Wasiirka Macdanta Oo Sheegay In Sharcigii iyo Siyaasaddii Lagu Maamuli Lahaa Macdanta uu hor yaalo

Hargeysa (Longlivesomaliland News)-Wasiirka Wasaarada Macdanta iyo Biyaha Somaliland Md. Qaasim Sh. Yuusuf Ibraahim, ayaa tafaasiil ka bixiyay waxqabadka Wasaaradaasi ee ku wajahan adeega ay bulshada u hayso.
Wasiirka Macdanta, oo u waramayay Saxaafada wuxuu sheegay in mudadii uu xafiiskan joogay wasaaradu wax badan ka qabatay daraasado badan oo la xidhiidha diyaarinta macluumaadka khayraadka dalka, waxaanu yidhi “Waaxda shiidaalka oo ka mid ahayd waaxaha ugu muhiimsan wasaaradda oo nay waxsoosaarto la rabay wax aan hore dalka looga qaban ayaa wax looga qabtay.

Waaxdaasi waxay awooda saartay inay raadiso macluumaadkii hore iyo waxyaabihii laga qoray, laakiin raadad badan ayay ku dul joogtaa  shirka dihiih hore uga shaqayn jiray.”

Wasiirku wuxuu sheegay in wasaaradda macdantu ay ku guulaysatay   sah min badda iyo berigaba iskugu jiray oo lagu sameeyay khayraadka  Soma liland, waxaanu yidhi “Muddo 45 cisho ah ayay xeebteena Saylac ilaa  Laasq o ray ku jireen saddex markab oo ururinayay macluumaadka khayraadka debiiciga ah ee Somaliland, macluumaadkaasi oo dalkani leeyahay waa mid xilligan diyaar ah oo la adeegsan karo, waana hawlo aan hore u soo marin dalka, oo dad badani yidhaahdeen ma dhabaa? Sababaha arrimahaasi dib u dhiga waa ictiraaf la’aanta.”

“Mashruuca labaad wuxuu ahaa diyaarad beriga ka sawiraysay kharaadka bariga ee dakeena macluumaadkii sahminta khayraadka dalku waa raadrac fiican oo laga duuli karo mustaqbalka,” ayuu yidhi Md. Qaasim Sh. Yuusuf.
Wasiirka macdant aiyo biyuhu waxa kale oo uu sheegay in xeerkii biyuhu muddo dheer horyaallo golaha wakiilada isla markaana sharcigaasi baahi weyn loo qabo.

“Sharcigu biyaha iyo siyaasadii qaran ee biyuhu waxay hortaalaa golaha wakiilada shaqo badani uma xanibna laakiin waxa u xaniban hayadihii caalamiga ahaa ee wasaradda ka gacan siin lahaa dhinaca biyaha,” ayuu yidhi wasiirka macdantu.

Md. Qaasim Sh. Yuusuf wuxuu sheegay ceelasha biyaha laga cabo ee ku yaalla gobollada dalka, ay gacanta ku hayaan dad rayid ahi, waxaanu carabaabay in gobolka Hargeysa ay ku yaalaan 11 ceel, gobolka Awdal 8 ceel, Saaxil 9 ceel, Togdheer 5 ceel, SAnaag 7 ceel, halka gobolka Soolna ay ku yaalaan 7 cee.

Wasiirku wuxuu tilmaamay in wasaaradiisu ay horumar ka samaysay  dhina ca balaadhinta dhismayaasha kor u qaadida agabka shaqada.
 

 


Source:Sn