Wasiirka
Warshadaha Somaliland Oo La Kulmay Dhigiisa Dalka Sweden
Stockholm,Sweden (TNN):- Wasiirka Warshadaha Somaliland Mudane
Shucayb Maxamed Muuse ayaa kulan La qaatey dhigiisa Dalka Sweden.
Kulankaasi Oo Maanta Ka Dhacay Xarunta Wasaarda Ganacsiga Iyo
Warshadaha Ee Dalka Sweden Ayaa Ay Labada Masuul Kaga Wada Hadleen
Arimo Doora Oo Ay Ka Mid Tahay Si dii Dalka Sweden Uu Uga Caawin
Lahaa Somaliland Dhinaca Warshadaha Maadaama Oo Da lka Sweden Ka
Horumarey Dhanka Warshadaha.
Sidoo Kale Waxa Xusid Mudan In Hawenayda Wasiirka Ka Ah Wasaarada
Ganacsiga Iyo W arshadaha Ee Dalka Sweden Ay Aad Ugu Riyaaqdey
Hanaanka Dawladnimo Ee Ka Jira Som aliland Kadib Markii Uu Wasiir
Shucayb Uga Waramey Marxaladihii Kala Duwanaa Ee Ay So o Martey Jsl.
Sidoo Kale Waxa Wasiirku U Sharaxey Heerka Ay Somaliland Ka Gaadhey
Nabadgelyada, La Dagaalanka Argagixisada Iyo Budhcadbadeeda, Taasi
Oo Dawlada Somaliland Iyadoon Cidina Ka Caawin Ka Ilaashatey Cadawga
Ili Ma Aragteydaa Wadankeeda.
Dhanka Kale Wasiirku Wuxu Usoo Jeediyey In Dawlada Sweden Ay
Somaliland Ka Caawiso Dhinaca Korontada Waxaanay Isla Madashaasi
Wasiiradu Ka Balan Qaadey Inay Wax Qabad Muuqda Ka Geysan Doonaan
Waxyaabahaa Uu Wasiirku Usoo Jeediyey Sida Ugu Dhakhsaha Badan.
Si Kastaba Ha Ahaatee Waa Markii Ugu Horeysay Ee Wasiir Ka Socda
Wasaarada Warsha d a ha Somaliland Uu Kulan Noocanoo Kale Ah La Qaato
Dhigiisa Dalka Sweden.
|