Wasiirka Madaxtooyadda Somaliland ,Xirsi Cali Xaaji Xasa n,oo ka mid ah weftiga Somaliland uga qayb gaalaya wada hadalada Somaliland iyo Somaliya,oo ka hadlay shirka Turkiga uga furmay Somaliland iyo Somaliya


 


Istanbul (TNN):- Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyadda Somaliland, Xirsi Cali Xaaji, Xasan oo ka mid ah weftiga Somaliland uga qayb gaalaya wada hadalada Somaliland iyo Somaliya uga socda Dalka Turkiga ,ayaa sheegay in ay beesha Caalamka iyo Dawladda Somaliyaba gaadhsiinayaan mawqifka Madax banaanida Somaliland.

Wasiirka Madaxtooyada, ayaa  bartiisa mareegta ku baahiyey qoddobada  ay shirka la tageen, ayaa ku bilaabay hadalkiisa:-

Waxaa si toos ah u furmay wada hadaladii aan la lahayn dawlada aan jaarka nahay ee Soomaliya, waxaan fadhinaa madal marag iyo markhaati leh, waxaa kulankan marti galinaysa dawlada Turkey-ga, balse caalamka oo dhan ayaa codkeena maqlaya.

Waxaan fadhinaa Geed aan uugu gar- naqsanayno beesha caalamka iyo dawlada Soomaliya-ba, waxaan miiska saarnay wixii naloo igmaday oo ah gaadhsiinta codka shacabkayaga meel dheer.

Maalmaha soo socda waxaa lasoo saari doona qodobada xayn daabka u noqon doona wada hadalkan “Ajenda”-yaashi kulankan,

Waxaan qalbiga ku haynaa yoolka kulamadan oo ah in aan beesha caalamka iyo Soomaliya-ba ku qancino in codka aan ku hadlayno yahay mid ku qotoma afti shacab iyo rabitaan umaddeed.

Waxaan Rajaynaya in Caalamku ku Qanco in Somaliland tahay Qaran Qiraal u Baahan.