WAR-SAXAAFADEED

 



KU:- TALIYAHA CIIDANKA BOOLIISKA JSL =HARGEYSA=
OG:- DHAMAAN GUDOOMIYAYAASHA GOBOLADDA & DEGMOOYINKA DALKA =RUGTOODA=
OG:- TALIYAHA CIIDANKA BOOLIISKA JSL =HARGEYSA=
OG:- WASIIRKU-XIGEENKA WASAARADDA ARRIMAHA GUDAHA JSL =HARGEYSA=
OG:- MADAXWEYNAHA JSL =HARGEYSA=



UJEEDO:- WAGELIN



Tixraac warqadda ka soo baxday Xafiiska Gudoomiye Ku-Xigeenka 1aad ee Xisbiga Wadani ee Tirsigeedu yahay XIS/WAD/XDH kuna taariikheysan 14th/05/2015, ujeedadiisuna aha yd Mudaharaad Salmiya ah, isla markaana taariikhda aad soo gudbiseena ay khaldan tahay oo aan la gaadhin maantana ay bishu tahay 12th May2015.

Tixraac warqadda ka soo baxday Xafiiska Gudoomiye Ku-Xigeenka 1aad ee Xisbiga Wadani ee ku taariikheysan XIS/WAD/XDH ee 07th May 2015, ujeedadiisuna ahayd Mudaharaad S amli ah taasi oo warqadaasi noo soo Gudbiseen 10/05/2015, sida ku cad Qabashada warqa dda.

Haddaba Wasaaradda Arrimaha Guduhu markii ay u kuur gashay qoraalka warqadaasi, isla markaana daristay Qawaaniinta iyo xeerarka Dalka u yaala ee khuseeya arrintan, waxay d iiday codsiga warqada xisbiga Wadani, kuna sababaysay sidan tan:

1-Iyada oo la eegayo danta guud ee Qaranka iyo Ilaalinta Amniga

2.Iyada oo la eegayo xaalada hada dalku ku jiro oo ah u diyaar garawga maalintii la soo no qoshada xoriyada 18 may.

3.Iyada oo ay cadaw badani inoogu soo dhuuman karo oo khal khal galin kara xasiloonida D alka.


4.Iyada oo aanay xisbiga Wadani qoraalkooda ku cadayn in ay mas’uul ka yihiin wixii ka yim aada .


Sidaas darteed, Wasaaradda Arrimaha Guduhu iyada oo cuskanaysa Qodobka 25aad, faqra diisa 4aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland oo dhigaya dhamaan xoriyaadka qofka waxaa shardi ah in aanay ka hor iman xeerka anshaxa guud, xasiloonida dalka, ama xuquuq da qofka kale.

Iyada oo cuskanaysa qodobka 10aad faqradiisa 3aad ee xeerka anshaxa iyo Nabadgalyada guud xeer no: 51/2012, mar labaad waxay diiday Ogolaanshaha Mudaharaad dana gaara o o siyaasadeed lagaga fulinayo dalka.



ALLAA MAHAD LEH


CALI MAXAMED WARAN-CADE

WASIIRKA WASAARADDA ARRIMAHA GUDAHA