Wasiirka Wasaardda Warfaafinta Oo Dalka Dib
Ugu Soo Laabtay
 



Wasiirka Warfaafinta ayaa ka soo degay madaarka Berbera, waxaanu sheegay ..............


Berbera (TNN) - Wasiirka Warfaafinta Somaliand ahna Afhayeenka Xukuumadda Cabdi Yu usuf Ducaale (Boobe) ayaa maanta Dalka ku soo laabtay ka dib ugu soo laabtay ka dib ma rkii uu socdaal shaqo ugu maqnaa dalalka Koonfurta Suudaan iyo Itoobiya.

Wasiirka Warfaafinta ayaa ka soo degay madaarka Berbera, waxaanu sheegay inuu lugtii hore ee socdaalkiisa ku tagay dalka Koonfurta Suudaan, halkaasi oo uu kaga qeyb galay aqoon is weydaarsi ay soo diyaarisay Jaamacadda magaalada Juba oo la xidhiidhay caqab adaha hor taagan aqoonsiga Somaliland iyo fursadihii u sahlay koonfurta Suudaan inay aqoonsi caalami ah ka hesho beesha caalamka.

Wasiirku waxa uu aqoon is weydaarsigaasi ka jeediyay khudbad dheer oo ku wajahan ma raaxilkii kala duwanaa ee ay Somaliland labaatankii sanadood ee la soo dhaafay iyo habkii ay u soo martay qaramayntii maleeshiyaadkii, nabadeyntii beelaha iyo dhismaha Ha’yadaha dawliga ah.

Sidoo kale, Wasiirka Warfaafintu waxa uu dalka Koonfur ta Suudaan kula kulmay dhigiisa oo ay ka wada hadleen sidii labada wasaaradood isu kaashan lahaayeen. Wasiirka warfa afintu waxa uu tobankii maalmood ee la soo dhaafay ku sugnaa dalka Itoobiya.
 

 



Timaacde News Desk
Berbera,Somaliland