Wasiirka Wasarada Arimaha Dibada oo wafti ka socda Xidh ii dhiyaha Arimaha Bini-aadminimada iyo madaxa World Bank ee Somaliland, Somalia iyo Eritrea Qasirga Madaxtooyada ku qaabilay

 

Hargeysa (TNN)-Wasiirka Arrimaha Dibedda JSL, Mudane, Maxamed Cabdillaahi Cumar oo ay  weheli y a an Xubno ka tirsan Golaha Wasiirada ee Cusubi ayaa Maanta Gelinkii Hore Qasriga  Madaxtooya da ku qaabilay Wafti Balaadhan oo uu Hogaaminayay Mark Bowder oo ah xidhiidhiyaha Arimaha Bini-aa dminimada, ee Somaliland & Somalia iyo Jaraj Chopra oo ah madaxa World Bank ee Somaliland, Soma lia iyo Eritrea,

Wasiirka Arimaha Debeda ayaa waxa uu weftiga uga waramay Siyaasada Xukuumada Cusub ee  Dhi nacyada horu-marinta iyo Dhaqaalaha, waxaanu u sheegay in ay Xukuumada cusubi Soo  dhawayna yso waxlaqabsiga Beesha Caalamka Diyaarna ay u tahay Sii-Xoojinta Xidhiidhkii ay Somaliland La lahayd Haya’adaha Caalamiga ah.

Dhinaca kalena waxa uu wasiirku tilmaamay Qodobada ay Xukuumadu Muhiimada siinayso kuwaas  o o uu Sheegay inay ka midyihin Shaqo u Abuurista Dhalimyarada Tirada Badan ee wakhtigan Camalka la’, Dhismaha Kaabayaasha Dhaqaalaha sida wadooyinka, Xoojinta Amaanka iyo Tababarada  Ciidam ada Nabadgelyada iyo kor u qaadida tayada waxbarashada iyo Caafimaadka.

Waxaanu intaa ku daray in ay Xukuumadu soo Dhawaynayso ujeedada socdaalkooda Diyaarna ay u tahay inuu xidhidhku halkisii ka sii socdo iyadoo ay lagamamaarmaan tahay in dib loo eego kaalmadii Bini-aadminimo ee ay Beesha Caalamku Hore u siin jirtay Somaliland.

Ugu danbayna waxa uu wasiirku soo jeediyey in la qaban qaabiyo shir balaadhan oo ay Beesha  Caa lamku Somaliland Ugu yaboohdo Kaalmo Horu-marineed taladaas oouu waftiguna soo dhaweeyey

Saraakiisha waftiga hogaaminaysay oo kala ahaa Mark Bowder oo ah xidhiidhiyaha Arimaha Bini-aa dminimada, ee Somaliland & Somalia iyo Jaraj Chopra oo ah madaxa World Bank ee Somaliland,  Som alia iyo Eritrea, ayaa iyaguna marka hore Somaliland ku hambalyeeyey tubta hanaanka  Dumuquraa diyadeed ee ka hirgalay Dalka iyo sidii ay u dhacday Dooorashadu.

Madaxda Waftigu waxa kale oo ay sheegeen in Wakhtigan ay Beesha Caalamku si wayn isha ugu  ha yso Somaliland una hanwayn tahay.

Geesta ka dibna weftigu Waxa ay ka warameen ujeedada Socdaalkooda oo ay sheegeen inay tahay isu Xog-waran ay Xukuumada Cusub kala yeeshaan Barmaamijyadii ay Hay’adahan Caalamiga ah ee uu Waftigu ka kooban yahay kawadeen dalka.

Gebegabadii kulankani wax uu ku dhamaaday is Afgarad buuxa.

Madaxwaynaha JSL Mudane: Axmed Maxamed Maxamuud ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay Madaxda Wef tiga hogaaminaysa Booqasho gaaban oo salaan ah oo ay madaxwaynaha ugu hambalyeeyeen Doo rashadii loo doortay xilka Madaxwaynenimo ee dalka iyo Dumuquraadiyada ka hirgashay Somaliland.
 


ALLAA MAHAD LEH
 


Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL