Wasiirka Maaliyada Somaliland Oo Deeq Gadhsisay Dadka ka soo bara kacay Gobolada Bariga ee ku sugan Tog-Wajaale

 


Hargeysa (TNN) :-Wasiirka wasaarada maaliyada somaliland Marwo Samsam Cabdi Aadan ayaa deeq baco ah ku wareejisay guddida abaaraha dagmada wajaale.Wasiirka maaliyada ayaa booq atay dadka ka soo barakacay abaaraha ka dhacay gobolada bariga ee ku sugan wajaale.

Wasiirka maaliyada somaliland marwo ZamZam Cabdi Aadan oo ka hadashay deeqda ay soo gaa dhsiisay dadka abaaraha ka soo barakcay ayaa waxa hadaladeedii ka mid ahaa “"Waxan halkan uga mahadnaqayaa Ardo Cali Nuur oo ka mid ah hablaha qurba jooga ah ee Hargeysa u dhasha y ee ku sugan wadanka Ingiriiska, waa markii labaad ee ay wax u soo diraan dadka soo bar kac ay ama reer guuraagaah, waxay na soo gaadhsiiyeen lacag dhan $2000 (laba kun oo doolar),

Waxaanu halkan baco ugu qaybinaynaa kun iyo konton qoys , waxan kale oo an halkan aad uga amaanayaa gudidda takulaynta abaaraha wajaale oo ah ganacsato shaqaysanaayey isuna xil qaamay hawsha qarank waxna kama qataan wax ay ku daraan mooyee, maanta markaanu nid hi shankun baanu haynaa laba kun oo habluhu bixiyeen iyo sadex kun oo wasarada maliyada ah iyaguna waxay ku dareen sadex kun ,Sideedaas kun baa halkaa lagu bixiyay oo maanta loogu s oo ibiyay baco kuwaas oo aanu ugu tala galnay inaanu soo gaadhsiino ina aanay dhibicda roob ku da’in, dadkana wixii la badbaadin karo in la bad baadiyo waa muhiim, xoolihiina way dhamaad een oo waxa inoo soo hadhay inta daaqaysa ilaa awdal oo barigii way ka dhamadaeen ilaahay na intaas haynoo badbaadiyo.

Waxaa kale oo halkaasi ka hadalay Gudoomiyaha Degmadda Wajaale Aaden Muuse Cilmi Oo Hal kaasi Ka Hadalay ayaa, siweyn ugu mahad celiyey wasiirka wasaarad maaliyad Marwo Samsam Cabdi Aaden,“ waxaan u mahad celinayaa marwo sam sam cabdi aaden oo aan marnab ka daal in wax u qashad dadka reer somaliland waxaan ilaahay uga baryayaa dedaalkaasi in uu miisaan ka xasanaadka kuugu daro

Waxaa isna halkaasi ka hadlay guddoomiyaha gudiga ganacsatad wajaale Yuusuf Cali oo sheeg ay inay deeqdaasi wax weyn ka tari doonto baahida dadkaasi ku soo baro kacay wajaale.

Dhinaca kale waxa isaguna halkaasi hadalo guubaabo, Dhiirigalin iyo Mahadnaq iskugu jira kasoo jeediyey Guddoomiye ku xigeenka dagmada Wajaale Md Mursal Nuux Cismaan, kaas oo u mahad celiyey wasiirada maaliyadda Marwo Samsam oo uu ku sifeeyey shaqsi qiimo badan ugu fadhida qaranka, kaas oo uu ku amaanay kaalinta ay mar walba ka qaadato gurmadka abaaraha iyo wax ka qabashada adeegyada arimaha bulshadda.