Wasiirka Madaxtooyadda oo Booqday Jidka isku xidha Hargeysa Iyo
Berbera
Hargaysa (TNN): Wasiirka wasaaradda madaxtooyadda
Somaliland Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan ay aa shalay kormeer
indho-indhayn ah ku tegay jidka u dhexeeya Hargaysa iyo Berbera oo
ay ka socoto hawl dib u dhis ah, taasi oo wejigiii u danbeeyay uu
marayo duleedka Hargaysa ee Halee ya.
Kormeerka wasiirka ayaa la xidhiidhay sidii loo dardar gelin lahaa
hawsha dib u dhiska ah ee ku socda wadadaasi,wasiirka oo hadal ka
jeediyay kormeerkaasi uu halkaasi ku tegay ayaa ka war may halkii ay
ka bilaabeen dib u dhiska wadadaasi iyo halka ay haatan marayso,
waxaanu shee gay in ay haatan marayso duleedka bari ee Hargaysa gaar
ahaana Haleeya ilaa Lafo-ruug.
Waxaanu tilmaamay wasiir Xirsi in qaybta kale ee jidka isku xidha
Hargaysa iyo Berbera ay haw sha dib u dhiska ah ku guddo jirto
shirkadda dhismaha ee Amal, waxaanu yidhi “Hawsha wadada isku xidha
Berbera iyo Hargaysa si fiican ayay u socotaa, aad iyo aad ayaanan
ugu faraxsanaha y in illaahay nagu guuleeyay, waxaana muuqata in ay
si qurux badan noogu gabagaboobayso, inta inoo hadhay ee xagga
Berberana waan dhamaystirnaa haddii alle yidhaahdo”.
Waxa kale oo uu tilmaamay wasiirku in wadooyinku ay yihiin waxa
keliya ee isku xidha gobolada iyo degmooyinka dalka Somaliland, isla
markaana aanu dalku lahayn wadooyin Tareen ama diyaa rado gobolada u
kala goosha, sidaas darteena ay muhiim tahay in la dhiso lana
daryeelo wadooy inka.“Dalkeenu sida aan la wada socono waxa keliya ee
isku xidhaa waa wadooyinka marka aynu ka hadlayno Laamiyadda, ma
lihin wadooyin Tareen ama diyaarado isku xidha goboladda dalka
liidkaa yare e Laamida ah ayaa isku keen xidha, markaa in aynu
liidkaasi ilaalino waa muhiim, in aynu kuwo cusub samaynaana waa
muhiim” ayuu yidhi wasiirka madaxtooyadu.
Sidoo kale waxa uu sheegay wasiir Xirsi in qorshaha xukuumadda uu
hogaamiyo madaxwayne Siilaanyo ay tahay in la hirgeliyo kaabeyaasha
dalka gaar ahaana wadooyinka, waxaanu yidhi “Qorshaha xukuumadda uu
gadh wadeenka ka yahay madaxwayne Axmed Maxamed Maxamuud (siilaanyo)
waxa weeyi in kaabeyaasha dalka la horumariyo haddii ay wadooyinka
tahay iyo haddii ay dhinacyadda kale tahayba, waxa uu qorshuhu yahay
in la hirgeliyo wadooyinka dalka, markaa waxaanu doonaynaa in aanu
wadooyinka isku xidha dalka dhamaystirno”.
wasiirka madaxtooyada ayaa si balaadhan uga waaramay qorsheyaasha
mustaqbalka fog ee xu kuumada ee ku saabsan sidii wadooyin Laami ah
looga hirgelin lahaa guud ahaanba degmooyinka dalka, waxaanu sheegay
in ay dhawaan soo saarayaan qorshe wadooyin Laami ah lagaga
hirg elinayo degmooyinka dalka ama goboladda cusub ee aan weli la
ansixin, waxaanu yidhi “Marka laga hadlayo degmooyinka dalka waxaanu
dhawaan soo saari doonaa qorshaha isku xidhka wad ooyinka dalka kaasi
oo ah sidii ay degmooyinka dalku isugu xidhmi lahaayeen”.
Waxa kale oo uu sheegay Xirsi Cali Xaaji Xasan “qorshahayaga dhaw
waxa uu yahay in marka la dhameeyo wadadan in dawladda dhexe iyo
dawladaha hoose oo is kaashanaya in caasimadda H argaysa la geliyo
wadadan, ka dibna la sameeyo wadooyin Laami ah, insha alah dhawaana
waa nu bilaabaynaa, waxaanan rejaynaynaa in ay bulshaduna ka qayb
qaadan doonto”.
Cumar Maxamed Faarax
Hargeysa,Somaliland
|