Wasiirka
Macdanta Iyo Tamarta Somaliland Oo Khudbad ka jeediyay Shirka
Melbourne
Melbourne, Australia (TNN): – Waxa weli si habsami leh u socda
shirweynihi caalamiga ahaa ee loo yaqaaney AfricaDownUnder
Conference, ee ka socda magaalada Perth ee galbeedka dalweynaha
Australia. Hadaba waxa maanta shirkaas qudbad dheer oo dhaxal gal ah
isla markaasna taariikhi ah ka jeediyey wasiirka macdanta iyo
khayraadka ee Jamhuuriyada Somaliland. mudane Xuseen Cabdi Ducaale.
The right honorable Hussein Abdi Duale, The Minister of Energy and
Minerals of the Republic of Somaliland.
Wasiirku uu qudbadaas ka hor jeediyey in ka badan 2500 oo ergooyin
ah ama loo yaqaano Delegates oo ka soo qayb galayaal ah. Waxa kale
oo goobta ku sugnaa 45 Wasiir oo ka soo jeeda qaarada Africa oo ay
ugu horeyso amaba ay hogaaminaysay wasiirada macdanta iyo khayraadka
ee dalka Koonfur Africa. marwo Susan Shabangu…The Hon. Minister for
Mineral Resources. Republic of South Africa. Hadaba wasiirka ayaa
kulan dheer la qaatay wasiirkan jamhuuriyada koonfur Africa oo ay ka
wada hadleen arimo badan oo quseeya dhanka macdanta Waxa kale oo ay
isla soo qaadeen shirweynaha caalamiga ah ee lagaga hadlaayo
macdanta iyo khayraadka ee ka qabsoomi doona wadanka koonfur Africa
shirweynahaas oo loo yaqaano. INDABA Mining Exploration Conference.
South Africa. Shirkaas oo ah mid wasiirka lagu soo casuumay isla
markaasna uu qudbad ka jeedin doono
Waxa dhanka kale maanta wasiirka macdanta iyo khayraadka ee
Somaliland mudane Xuseen Cabdi Ducaale waraysi la yeeshay
telefeeshin laga leeyahay dalkan Ustareeliya (Australia) oo loo
yaqaano SKY TV oo si toos ah ugu tebinaayey dhamaan dalkan Australia
oo idil. Waxa hadaba waraysigaas oo dhamays tiran iyo qudbadii
wasiirka ee maanta uu goobta ka jeediyeyba aad dhawaan ka daalacan
doontaan Shabakada wararka ee caalamiga ah ee Hadhwanaagnews.com iyo
dabcan telefeeshinada caalamiga ah ee kala ah sida HCTV Australia
iyo telefeeshinka qaranka ee SLNTV. Waxa hadaba qudbadaas wasiirka
ka dib wasiir Xuseen Cabdi Ducaale uu kulamo gaar gaar ah la yeeshay
shirkado laga leeyahay dalkan Australia oo danaynaaya in ay
Somaliland soo booqdaan intaanay ku dhiiran in ay heshiish la galaan
dawlada Somaliland.
Waxa dhanka kale wasiir Xussen Cabdi Ducaale uu kulamo gaar gaar ah
la qaatay madaxdii ka soo qayb gashay shirweynahan caalamiga ah ee
loo yaqaano AfricaDownUnder kuwaasoo kala ahaa wasiiro ka soo kala
jeeda qaarada Afrika sida wasiirka dalka Angola…H.E. Manuel
Francisco Queiroz. The Minister of Mining, Republic of Angola. Iyo
wasiiraka macdanta ee dalka Nigeeriya. H.E. Musa Mohammed Sada. The
Minister for Mines and Steel Development. Republic of Nigeria. Waxa
kale oo wasiirku uu kulan dheer la qaatay wasiirka macdanta iyo
khayraadka ee dalka Koongo (Congo) The Hon. Pierre Obe. Minister of
Mines and Geology. Republic of Congo.
Timacade News Desk
Melbourne, Australia
|