Wasiirka Warfaafinta Oo Wargeyska Dawan Dib Ugu Maga caabay Guddoomiyihii Boobe Hore Xilka Uga Qaaday

 



Sidaasina waxaa lagu sheegay wareegto uu maanta soo saaray Wasiirku......


Hargeysa (TNN) - Wasiirka Wasaarada Warfaafinta iyo wacyigelinta Somaliland Abiib Diiriye Nuur (Abiib-timacad) ayaa dib u magacaabay Guddoomiyihii Wargeyska Dawlada ee Dawan ee uu Xilka ka qaday Wasiirkii hore ee Warfaafinta Cabdi Yusuuf Ducaale (Boobe) iyo masuuliyiin kale. Sidaan a waxaa lagu sheegay wareegto uu maanta soo saaray Wasiirku, taas oo u dhignayd sidan:-



“Ujeedo: magacaabid


Aniga oo tix gelinaya ahmiyada wargeyska Dawan u leeyahay wasaaradda war faafinta iyo wacy igelinta, iyada oo u baahan in la helo shaqaale tayo sare leh si ay u gudato waajibaadka qaranka ay masuulka uga tahay.

Laga bilaabo maanta oo ay taariikhdu tahay 10/09/2012, waxaan u magacaabay Sayid Cismaan Mirre in uu noqdo guddoomiyaha wargeyska Dawan Media Group.

Sidoo kale laga bilaabo maanta oo ay taariikhdu tahay 10/09/2012 waxaan u magacaabay Cum ar Maxamed Faarax in uu noqdo Tifaftiraha Guud ee Wargayska Dawan, maamul ahaana ku xiga guddoomiyaha wargeyska Dawan Media Group. ALLAA MAHAD LEH.”
 

 

 


Timacade News Desk
Hargeysa,Somaliland