Wasiirka Wasarada Maaliyada Oo Isuduweyaal Ka Kooban 5 Xubnood U soo
Magacaabay Qaar Ka Mid Ah Gobolada Dalka, Iyo Mujaahid. Cumar Xasan
Caalin Oo Ka mida Masuuliyiinta la soo Magacaabay.

Samaale ayaa sidoo kale isku shaandhayn ku sameeyey shaqaalaha ka
hawl gala waaxaha ka la duwan ee Wasaarada ....
Hargeisa (TNN)- Wasiirka Wasaarada Maaliyada Somaliland, mudane
C/casiis Maxamed Samaa le, ayaa manta soo saaray wareegto uu ku
magaacabayo Isuduwayaal ka kooban 5 Xubnood taasi oo ay keentay
baahi loo qabay magacaabista Isuduwayaashan oo aan hore u jirin.
Gobolada loo magacaabay isuduwayaashu waxay kala yihiin sidan:-
- Gobolada Awdal iyo Salal waxa loo magacaabay Hal isu duwe
- Gabilay iyo Hawd waxa loo magacaabay Hal isu Duwe
- Gobolada Togdheer, Saraar iyo Odweyne waxa loo Magacaabay Hal Isu
Duwe
- Halka Gobolada Sool iyo Sanaag-na loo Magacaabay Hal isu Duwe
Wasiirka Wasaarada Maaliyada Somaliland, Cabdicasiis Maxamed Samaale,
ayaa sidoo kale is ku shaandhayn ku sameeyey shaqaalaha ka hawl gala
waaxaha kala duwan ee Wasaarada M aaliyada.
Sidoo Kale wasiirku Waxa uu u soo magacaabay maamulihii hore ee
Kastamka Kalabaydh Muja ahid. Cumar Xasan
Caalin Cige, inuu noqdo Isuduwaha
Wasaarada Maaliyada ee Gobolka Gabil ey , iyada oo xilkiina
laga qaaday maamulihii kastamka degmada Tog-Wajaale Maxamed Xaaji
Mahdi (iiran), laguna soo badalay nin ka soo jeeda gobolka
maroodijeex.
Guuleed Muxumed Ibrahim
Timacade News Desk
Hargeysa ,Somaliland
|