Wasiirka warfaafinta djibouti oo ka hadlay dariiqa loo marayo aqoonsiga JSL

 


Djibouti  (TNN)-Xukuumadda dalka Djibouti, ayaa shaaca ka qaaday siday waajib u tahay isbedel l agu sameeyo hanaanka 20-kii sannadood ee la soo dhaafay ay Somaliland ku raadinaysay  ictiraa fkooda iyo madaxbanaanidooda. Isla markaana ay xukuumad ahaan soo dhawaynayaan dariiq  kas ta oo taas ay dadka reer Somaliland iyo inay tahay wadahadal arrintaa lagala galo Soomaalida laftood, runtana looga sheego xaqiiqda meesha taala.

Wasiirka Warfaafinta Djibouti Md. Cali Cabdi Faarax oo isaga oo ku sugan caasimadda Djibouti  tod dobaadkii hore uu Wargeyska Ogaal waraysi kula yeeshay Huteel Kampeisk, waxa uu si adag uga hadlay isbedelladii ka dhacay Somaliland, isla markaana wuxuu amaanay xukuumadii talada ka  deg tay iyo weliba xukuumadda Madaxweyne Siillaanyo, taas oo uu u rajeeyay inay mustaqbal fiican u horseedayaan ummadda Reer Somaliland.

Wasiirku waxa uu carrabka ku adkeeyay in loo baahan yahay in wax laga bedelo nidaamkii  labaata nkii sannadood ee la soo dhaafay lagu baadi-goobayay aqoonsi Somaliland ka hesho caalamka. Sidoo kalena, Wasiirku waxa uu Somaliland ku adkeeyay inay geed kasta oo lagaga hadlayo arrimo Soomaali ah tagaan yihiin, kana sheegtaan qadiyadooda, iyada oo uu ku dhiiri geliyay inay  Somalil and la hadlaan cid kasta oo ku hadhay magacii Somaliya, si caalamka indhahooda loogu soo jeediyo arrintaas. Md. Cali Cabdi Faarax, waxa uu maamulka Somaliland u soo jeediyay inaanay faa’iido ugu jirin wax uu ku tilmaamay fadhi dambe, balse taas bedelkeeda albaab kasta la garaaco. Wasiirka oo su’aalo kooban uu Wargeyska Ogaal waydiiyay, waxa uu ku bilaabmay sidan:

S: Wasiir ugu horrayn ka waran xaaladdaha guud ee mandaqadda gobolka?

J: Walaahay, Djibouti degmoy ku taalaa, hadii degmeddaasi ay ololaysana Djibouti way la  olola ysa a. Inta kale degmeda (dalalka bariga afrika), dee Somaliland iyo Somalia way nooga dhaw yihiin. Immika afkan aan ku hadlayo, waa ka ay ku hadlaan intaasoo dhami, af-baa naga dhexeeyoo, dhaqan baa naga dhexeeyoo, wax badan ayaan wadaagnaa. Ta degmeda hadaan ku horeeyo, dee degmedu waa muhiim inay degto oo nabad lagu soo dabaalo. Waayo, marka nabadi ay jirto ayay nololi jirtaa. Markaa dawladda Djibouti waxay awoodda saaraysaa in degmedu degto, si loo helo horumar iyo nolol oo dhaqaale uu u samaysmo. Waadigaa arkayoo Djibouti waa laysugu yimi oo intii nabadda danaynaysay oo dhami waxay isugu yimaadeen halkan, taasina waxa horseeday siyaasadda dawladda Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle.

Somaliland dadnimo ayaanu wadaagnaa, dhaqan baanu wadaagnaa, dhiig baanu wadaagnaa. Somaliland mashkiladi kama jirto. Inay degenaato oo wax dhibaato ahi aanay jirin, waa wax aanu aad ugu faraxsanahay, aadna waanu u danaynaynaa. Waayo, hadii Somaliland ay ololi lahayd, dee Djibouti-na way la ololi lahayduun, sababta oo ah, xuduudku waa 16km. Magaalooyinka Somaliland oo badan ayay Djibouti xuduudka uga dhawdahay, markaa halkaa waxa yaalaa, halkana way  yaal aan. Hadii nabadi taalo, way taalaa. Markaa maanta wax fiican baa yaala..Nabad baa taala, horum ar baa yaala, waananu ku faraxsanahayoo, Somaliland waanu ugu faraxsanahay, anaguna waanu faraxsanahayoo dantayadaanu u faraxsanahayoo ciddii jaarka nala ahayd way faraxsan tahay.

S: Muddo dheer ayay Djibouti Somalia dejinteeda isku hawlaysay, immikana halka uu xaalkoodu marayo waad la socotaan, markaa taas maxaad ka odhan lahayd taas?

J: Horta anagu (Dawladda Djibouti) uma adeegayno Madaxweyne, uma adeegayno dawlad, balse waxa na dhibayaa waa dhiigga ummadda Soomaaliyeed ee labaatan sannadood uun daadanaya.

Magacan Soomaaliyeed ee adduunkii raqiiska noqday, kaasoo shalay lagu faanayay, maanta marka lagu yidhaahdo ‘yaad u dhalatay’ waagii hore Soomaali baan ahay ayuu cod sare ku odhan jiray oo adduunka inaanay cidiba ka sarayn ayuu isku haystay...Maantana marka lagu celceliyo ee laga  da yn waayo ee uu iska dhego-maro, ayuu marka lagala hadhi waayo, ayuu isaga oo xishoonaya hoos u odhanayaa ‘I am Somali (Soomaali baan ahay)!’ Markaa walaalahayagaa dhibaataysan oo runtii in iyaga ka mid ahi uun ay u geysanayaan waanu ka xunnahay. Anagu hadaanu nahay Dawladii  Dji bouti, Madaxweynaheeda iyo dadkayaguba, waxaanu leenahay inaan nala odhan uun Djibouti wax bay hagratay. Waxa weeye uun inaan la odhan, shalay Djibouti baa bed-qabtayoo, way  joogtay oo, way na hagratay.

Anigu Somaliland-na waxaan odhan lahaa, nabad baa tihiinoo waad shaqaysateen, tiiyoo aanay  w eliba cidina wax idinla qaban ayaad qabsateen. Markaa waa walaalihiine, bal inaad la talisaan oo shalay wax baa wada lahaydeene maanta ma wada lihidin. Laakiin, inaad nabad ku caawisaanoo aad wadahadashaan, illayn cidna cid kale ma khasbi kartee aad si fiican oo walaalnimo ah aad u  kala baxdaan. Run ahaantiina anigu waxaan jeclaan lahaa inay Somaliland meel kasta oo lagu  ha dlayo ay joogto oo qadiyadeeda ay ka sheegto oo cid qabsanaysaa ma jirtee, albaab kasta  garaaca, illayn waa labaatan sannadoode. Aniga waajib bay igu tahay, waayo, markay Somaliland fiican tahay baanu fiicanahay. Dee labaatan sannadood ayaa si uun loo doonayay aqonsiga Somaliland, markaa labaatankaa sannadood dabadeed lama hayo sow maaha? Dee meel kasta oo la joogo oo UN-kii, Midawga Afrikaanka, Ururka Jaamacadda Carabta oo adduunkii uu joogo, kaalayoo dee waxaaga ka sheego. Walaalkan Soomaaliyeed shalay isagaad ku biirtay, adigaa ula tegay oo u geeyay calankaaga, dee maxaad isaga uga baqaysaa? ‘Waar shalay anigaa kuula imi. Dhibaataddaas baa igu dhacday.

Diyaaradii Hargeysa ka kacday, ayaa Hargeysa dib u duqaysay. Markaa maxaad doonaysaa inaan kugula joogo? Aan isu ducayno, adiga dhibaatadaadu way I dhibaysaayoo dhiigaaga  daadadana yaa anigana wuu I daadanayaayoo nabad baan kuugu ducaynayaa, weliba waan ka  qayb qaadan ayaa. Shalay anigaa xiise kuula imiye, mustaqbalka dee hadaad ii soo xiisooto ii kaalay, balse  maa nta sidaasaan gartaye aynu sidaa isugu ducayno’ sidaa ku dheh illayn isagaad wax la lahaydoo aad waxaagii u geysaye….kala hadal qadiyaddaada, ha u diido haduu doono….Anagu taas xaq baanu u arkaynaa iyo inay Somaliland albaab walba garaacdo. Kan Soomaaliyeed anagu markaa waanu idin dhex-gali karnaa, wax idiin kala sheegi karnaa. Laakiin halkaasaan fadhiyayaa!!!

Waxaan aaminsanahay in kolley ay dawladu (Somaliland) dhaqdhaqaaq fiican wado….hogaan wayn oo degen (Siillaanyo) oo aanay isaga cidi ku odhan karayn 'maxaad halkaa u tagtay'? Waayo, waa ninkii jaakada u galay, waa ninkii xoreeyay weeye, dee dadkanina inay gaadhaan nolol fiican oo tii shalay ka wanaagsan bay doonayaan, markaa maaha inay taas ku gaadhayaan ‘halkaasaan fadhiyayaa maaha…dee halkaa waxba ma imanayaane, waa in halka ay yaalaan laga doonto…waxaanan aaminsanahay inay dawladani tahay mid ummadda u horseedaysa horumar iyo nabadgelyo iyo barwaaqo ay gaadhaan walaalahayaga Somaliland.’

S: Koonfurta Suudaan waxay ka go’aysaa Waqooyiga, isla markaana AU-da, Jaamacadda Carabta iyo IGAD-ba way diidanaayeen, hadana waa la marsiiyay, markaa ma waxaad leedahay jidkaasi Somaliland-na wuu u furan yahay?

J: Horta aqoonsigu waa ka qofku is-aqoonsado, Somaliland iyadaa is-aqoonsatay, waa ka ugu  wa yn, waana ka ugu muhiimsan. Wax wayn bay qabatay, doorasho tii ugu qurux badnayd bay ka samaysay Afrika. Waadigaa arkayoo, Ivory Coast 50 sannadood ayay jirtay, maantana waa laysku dilayaayoo doorashaa dhacday ninkii laga helay-na 'anigaa madaxweyne ah buu leeyahay,’ adduu nkii oo dhan baa kaxayn kari waayay…Somaliland-na Madaxweynihii laga helay wuu u hambalyeey ay kii helay…dawladnimadu maxay tahay?

S: Xukuumadii Rayaale iyo Dawladda imika ee Siillaanyo, ma la odhan karaa xidhiidhada aad la  lee dihiin way kala duwan yihiin?

J: Taas waan kuu sheegay in dawlad aan is-leeyahay munaasab bay ku tahay Somaliland..guulo iyo horumar-na way gaadhsiinaysaa ay tan immika tahay. Laakiin, waxay ila tahay, hadii la yidhaahdo ‘arrimaha daakhiliga ah iyo laba madaxweyne’ waxa weeye anagu walaalaanu nahay cid nooga   d hawi inaanay jirin Somaliland, laakiin hadana dee Somaliland waa dawlad…shalayna iyadaa Madax weynahaa iyo dawladaa doortay, maantana tan iyagaa keenay. Balse, kolleyba waxay ku amaanan tahay Somaliland in dawladii shalay baxday ay doorashadii samaysay, si fiican ay u dhacday, natiij adii ka soo baxday ay aqbashay.

Run ahaantii waan joogay oo Illaahay wuu I joojiyay oo maalin iiga farxad waynayd may jirin  cale emo-saarkii Madaxweynaha cusub ee Madaxweynihii ka degayay uu khudbad taariikhiya  akhriya y….ee ninkan Gbagbo (Madaxweynaha Ivory Coast) ee laga helay doorashada Illaahay uu garansiin waayay ee uu ka murmayee dalkiisii uu dagaal sokeeye qarka u saaran yahay.

Anigu waxaan u haystaa Madaxweynaha ‘waa layga helay’ yidhi ee dhiibay ee tiriyay….anagu waanu tagnay, Kiiniyaa tagtay, Itoobiyaa timi, waxa na soo dhaweeyay labadii dawladood, tii dhacday iyo tii bedelaysay ee weli aan qaban oo wada jooga oo wada socda…markii aan Hargeysa joogayna waan idhiye, waa mid aan Afrika ka dhicin taasi. Hase yeeshee, waxaad samayseen wax dalalkii dunidu caawinaysay aanay samayn, idinka oo isku tashaday ayaanad gaadheen taas. Markaa waxaan leeyahay, fadhiga ka kaca oo geed walba taga oo ruxa.


Source:Wargeyska Ogaal