Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga Somaliland ayaa xadhigga ka jaray dhisme cusub shan dabaq ka kooban

 


oo shirkadda Dahabshiil ka hirgalisay magaalada Burco, xarunta Gobolka Togdheer.

Xaflad ballaadhan oo loogu talogalay furitaanka dhismaha cusub ee casriga ah, ayaa waxa ka qaybgalay masuuliyiin ka socda xukuumadda, maamulka Gobolka Togdheer, madaxda sare ee shirkadda Dahabshiil, madaxdhaqameedyo, aqoonyanno iyo martisharaf tiro badan.

Wasiirka Ganacsiga munaasibaddaa ka hadlay, ayaa sheegay in xukuumad ahaan soo dhawaynayaan ganacsiyada gaarka loo leeyahay, isla markaana dhiirrigelinayaan, “Siyaasadda xukuumadda ee dhinaca ganacsiga ayaa ah horumarinta iyo dhiirrigalinta shirkadaha ganacsiga gaarka ah,” ayuu yidhi Md. Cismaan Qaasim.

Waxa kale oo Wasiirku xusay in shirkadda Dahabshiil kaalin weyn ka qaadato horumarinta iyo kobcinta dhaqalaha dalka, xukuumad ahaanna markasta mudnaanta koowaad siin doonaan shirkadaha ganacsiga ee muwaadiniintu leeyihiin.

Maareeyaha guud ee shirkadda Dahabshiil Mr. Cabdirashiid Maxamed Siciid, ayaa sheegay in goobta laga sameeyay dhismahan cusub ee casriga ah tahay halkii u horreysay ee 25 sanno ka hor shirkaddoodu ka bilowday hawlaha xawaaladaha lacagaha, taasoo uu tilmaamay in maanta gaadhay ilaa heer caalami ah.

Mr Cabdirashiid waxa uu intaa ku ladhay in aan shirkadda Dahabshiil ku koobnayn oo keliya hawlaha ganacsi, balse qayb weyn ka qaadato horumarinta iyo dib-u-dhisyada adeegyada bulshada, “Waxaanu gacan ka gaysanaa hawlaha samafalka sida, dib-u-dhiska cusbitaallada, biriishyada iyo dugsiyada, kuwaas oo aanu ka fulino dhulka Soomaalidu degto oo dhan, taasina waxay muujinaysaa in faa’iidadii aannu dadweynaha ka helnay badhkeed dib ugu celino.”

Waxa kale oo Maareeyuhu carrabka in dhismayaashan cusub ee casriga ah shirkaddu ka wada hirgalisay badi gobollada dalka, muhiimadda laga leeyahayna tahay in mustaqbalka laga dhigo bangiyo caalami ah oo ummadda u adeegi doona.


Nuux Siciid Ducaale oo ah Guddoomiyaha Dahabshiil ee gobollada bariga Somaliland, ayaa isaguna faahfaahin ka bixiyay adeegyada kala duwan ee shirkaddu u qabato dadweynaha oo kala ah, xawaaladaha lacagaha, dhigaalka, ganacsiga iyo isgaadhsiinta, isla markaana in ka badan 620 xarumood ku leeyihiin 45 dal oo ku kala yaal shanta qaaradood ee adduunka, “Sidaa daraadeed, muhiimadayadu waxa weeye in meel kasta laga helo adeegyada shirkadda Dahabshiil.”

Waxa Mr. Nuux Siciid xusay in dhismahani cusub ka kooban yahay shan dabaq, muddo sannad iyo badh ahna socday, kuna baxay dhaqaale dhan hal milyan oo doollarka Maraykanka ah, kaasoo uu sheegay inuu saldhig u noqon doono qaybaha xawaaladaha iyo isgadhsiinta, “Adeegyada xawaaladda lacagta ee aannu qabanaana waa dakhli si toos ah dalka soo gala, qofkana soo gala,” ayuu yidhi Guddoomiyuhu, isagoo dhinaca kalena u mahadnaqay shirkadda Daryeel oo iyagu hirgaliyay dhismaha cusub iyo dhammaan marti-sharafta kala duwan ee ka qaybgalay xafladda.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Md. Cabdillaahi Maxamed Ducaale, ayaa isaguna minaasibaddaas ka caddeeyay in xukuumaddu dhammaystirtay shuruucdii iyo nidaamkii lagu dhaqi lahaa bangiyada madaxabannaan ee dalka, kaas oo uu sheegay inay hada hortaal Golaha Wakiillada.

Abwaan Maxamed Xaashi Dhamac (Gaarriye), ayaa sheegay in shirkada Dahabshiil wax badan oo la taaban karo ummadda u qabatay, kuna koobnayn xawaaladaha lacagaha oo qudha, balse gacan ka gaysato arrimaha samafalka ee bulshada.

“Madaxda Dahabshiil waxa looga baahan yahay in shirkadda ka bixiyaan saamiyo, si ay u noqoto saami-wadaag oo aanay ku koobnaan hantiilayaasha leh oo keliya,” ayuu yidhi Gaarriye

Waxa kale oo iyaguna halkaa ka hadlay, Guddoomiye-ku-xigeenka Gobolka Togdheer Guuleed Daahir Samatar, ku-xigenka Maayarka Burco Axmed Cabdi Falay, Suldaan Maxamuud Guuleed Mire, aqoonyahan Ibraahin Cabdi-yare iyo xubno kale, kuwaas oo dhammaantood ku dheeraaday waxqabadka shirkada Dahabshiil, si weyna uga mahadceliyay.

Munaasibadan oo ahayd mid si weyn loo soo aaasimay, isla markaana kulmisay siyaasiyiin mucaarad iyo muxaafidba leh, ayaa u muuqatay mid ka caaganayd yooyootanka siyaasadeed ee looga bartay in isku waydaarsadaan xukuumadda iyo mucaaradku xafladaha dhiggeeda ah, balse waxay ku koobanayd oo keliya muhiimaddii loo qabtay oo qudha.

Dhismaha cusub ee sirkada Dahabshiil xadhigga ka jartay, ayaa noqon doona kii ugu casrisanaa ee wakhtiyadan dambe laga hirgeliyo magaalada Burco ee xarunta Gbolka Togdheer.





Kayse A.Digaale

Kdigale@Yahoo.com
Burco