Wasiirka Madaxtooyadda Somaliland
mudane Xirsi Cali Xa aji Xasan ,ayaa ka hadlay socdaaladii uu ku tagay
dalalka Turkiga iyo Faransiisk
Hargeysa (TNN):-Wasiirka Madaxtooyadda Somaliland, mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan
,ayaa bog giisa lagu magacaabo guusha.com,kaga hadlay socdaaladii uu ku tagay
dalalka Turkiga iyo Fara nsiiska ,waxaanu u dhignaa:
“Salaan qiimo badan kadib, waxaan halkan idinkula wadaagayaa
xog-waran ku aadan safaradii aan ku tegnay dalalka Turkey/France,
iyo nuxurkii ay xambaarsanayeen.
Labadan safar oo ku soo dhamaaday guulo hor leh iyo bushaarooyin
mustaqablka dhaw iyo fog-ba iskugu jira, aan xog guud mar ah idinka
siiyo habsami u socodkii safaradan:
Safarkii Turkey-ga
Safarka Turkey ee wada-hadalada waxaa hogaaminayey wasiirka Arrimaha
Dibeda waxaan ka qayb qaatay gudi ka koobnayd 7 xubnood oo kala ahaa:-
1) Wasiirka Arrimaha Dibeda Maxamed Biixi Yoonis
2) Wasiirka Shaqada & arimaha bulshada Maxamuud Axmed Barre “Garaad
3) Wasiirka Madaxtooyada Xirsi Cali X. Xassan
3) Wasiirka X.Xoolaha Dr Cabdi aw Dahir
4) G. Ku xigeenka G.wakiilada Baashe
5) Xil. Siciid
6) Xil Kijaandhe
Runtii waxay ahaayeen dhamaan rag wada akhyaar ah oo isku duuban,
isku kalsoon isla markaana isku ah qof keliya ah oo hawsha meel uga
soo wada jeeda, waxay ahaayeen rag qiimo badan mabda’a Qadiyada
Somalialnd ay ka go’antahay shaqadana diyaar u ah. (Committed,
Organized and well prepared team)
Qolada naga soo horjeeday waxay ahaayeen rag aad u werwer iyo walaac
xaga shaqadoodii ahi uu qaar badan ka muuqdo, rag aan kalsoonida
dhexdoodu fiicnayn, taladooduna ay telephone kaga xidhantahay oo
go’aankoodana waydimo badani ku jirto. (Aan isku kalsoonayn)
Qodobada laga wad hadlayeyna waxay ahaayeen qolo-waliba wixii ay dan
moodaysay ayay miiska soo dhigtay, dood, muran marar badan oo lagu
kala gurtay oo dib loo balamay ama gudi farsamo loo saarayna tiraba
illaa sadex jeer way dhacday. Iskusoo duub oo maxsuul wuxuu noqday
qodobadii saxaafada lagusoo bandhigay ee aad hore u aragteen,
kuwaasoo runtii guul u ahaa Qaranka Somaliland. (Xaga hoose ka akhri
qodobadii kasoo baxay shirka oo si faahfaahsan.)
Safarkii dalka France
Safarkan wuxuu ahaa guul taariikhiya oo qarankeena usoo hoyatay,
sidaad arkayseen waxaa madaxweyanaha lasiiyey maamuus iyo milgaha
dawladnimo oo runtii ah macnawiyaad aad u sareeya oo aanay lacagtu
goyn. Waa saaxiib cusub oo usoo kordhay Somaliland, weliba maaha
saaxiib miskiina ee waa saaxiib xoog badan oo kamida wadamada
waaweyna ee awoodaha dunida ku loolama, ma aha markii ugu horaysay
ee dawladeenu timaado France Laakiin waa markii ugu horaysay ee
milgahan iyo maamuuskan oo kale laynagu casuumo. Waxaanu aragnay:
1) Wasiirka khaarajiga
2) Golaha Sanadka
3) Xafiiska Horumarinta FDA
4) Hay’adaha qaabilsan Budhcadbadeeda
5) Shirkado maalgashi
Waxay muhiimadu ahayd in dawladan uu ina dhexmaro xidhiidh/iskaashi
dhinacyada siyaasada, horumarka, nabadgelyada iyo waxbarashada iyo
dhaqanka, waxaana dhamaan masuuliyiintii aanu la kulanay ka muuqday
niyad sami iyo soo dhawayn, waxaan rajaynayaa in xidhiidhkani
hirgalo oo uu horuumaro.
Dhamaan bulshada qurba-jooga degan dalka France iyo inta kale ee
saxaafada igala socota-ba waxaan usoo jeedinayaa in qof kastaaba uu
halka uu joogo uu ka noqdo safiir oo uu metallo qarankeena,
masuuliyad-na iska saaro qadiyadeena, geed dheer iyo mid gaaban-na
uu u fuulo raadinta iyo ka midho dhalinta himilada bulshadeena oo ah
sidii aynu beesha caalamka uga heli lahayn ictiraaf buuxa iyo
dawladnimo la aqoonsanyahay.
Walaalyaal arintaasi waxay u baahantahay dedaal badan isku duubni
iyo qof kastaa inuu ka qayqaato una guntado, arintu maaha in
dawladaa qaabilsan ee iska seexda, dawlada masuuliyadii waynayd ayaa
saaran qofkastana masuuliyad gaar ah iyo waajibaad ayaa ka saaran
dalkiisa iyo dadkiisa.
Hadaba si aad arintaa uga midho dhalisaan waxaa loo baahanyahay in
aad leedihiin dareenkii iyo doonistii bulsho, waxaa loo baahanyahay
in qof kastaa dalka uu jooga barto wixii aqoon ah ee u sahlaya in uu
naftiisa iyo dalkiisaba wax ugu qabto, sidoo kale waxaa loo
baahanyahay in qofku uu fahmo, derso dhexgal (integration) uu ku
sameeyo dalka iyo bulshada uu la noolyahay, waayo hadii aydaan
baranin/fahmin dalka/bulshada aad ku nooshahay dee waxba anakana noo
tarimaysid adiguna waxba taransan maysid. Macnuhu maaha in aad
diintiina iyo dhaqan kiina ka tagtaan ama aad gaalowdaan ee waa
dadka aad la joogto baro si aad wax uga dheeftid ama dhibtooda uga
badbaadid.
Ugu danbayn dalkii horumar balaadhan ayaa ka socda oo dawlada iyo
dadwaynuhuba ay wadaan oo ay ugu horeeyaan wadooyinku markaa qof
kastaa waxaa daruuri ah in ka qayb qaato waddada Ceerigaabo ayaa ugu
muhiimsan balse waddadii aad soo gaadho ama kuugu fududaata ka qayb
qaado dalkuna waa isku mid, wixii illaah hortii aad u baxsataana waa
isku mid.
Ugu dambayn waxaan idin leeyahay; Dalkaagana ha gabbin khayrkana ha
ka Gaabin.
WAR-MURTIYEEDKA II 19 JANAAYO, 2014
Qoraalka geeddi-socodka wadahadallada siyaasadeedee u dhexeeya
Dowladda Somaliland iyo Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ee ku
saabsan xiriirkamustaqbalkooda.
Iyadoo latixraacayo qaab-dhismeedka heshiisyadiihorey loogu gaadhay
Chevening House, Dubai, Ankara iyo IstanbuI I, ergada Dowladda
FederaalkaSoomaaliya iyo ergada Dowladda Soomaalilandwaxay ku
kulmeen Istanbul 16-19 Janaayo, 2014,iyagoo taaggero ka helayey
Dowladda Turkiga.
I. HANNAANKA GEEDDI SOCODKA WADAHADALADA
Qaab-hawleedka Guud
1. ?Kani waa geeddi-socod wadahadal oo udhexeeya Dawlada Somaliland
iyo DawladaFederaalka ee Soomaaliya si ay heshiis ugagaadhaan
xidhiidhkooda mustaqbal.
2. ?Waxaa dhinacyada ka go’an in ay ku siiwadaan wadahadalladooda
jawi niyad wanaagiyo is xurmeyn.
3. ?Wadahadalka waxaa xudun u ah sidii looxalin lahaa arrinta
xidhiidhka mustaqbalka eelabada dhinac
4. ?Labada dhinac waxay isla go’aansadeen in sinabadgalyo ah ay ku
xaliyaan dhamaandhibaatooyinka iyo is-afgaranwaaga u dhaxeynkara
wadahadalka.
5.Labada dhinac waxay ku heshiiyeen inaydhowraan go’aammada Hab
Dhaqanka iyoMabaadii’da Bayaanka.
6. ?Dhinacyadu waxay ku heshiiyeen in ay ugashaqeeyaan si dadaal iyo
is aaminaad lehxaqiijiinta hirgelinta heshiisyada la gaadho
7. Dhinacyadu waxay aqoonsanyihiin kaalintamuhiimka ah ee ay
dowladda Turkigu kaqaadanayso socodsiinta wadahadallada.
II. Ajendaha iyo Nuxurka Wadahadalada
1. Bartilmaameedka ajenduhu wuxuunoqondoonaa qaabka xidhiidhka
mustaqbal eelabada dhinac.
2. ?Waxay dhinacyadu ku heshiiyeen in ay kawada hadlaan arrimaha
kale ee muhiimka iyolagama maarmaanka u ah labada dhinacbamarkii loo
baahdo.
3. Waxay dhinacyadu ku heshiiyeen in ajendahaay diyaariyaan kulan
walba wadahadalada kahor.
4. ?Waxay dhinacyadu dib u eegi doonaan heerkahirgelinta arrimihii
horay looga wada hadlayama lagu heshiiyay.
5. ?Waxay dhinacyadu ku heshiiyeen in ay isasiiyaaan warbixinta
horumarka laga gaadhayhirgalinta heshiisyadii hore marka
uubilaabmayao kulan walba oo wadahadal ah.
III. Go’aan Gaadhista Wada hadalada
1. Dhinacyada waxay ku gaadhayaan go’aanadaisla ogolaansho dhex
marta dhinacayda Wadaxaajoodka.
2. Dhinacyada wadaxaajoodka waxaa hagayatalooyinka iyo go’aanada ay
ka helaanMadaxdooda.
3. Meeshii looga baahdo talo dheeraad ah iyogacansiin farsamo,
dhinacyada waxay si wadajirah ugu gudbinaayaan go’aanadooda arintaas
laxidhiidh gogol fidiyaha wadaxaajoodka.
4. Waxay labada dhinac ee wadaxaajoonaya iyocidii kale ee la
xidhiidhta, waxay kulan ugayeedhi karaan madaxda sare, hadii loo
baahdoama ay timaado arin laysku mari waayo.
5. Waxaa la sameyn doonaa xoghayn wadajir ahoo xaruntooda tahay
Dalka Turkiga, shaqadoodawaxay noqon doontaa sida soo socota:
?A) Xaqiijinta in wadahadalada si habsami ah looagaasimo.
?B) Diyaarinta taakuleynta, maamulka iyokeydka diiwaan howleedka si
ay u taageeraangeedi socodka.
?C) Taageerida hirgalinta, go’aamada geedi-socodka ee ay gaadheen
dhinacyada wadaxaajoodka.
IV. Taxanaha Wada hadalada la Tixgelinayo
1. Waxay dhinacyadu isku waafaqayaanqaabdhismeedka geeddisocodka
wadahadallada,bayaanka mabaadii’da, Xeer-nidaamiye,sameynta xoghayn
saldhigeedu yahay DalkaTurkiga, fududeynta doorka dowladahacaalamka
ee laysla garto, iyo waxyaabo cayimanoo laysla kaashan karo markii
loo baahdo.
2. Qaabdhismeedka geeddisocodku wuxuudiyaarinayaa jadwal rasmi ah oo
ay ku kulmaandhinacyada wadaxaajoodka oo ah 90 maalmood.
3. Hoggaanka labada qaybood eewadaxaajoodka ayaa wada xidhiidhi
doona amaku qabsan doona kulamo muddo lix toddobaadgudahooda si
dabagal loogu sameeyo howlahaiyo in la dajiyo ajendaha laga
wadahadlaayo.
4. Inta u dhexeysa wadahadallada iyo wareeggaxiga, waxay dhinacyadu
isku waafaqayaan qaab-howleed bilow ah, doorka iyo inta ay
kakoobantahay fududeynta caalamiga ah eegeeddisocodka.
5. ?Ka hor, wareeg -walba oo wadaxaajood ah,waxay dhinacyadu
diyaarinayaan si hordhac ahbayaan qabyo-qoraal ah natiijada laga
filayo.
V. Ka Qaybgalka Wada hadalada
1. Wadahadalladu waxay u dhexeeyaanDowladda Somaliland iyo Dowladda
FederaalkaSoomaaliya, oo ay matalayaan kooxahoodawadaxaajoodka ay u
xil saarteen
2. Iyagoo ka mahad naqaya kaalintaudubdhexaadka ah ee uu Turkigu ka
qaatayfududaynta wareegyadii hore ee wadahadalka,oo aqoonsanaya
taageerada laga helaysaaxiibada caalamiga ah, waxay
Dhinacyadugo’aansan doonaan heerka taageerada ladoonayo in la sii
wado ee ay u baahan yihiin sihoray loogu wado geeddisocodka.
3. Waxay dhinacyadu ka raadin karaan siwadajir ah taageero Khabiiro
farsamo, hay’adodhexdhexaad ah oo aan eex lahayn si ay usameeyaan
talo bixin arrimaha sharciga.
VI. Hirgelinta G’aamada Wada hadalada
1. Labada dhinaca waxay ku heshiiyeen indhinacyada wadaxaajoodka ay
yihiinmasuuliyadda ay tooska u khuseyso fulinta waxakasta oo
is-afgarad ah oo la gaadho.
2. Ka qeybgalka geedi socodka fulinta arimahalagu heshiiyay waxay ku
koobnaaneysaadhinacyada wadahadaladu u socdaan.
3. Dhinacyadu waxay qaadanayaan go’aano laguhubinaayo inay ku
fuliyaan waxkasta laguheshiiyo waqti ku haboon gudihiisa si
midhadhal ah.
4. ?Si loo xaqiijiyo fulin buuxda ee heshiisyada, dhinacyada waxay
ka wada shaqeynayaanqorsho hirgalineed, oo ay kamid
yihiinbartilmaameedyo iyo kor eegid laysla garto ee laxidhiidha
heshiisyada la gaadhay. Horumarka laga gaadho qorshayaashaan waxaa
isha kuhaynaaya Dowladda Turkiga.
Xeer-nidaamiyaha Wada hadalada
Waxay dhinacyadu ku heshiiyeen
1. ?In shirarka lagu furo aayado Qur’aankakariimka ah.
2. In laga fogaado hadallada iyo dhaqankaxumaanta hurinaya kuwaas oo
carqaladeynayahorumarka wadahadalka, lagana fogaado in lasameeyo
hadallo baahsan oo wax u dhimaya amaxagaldaacinaya qasadka
wadaxaajoodka.
3. ?Ka hor inta aan shirka la qabanin in siwadajir ah loo baahiyo
hadalada ku saabsanwadaxaajoodka .
4. ?In la diyaariyo ajendaha ka hor kulan kasta, layslana qaato
ajendaha inta aan wadahadalkubilaabmin.
5. In lagu qabto wadahadallada jawi is tixgeliniyo isfaham ah.
6. ?In la xurmeeyo lana dhowro sirta geedi-socodka iyo
xog-isdhaafsiga labada dhinac,iyadoo doodaha wada hadalada ay tahay
in ay udhowraan labada dhinac sirtooda sida ugu adag,dhammaan ka
qaybgalayaasha iyo saaxiibkamartigelinaya.
Bayaanka Mabaadii’da
Waxay labada dhinacba ku heshiiyeen mabaadii’dasoo socota:
1. Waxay Dhinacyadu raadin doonaanwadahadal lagu gaadho natiijo la
iskuwaafaqsanyahay waxayna ansixiyeenwaxyaabihii ku jiray
heshiisyadii hore kuwaas oodan ah labada dhinacba.
2. ?Waxay dhinacyadu galayaan wadahadaliyagoo ay si adag uga go’an
tahay in ay xalliyaanarimahooda una helaan natiijo ay wada
aqbalikaraan.
3. ?Waxay dhinacyadu ku heshiiyeen in ayraacaan XEER-nidaamiyha iyo
heshiisyada kale ay gaadheen.
4. Waxay dhinacyadu si buuxda u fududayndoonaan oo ay wadajir u
qeexi doonaan meelo ayiska kaashan karaan oo xaqiijinaya
baahidarasmiga ah ee labada dhinac
5. ?Waxay dhinacyadu samaynayaan go’aan dhabah in la xalliyo farqiga
iyadoo loo marayohannaan nabadgelyo iyo wadahadal oo keliya.
6. ?Labada dhinac oo ay la socdaan DowladaTurkiga waxay ku
heshiiyeen in beeshaCaalamaka la siiyo warbixin joogta ah,
7. Iyadoo la tixraacaayo war murtiyeedkiiIstanbul I ee 7-9 Luulyo
2013, ayaa labadadhinac isku raaceen in la sameeyo guddigaMasuul ka
noqonaysa dhqdhaqaaqa hawadamuddo 45 casho gudaheeda,
8. ?Sidoo kale labada dhinac waxay isku afgarteenin la sameeyo guddi
farsamo oo ku meel gaadhah oo ka kooban 4 xubnood oo min labo
xubnooddhinac kasta, Guddigan farsamo wuxuudiyaarinayaa habka
shaqada (TOR) ee guddiga,wuxuu hoos tegayaaa wasiiradda
arimahanukhuseysaan
9. Waxaa dareemeynaa xanuunkii dadkaSoomaaliyeed uu u geystay
maamulkii Militarigaee Soomaaliya intii ka horeysay 1991.
Waxaanucanbaareyneynaa dhamaan Cadaawadii loolaayey (atrocities) uu
u geystay maamulkaasdadka Soomaaliyeed, gaar ahaana shacabka kunool
Somaliland.
Timacade News Desk
Hargeysa,Somaliland
|