Wasiirka Maaliyada Somaliland Oo Soo Qaban-qaabiyey Kulan Afur Iyo Casho Iskugu Jira Oo Ay Isku Xog Waraysanayeen Qurbajooga Gobolka Gabiley Iyo Masuuliyiinta Dawlada Dhexe Kaga Jirta Gobolkaasi.
 


Munaasibadan Oo ka Qabsoontay Hottel Maan-soor ee Magaalada Hargeysa Ayaa waxa kasoo Qayb Galay .... Daawo Sawirrada


Hargeysa (TNN):- Wasiirka Wasaarada Maaliyada soomaaliland C/casiis Maxamed samaale ay aa Caawa Munaasibad Afur Iyo Casho Iskugu Jirta Iskusoo Hor Fadhiisiyey Masuuliyiinta Dawla da Dhexe Kaga Jirta Gobolka Gabiley Iyo Qurbajoogta Gobolkaasi.

Munaasibadan Oo ka Qabsoontay Hottel Maan-soor ee Magaalada Hargeysa Ayaa waxa kasoo Qayb Galay Wasiirka Wasaarada maaliyada Somaliland C/casiis Maxamed Samaale, Wasiirka Wa saarada Warshada Abiib Diiriye Nuur, Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland Axmed Saleebaan Dhuxul, Agaasimaha Guud Ee Wasaarada Cadaalada Abiib Axmed Cali, Xildhibaan C/laahi Xusee n Cige (Black), Xildhibaan Ibraahim Axmed Haybe, Xildhibaan xasan Cawaale Caynaan, Maaye rka Degmeda Gabiley Shucayb Maxamed Muuse, Xubno Kamida Dhalinyarada Gobolka gabiley Iyo Xubno Tiro Badan Oo Kamida Qurbajooga Gobolka Gabiley.

Ugu Horaynba Waxaa Munaasibadaasi Hadal Kooban Kasoo Jeediyey Afhayeenka Madaxtooyad a Somaliland Axmed Saleebaan Dhuxul, Isaga Oo Mahadnaq Balaadhan usoo jeediyey Xubnaha Ururka Samafalka All-khayriya Ee Ay ku Bohoobeen Haweenka Qurbajooga Ah ee Gobolka Gabil ey Isaga Oo ku Amaanay Waxqabadka Balaadhan ee Ay Ka Fuliyeen Gudaha Magaalada Gabiley.

Sidoo Kale Waxaa Iyaguna Madashaasi Hadalo kasoo Jeediyey Wasiirka Wasaarada Warshadah a Somaliland Abiib Diiriye Nuur, Xildhibaan C/laahi Xuseen Cige (Black), Xildhibaan Ibraahim Axm ed Haybe, Xildhibaan Xasan Cawaale Caynaan, Maayerka degmeda Gabiley Shucayb Maxa med Muuse, Mustafe Maxamed Khayre Oo Ku Hadlayey Afka Dhalinyarada Gobolka, Wariye Maxam uud Cabdi Ducaale Oo Ka mida Qurbe Joogta Gobolka Gabiley Iyo Agaasimaha Guud Ee Wasaara da cadaalada, Iyaga Oo Dhamaantood Mahadnaq balaadhan Usoo Jeediyey Haweenka Qurbe Joogta Ah Ee Kasoo Jeeda Gobolka Gabiley Oo Iyagu Sanadihii Ugu Dambeeyey Waxqabadyo La Taaban Karo ka fuliyey Gudaha magaalada gabiley Sidoo Kalena Kula Dardaarmay Inay dadaal ka Ay Wadaan Sii Xoojiyaan.

Geba-gebadii Munaasibadaasi waxa Soo Afmeeray Wasiirka wasaarada Maaliyada Somaliland C/casiisi Maxamed Samaale isaga Oo Mahadnaq Balaadhan usoo Jeediyey Dhamaan Xubnaha kala duwan Ee Munaasibada kasoo Qayb galay, Waxaanu Wasiirku ka Dhawaajiyey Inuu Hiil Iyo Hooba La Barbar Taaganyahay Cid kasta Oo Ka Shaqaynaysa Horumarinta Gobolka Gabiley.


Guuleed Yare
Timacade News Reporter
Hargeysa ,Somaliland