Wasiirka Maaliyadda Somaliland oo la kulmay Raysal Wasaaraha dalka Kiiniya
 

Nairobi, Kenya (TNN)- Wasiirka Wasaaradda Maaliyada JSL, Mudane, Xuseen Cali Ducaale, ayaa shalay kulan qaatay saacad iyo badh la yeeshay Raysal Wasaaraha dalka Kenya, Mudane, Ra ila  Odin ga, kulankaasi oo shalay ka dhacay Xafiiska Raysal Wasaaraha.

Kulankan Wasiirka iyo Raysal Wasaaraha , ayaa waxa lagaga wada hadlay Xidhiidhka Labada  d al iyo iskaashiga dhinacyada, dhaqaalaha, Nabad gelyada iyo Siyaasada, waxana Wasiirku si  qo to dheer ugaga waramay Raysal Wasaaraha Kenya iyo Marxaladihii kala gedisanaa ee ay soo martay Somaliland iyo doorashooyinkii qabsoomay iyo doorashooyinka la sugayo in ay dalka ka dhacaan.



Raysal Wasaare Raila Ondinga , waxa uu si aad iyo aad ah ugu hambaleeyay Dalka Somaliland guulaha ay gaadheen, iyada oo aan cidna caawinin, isla markaasina, waxa uu ku booriyay in ay sii laban laabaan waxqabsigooda iyo horumarka ay sameeyeen, iyagoona aanay caawimo ka helin bulshada caalamka.

Toddobaadkan gudihiisa, ayuu Wasiirka Maaliyada, Mudane Cawil uu la kulmay Wasiirka Arrim aha Dibadda Kenya.


Source:sn