Wasiirka Maaliyadda oo Xilkii ka Qaaday Isu Duwihii Wasaaradda Maaliyadda Gobolka Saaxil

 

Hargeysa (TNN)-Wasiirka Maaliyadda Somaliland Eng. Maxamed Xaashi Cilmi, ayaa xilkii ka qaaday Isu-diwihii Wasaaradda Maaliyadda ee Gobolka Saaxil, islamarkaana ahaa  Maamul ihii cashuuraha Beriga laanta Berbera Cabdiraxmaan Jibriil Cabsiiye.

Wasiirka Maaliyada, ayaa wareegto uu soo saaray waxa uu xilkii kaga qaaday  masuulkaa s, isagoo u magacaabay Maxamed Ismaaciil Maxamed (Kaladiid) oo ka mid ahaa  masuulliy iinta cashuuraha Beriga ee Hargeysa, islamarkaana xilka hadda loo magacaabay hayn  jir ey 1997kii oo uu haystay Cashuuraha Beriga Berbera.

Labada masuul waxay maalinta berito ah xilka kula kala wareegi doonaan Xafiiska  Cashu uraha Beriga Berbera, iyadoo la filayo inay ka soo qaybgeli doonaan maamulka Berbera i yo masuulliyiin ka socota wasaaradda maaliyadda.

Wasiirka Maaliyadda Somaliland Maxamed Xaashi Cilmi, ayaa tan iyo wixii ka danbaysay  m arkii xilka wasiirnimmo loo magacaabay qaadat tallaabooyin hor leh oo uu xilal cusub ugu magacaabay goobaha dakhliga dawladdu ka soo baxo, gaar ahaan Berbera iyo Kala-bay dh.
 

Source:Togdheer