Wasiirka Warfaafinta Oo
sheegay inay Puntland dusha ku qaadi doonto masuuliyada weerarkii
weftiga
Hargeysa 10
August,2011(TNN)-Wasiirka Wasaarada warfaafinta Md.Axmed Cabdi
Xaabsade oo shir jaraa’id caawa ku qabtay xarunta wasaarada
warfaafinta iyo wacyigelinta ee caasima da Hargaysa ayaa daboolka ka
qaaday in maamul goboleedka Puntland ay mas’uul ka yihiin dh
acdadiii saaka lagu bartilmaameedsaday wefti uu hogaaminayay
Xildhibaan Saleebaan Yuusuf Cali Koore oo ka tirsanaa gudidooda oo
ku sii jeeday dhinaca degmada Taleex isla markaana ugu baaqay maamul
goboleedka puntland sii daynta xubnaha ay ka qafaasheen deegaankaas.
Wasiirku waxa uu sheegay in weftigan oo saaka ka ambobaxay magaalada
Laascaanood ay jidgooyo u galeen Maleeshiyada Puntland isla markaana
ay weerareen weftigaasi oo watay lix baabuur isla markaana ay
qafaasheen afar baabuur iyo dadkii saarnaaba oo ay geeyeen Garoowe.
Md. Xaabsade waxa uu intaasi ku daray in Puntland ay dusha u ridan
doonto masuuliyada kh asaaraha ka dhashay weerarkaasi waxaanu
carabka ku dhuftay in xukuumaddiisu ay jawaab ka bixin doonto
falkaasi foosha xun.
“Waxaanu leenahay Itoobiya oo nagu dhex dhexaadinaysay nabad
geliyada waxaanu u shee gaynaa in ay nabad geliyadii ay jabiyeen
Puntland.Haddii aanay Puntland ka noqonin arintaa wixii ka yimaada
iyagaa masuuliyadeeda qaadaya Itoobiyana waanu u sheegaynaa anaguna
talaabo ayaanu qaadaynaa haddii aanay ka noqon”. Ayuu yidhi Axmed
Cabdi Xaabsade.
Md. Xaabsade waxa uu ugu baaqay Puntland inay deg deg u soo daayaan
gaadiidka iyo masuu liyiinta ay qafaasheenba, waxaanu xusay inay
beesha caalamka ku wargelinayso gardarada maamulka Garoowe.
Wasiirka warfaafintu waxa uu dhambaal tacsi ah u diray ehelada
masuulka ku dhintay weerar kaasi iyo kuwa ku dhaawacmayba.
Sidoo kale la taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Doorashooyinka iyo
xisbiyada Maxamed Mu use Abees ayaa sheegay in wax badan ay ka soo
qabteen mudadii ay joogeen gobolka Sool gaar ahaan dhinacyada
Nabadgalyada,dhaqaajinta maamulka dawlada iyo arrimo kale .
La taliyaha madaxweynaha ee doorashooyinku waxa uu xusay inay
bartilmaameed ka dhigtee n dadkii dadka layn jiray taasina ay soo
celisay sida uu sheegay kala danbayntii iyo nabad gal yadii gobolka
Sool waxaanu cambaareeyay weerarkan gaadmada ah.
Source: Somaliland.Org
|