Wasiirka Warfaafinta Oo Kulan La Yeeshay Safiirka Itoobiya U Fadhiya
Somaliland
Wasiirku waxa kale oo uu sheegay in kulankaasi uu gogol xaadh u ahaa
safar uu isagu ku tagayo.....
Hargeysa (TNN)- Wasiirka Warfaafinta iyo wacyigelinta
Somaliland Cabdi Yuusuf Ducaale (Boobe) ayaa maanta kulan la yeeshay
Safiirka Dalka Itoobiya u fadhiya Somaliland.
Wasiirka Warfaafinta Boobe Yuusuf Ducaale oo kulankaasi ka dib
Saxaafada uga waramay waxyaabaha uu kulankaasi ku saabsanaa ayaa
sheegay in kulankaasi kaga wada hadleen sidii dawlada Itoobiya ay
tababaro u siin lahayd shaqaalaha idaacada Radio Hargeisa, maa daama
idaacada cusub ee Radio Hargeysa ay dhawaan hawada si toosa u soo
gelayso.
Wasiirku waxa kale oo uu sheegay in kulankaasi uu gogol xaadh u ahaa
safar uu isagu ku tagayo dalalka Itoobiya iyo koonfurta Suudaan oo
uu hawlo wasaaradiisa la xidhiidha kala soo yeelan doonaan dawladaha
labadaasi dal.
Safiirka dalka Itoobiya u fadhiya Somaliland Mr Tayetasfaaye oo isna
ka hadlay kulan uu la yeeshay Wasiirka Warfaafinta ayaa sheegay in
uu ku faraxsan yahay kulankan dhexmaray isaga iyo Wasiirka
Warfaafinta.
Waxaanu tilmaamay in shaqaalaha idaacada Radio Itoobiya ay wax wayn
ka tari doonaan u fidinta aqoon dheraad ahna ka siinyaan shaqaalaha
idaacada Radio Hargeysa, wixii aqoon ta iyo khibrad ay dheeryihiin
ee ay u leeyihiin shaqada idaacadaha.
Timacade News Desk
Hargeysa,Somaliland
|