Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga Oo Ka War Bixiyey Kulan Uu La Yeeshay Shirkad Ka Socota Maraykanka


 

Wasiirka oo shalay faah-faahin ka bixiyay waxyaabihii ay ka wada hadleen shirkadaasi ay aa waxa uu sheegay inay ka.....

Hargeysa (TNN):- Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Maal-gashiga Somaliland Dr. Maxam ed Cabdilaahi Cumar ayaa shalay kulan la yeeshay shirkad ka socota dalka Maraykank a oo lagu magacaabo Oliver Shore Company maal-gashi ku samaynaysaa dalka.

Wasiirka oo shalay faah-faahin ka bixiyay waxyaabihii ay ka wada hadleen shirkadaasi ay aa waxa uu sheegay inay ka wada hadleen sidii shirkadani ay maal-gashi ugu samayn laha yd beeyadda iyo xabagta Somaliland hodanka ku tahay, waxaanu tilmaamay in fursado sh aqo ay ka heli doonaan muwaadiniin badan oo reer Somaliland gaar ahaan gobolka Sanaag.

Shirkaddan Oliver Shore Company oo xarunteedu tahay California dalka Mareykanka ayaa sheegtay inay danaynayso inay maalgalin ku samayso Somaliland khasatan beeyada iyo xabagta gobolka Sanaag.

“Shirkadaasi fadhi dheer oo aan yeelanay ka dib waxa aanu u arragnaa inay waxtar weyn ku soo kordhin doonto ka faa’iidaysiga khayraadka dabiiciga ee beeyada iyo xabagta ee Illaahay ku manaystay Somaliland,”ayuu yidhi Wasiirka Ganacsiga iyo Maal-gashigu.

Wasiirku waxa uu tilmaamay in shirkaddani ay wax weyn ka bedeli doonto dhaqaalaha gob olka Sanaag oo uu xusay inuu yahay ka ugu baaxad weyn dalka oo dhan, waxaanu yidhi “W axaan rajaynaynaa inay dardargalin doonto shaqo abuurka gobolka Sanaag oo ah gobol b aaxad weyn leh oo ahmiyad weyn ugu fadhiya Jamhuuriyada Somaliland aad iyo aad ayaan ugu faraxsan nahay arrintan una soo dhawaynaynaa waxaanan rajaynayaa inay wax ka tarto arrimaha horumarka dalka ee ay dawladu doonayso in la dardargaliyo waanan diiw aan gelinay si ay hawlaheeda u qabsato.”

Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar waxa uu sheegay inay wax soo saarka xabagta iyo beeyad da Somaliland u iibgeyn doonto dal-weynaha Maraykanka



Timacade News Desk
Hargeysa,Somaliland