Wasiirka Warfaafinta Oo Jawaab adag ka bixiyay eedo Saxaafadu u jeedisay xukuumada

 


 


Hargeysa, (TNN)- Wasaaradda Warfaafinta iyo wacyigelinta Somaliland ayaa ka hadashay eedo loo jeediyay oo la xidhiidha inay qaaday tallaabooyin ay ku cabudhinayso Saxaafadda madaxa banaan ee dalka.

Sidaasna waxa lagu sheegay shir jaraa’id oo uu Wasiirka warfaafinta iyo wacyigelinta Md. Axmed Cabdi Xaabsade caawa ku qabtay xarunta wasaaradaasi waxaanu sheegay madax banaanida saxaafadda dalku haysataa ay Somaliland ka dhigtay tusaale wax ku ool ah mand aqada gobolka.

Wasiirka oo ka hadlayay eedaha saxaafadu u jeedisay xukuumadiisa waxa uu yidhi:

“Beryahan dambe Saxaafada qaarkeed waxa lagu sheegay in xukuumaddu Saxaafada cabudhiso, waxa markhaati madoon ah in Somaliland tusaale u tahay xoriyada Saxaafaddu haysato iyadoo aan wali la aqoonsan. Balse waxaad moodaa in saxaafada qaarkeed ay caado ka dhigatay baahinta warar dhacdooyin xajiimaysan oo wax u dhimaya sharafta iyo milgaha qaranka. Taasi oo ka hor imanaysa baahida iyo baadi goobka ay Somaliland ugu jirto inay Dunida ka hesho Ictiraaf.”



“Tusaale waxaan u soo qaadanayaa Horn Cable TV waxa uu cadeeyay oo Baahiyay in xukuu madda Somaliland tahay Argagixiso iyadoo aan waxba ka sheegin Sheekh Shariif iyo Puntla nd midna xukuumadda iyo ummadda Somaliland ma ka kasbatay in lagu sheego argagixiso. Dambigaasna umaddu kama qaadanayso dambigaas arrintaasna waxba kama jirto. Ma aha in la cambaareeyo dawladeenna inagoo haddana doonayna aqoonsi, waxaad moodaa in inagii is baa‘biinayna,”ayuu yidhi Md. Axmed Xaabsade.
 


Wasiirku waxa uu ku dooday in TV-gaasi dambi ka galay dalka loogana baahan yahay inay raaligelin ka bixiyaan warkaasi.
 



Axmed Cabdi Maxamud (Xaabsade)
Wasiirka wasaarada warfafinta iyo Wacyi galinta