sii xojindonan Xidhiidhka ka dhexeya Wasarada Waxbarashada iyo Hay’ada ScfUK, waxa kale oo uu tilmamey in anay Deeqdani ahayn Tii ugu horeysay ee ay wassarada siiyan, balse ay tahay Deeqo isdaba joog ah oo ay soo gadhsinayaan wasarada waxbarashada.

Gabogabadii waxa Deeqdii Gudoontay wasiirka wasarada waxbarashada iyo Tacaliinta Sare  M arwo Samsam Cabdi Aadan waxayna sheegtay in ay sii xoojindoonto Xidhiidhka ka dhexeya Wasarada iyo Hay’adah.

Iyada oo arimahasi ka hadlaysa waxa ay tidhi”Runtii hay’ada iyo wasarada waxbarashada  w axa ka dhexeya Xidhiidh aad u mihiim ah waxa ay nagala shaqeyaan Waxbarashada ilaa  tuulo oyinka Somaliland marka aad aynu u soo dhaweynaynaa Hay’ada, Deeqdanina waxay ka mid tahay Shaqooyinkii ay nala qaban jireen aad aynu ugu mahadnaqaynaa waanuna ka  gudoo nay, waxanu gadhsin doona Lix Gobol ee logu tallo galay Qalabkan waanuna hubinaynaa in ay sidii logu bahan ay hawshu u fushay iyo in kale”

Source:Haatuf