Wasiirka Wasaarada Maaliyada Somaliland  C/casiis Maxamed Samaale Oo Munaasibad Qado Sharafeed Ah Ku Maamuusay Qaybaha Kala Duwan Ee Xulka Gobolka Gabiley

 



Munaasibadaasi oo ka dhacday Hottel Maansoor Ee Magaalada Hargeysa Ayaa Waxa Kasoo Qayb Galay......


Hargeysa (TNN):- Wasiirka Wasaarada Maaliyada Somaliland Md: C/casiis Maxamed Samaale Ayaa Maanta Munaasibad Qado Sharafeed Ah Ku Maamuusay Qaybaha Kala Duwan Ee Xulka Gobolka Ga biley.

Munaasibadaasi oo ka dhacday Hottel Maansoor Ee Magaalada Hargeysa Ayaa Waxa Kasoo Qayb Galay Wasiirka Wasaarada Maaliyada Somaliland Md: C/casiis Maxamed Samaale, Wasiirka Wasa arada Warfaafinta, Wacyigalinta Iyo Dhaqanaka Somaliland Abiib Diiriye Nuur, Xildhibaan C/laahi Xuseen Cige (Black), Xildhibaan Xasan Cawaale Caynaan, Xildhibaan Bashiir Xuseen Tukaale Oo Kamida Xildhibaanada Golaha Wakiilada Somaliland, Sh.Almis Yaxye X.Ibraahim Oo Kamida Culimada Waawayn Ee Somaliland, Badhasaabka Gobolka Gabiley Yuusuf Ibraahim Geedi, Maayarka Degmeda Gabiley Shucayb Maxamed Muuse, Xoghayaha Dawlada Hoose Ee degmeda gabiley C/raxmaan Nuur Abokor, Xubno Kamida Xildhibaanada Golaha Deegaanka Ee Degmeda Gabiley, Iyo Dhamaan Qaybaha Kala Duwan Ee Xulka Gobolka Gabiley.

Ugu Horaynba Waxaa Munaasibadaasi Hadal Kooban Kasoo Jeediyey Maayerka Degmeda Gabiley Shucayb Maxamed Muuse Isaga Oo Mahadnaq Balaadhan usoo Jeediyey Wasiirka Wasaarada Maaliyada Somaliland C/casiis Maxamed Samaale Oo Isagu Soo Abaabulay Munaasibadani Qado Sharafeedka Ah, Sidoo Kale Waxa uu Maayarku Mahadnaq Usoo Jeediyey Wasiirka Wasaarada Warfaafinta, Wacyigalinata Iyo Dhaqanka Somaliland Abiib Diiriye Nuur Oo Isagu Ugu Deeqay Xulka Gobolka Gabiley Aqalka Fooqa Ah Ee Ay Daganyihiin, Waxa Kale Oo Uu Maayarku Mahadnaq Usoo Jeediyey Xildhibaanada Heer Qaran Ee Kasoo Jeeda Gobolka Gabiley,Ugu Dambayntiina Waxa Uu Maayarku Kula Dardaarmay Ciyaariyahanada Inay Dadaalkooda Sii Xoojiyaan Isagoo U Rajeeyey Inay Koobka Qaadaan.


Sidoo Kale waxa Isaguna Munaasibadaasi Hadal Kooban Kasoo Jeediyey Badhasaabka Gobolka Gabiley Yuusuf Ibraahim Geedi Isaga Oo Mahadnaq Balaadhan Usoo Jeediyey Wasiirka Wasaarada Maaliyada Somaliland Md: C/casiis Maxamed Samaale Oo Isagu Soo Agaasimay Munaasibadani Qado Sharafeedka Ah, Sidoo Kale Badhasaabku Waxa Uu Kula Dardaarmay Ciyaariyahanada Gobolka Gabiley Inay Ilaaliyaan Sharafta Shacbiga Gobolka Gabiley Ee Ay Ku Ciyaarayaan Magacooda Isagoo Tilmaamay In Daljoog Iyo Dibad Joogba shacbiga Reer Gabiley Ay Si Toosa Ulasocdaan Ciyaaraha Dalka Ka Socda.

Sh.Almis Yaxye X.ibraahim Oo Isaguna Munaasibadaasi Hadal Kooban Kasoo Jeeiyey Ayaa Si Wayn Ugu Duceeyey Xulka Gobolka Gabiley Isagoo Ugu Duceeyey Inay Noqdaan Kuwii Ku Guulaysta Koobta Gobolada Somaliland.

Waxa Iyaguna Munaasibadaasi Hadalo Koob-kooban Kasoo Jeediyey Xildhibaan C/laahi Xuseen Cig e (Black), Xildhibaan Xasan Cawaale Caynaan, Iyo Xildhibaan Bashiir Xuseen Tukaale Oo Dhamaan tood Kamida Xildhibaanada Golaha Wakiilada Somaliland Iyagoo Dhamaantood Munaasibadaasi Ka soo Jeediyey Hadlo Dhiiri Galina.

Wasiirka Wasaarada Warfaafinta, Wacyigalinta Iyo Dhaqanka Somaliland Abiib Diiriye Nuur Oo Mun aasibadaasi Ka Hadlay Ayaa Isaguna Ugu Baaqay Dhamaan Ciyaariyahanada Gobolka Gabiley Inuu Hiil Iyo Hooba La Bar-bar Taaganayahay Mudadaa Ay Ciyaaruhu Socdaan Sidoo Kalena Wasiirku Waxa Uu Kula Dardaarmay Inay Dulqaad Faro Badan Yeeshaan Wakhtiyada Ay Ciyaartu Socoto Oo Aanay Xanaaqin.

Gebagebadii Munaasibadaasi Waxa Soo Afmeeray Wasiirka Wasarada Maaliyada Somaliland Md: C /casiis Maxamed Samaale Isaga Oo Munaasibadaasi Kasoo Jeediyey Hadalo U Badan Dardaaran, Waxaanu Wasiirku Kula Dar-daarmay Dhamaan Xulka Gobolka Gabiley Inay Ku Dadaalaan Ciyaar Wanaaga Isagoo Sheegay In Guushu Kaliya Aanay Ahayn In Goolal La Dhaliyo Balse Ciyaar Wanaa ga Iyo Akhlaaq Wanaaguba Ay Yihiin Guul, Waxaanu Wasiirku Ugu Baaqay Xulka Gobolka Gabiley Inaanay Casuumadani Ahay Tii Ugu Horaysay Iyo Tii Ug Dambaysay Midna Balse Uu Inta Ciyaaruhu Socdaanba Hiil Iyo Hooba La Bar-bar Taaganyahay, Sidoo Kalena Wuxuu Tilmaamay In Casuumad an Oo Kaliya Aanay Ku Eegayn Taageerada Uu La Bar-bar Taaganayahay Xulka Gobolka Gabiley Balse Wax Ka Wayn Casuumadan Uu usoo Wado Xulka Gobolka Gabiley.

 

 

 


Guleed Muxumed Ibraahim (Guuleed Yare)
Timacade News Desk
Hargeysa ,Somaliland