Wasiirka Warfaafinta Somaliland oo ka hadlay natiijadii kulamo ay la yeesheen beelaha Sanaag





Ceerigaabo (TNN):- Wasiirka warfaafinta iyo wacyi gelinta Somaliland Md Axmed Cabdi Xa absade ayaa sheegay in xaalada nabadgelyada ee magaalada Ceerigaabo ay caadi ku soo noqotay,dadkuna si caadi ah isku dhexmarayaan suuqyada magaalada wax cabsi ahina aan ay ka jirin.

Axmed Cabdi Xaabsade oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Ceerigaabo ee xaru nta gobolka Sanaag, waxa uu sheegay inay ku hawlan yihiin sidii ay nabad uga dhex dhalin lahaayeen beelihii dhawaan magaaladaasi ku dagaalamay isla markaana ay haatan beel w alba gaarkeeda ula kulmeen ka dibna ay meel isugu keeni doonaan si loo heshiisiiyo nabad na looga dhex dhaliyo.

Wasiirka warfaafinta Somaliland isaga oo ka waramaya xaalada nabad geliyada ee magaala da Ceerigaabo waxa uu yidhi “Waxaan idiin sheegayaa in magaalada Ceerigaabo ay ku bari day nabad, dadkiina is dhex marayo, meel walbana la wada joogo, dhacdadii dhacdayna di yaar loo w ada yahay in laga heshiiyo, beel beel ayaanu ula shiraynaa waxaanu qolo walba u sheegaynaa nabad geliyadu waxay tarto iyo waxa ay sido iyo colaadu waxay leedahay, markaa waxaanu dadka u sheegaynaa magaaladii in ay xasiloon tahay, waxaan qabaa inta a lawada ogsaanaado guddo iyo dibadba.”

Axmed Cabdi Xaabsade waxa kale oo uu ka hadlay khasaarihii ka dhashay weerar saddex maalmood ka hor isaga lala beegsaday kaasi oo ay ku dhinteen askar ka tirsanaa ilaaladiisa “Waxaan idiin sheegaynaa maanta in ciidamadii dagaalkii yaraa ee dhacay waxa wax soo gaadheen waa ciidamada, ciidamadiina sidaas ayay ku dulqaateen oo ay ku habranayeen dadka in aanay waxba yeelin ciidamaduna raali ayay ku yihiin, maanta sidaas ayaa la isku wada dhex marayaa nabadiina sidaas ayay ku sugantahay waa lawada deganyahay.” Ayuu yidhi Wasiirka warfaafintu.

Md Xaabsade isaga oo ka waramaya beelaha ay ilaa hada la kulmeen kuwa ay yihiin iyo tal aabada ku xigta ee ay doonayaan in ay qaadaan kulamadaasi ay beelaha la yeelanayaan ka diba, waxa uu yidhi “Horta nabadgelyadii ayaanu sugaynaa, nabad geliyada markaanu sugno ayaanu u soo jeedsanaynaa hub ka dhigista, Waxaanu rabnaa markaanu qolo walba gaarkeeda ula shirno, in aanu meel isugu keeno dabadeedna halkaa lagasii anba qaado na badii, dhamaan kulamo waanu lawada galnay beelaha, Habar Jeclo waanu la galnay, Dhulb ahante waanu la galnay, Habaryooni waanu la galnay, qolo walba gaarbaanu ula shirnay, iyaguna way isla kulmeen garkooda waxay noo soo celiyeen fidhbaagii, markaa marka ay aragtiyahooda noo soo wada celiyaan ee ay noo yimaadaan ee aanu qolo walba la qaada no ayaanu isugu yeedhaynaa dhamaantoodba.”

Wasiirka warfaafinta ayaa ugu baaqay shacbiga ku dhaqan gobolka Sanaag in ay nabad g elioyada ilaashadaan, magaaladana ku soo celiyaan xasiloonidii, tolnimadii iyo walaalnimadii ay hore ugu wada noolaayeen “Shacbiga reer Sanaag waxaanu ugu baaqaynaa nabad geli yadu in ay dal tahay, dalkana lamaga guuro waxaanu leenahay magaalada xasiloonideedii halagu soo celiyo, tolnimadii iyo ehelnimadii magaalada lagu wada deganaa halagu soo celi yo, magaaladu waxay u baahan tahay in lawada dego, in lawada joogo, in lagu wada dhaq mo oo awalba siday ahaan jirtay loogu wada noolaado, waa wiil iyo walaalkii, waa abtigii, waa seedigii, waa sodogii dadka magaalada joogaa, waanay isku baahan yihiin, waxaan leenahay waar nabad geliyada ilaashada, waxay dantu ku jirtaa nabad geliyo in lagu wada noolaado.” Ayuu yidhi md Xaabsade

Source: Somaliland.Org