Wasiirka Maaliyada Somaliland, Cabdicasiis Maxamed Samaale, wuxuu shaqada igaga eryey maxaad Suldaanka Subeer Awal,Suldaan Xasan Suldaan Cabdilaahi Suldaan Cabdi raxmaan,ugu soo dhaweysay magaalada Tog-wjaale !

 

 

Tog-wajaale (TNN):-Mustafe Sheekh Abubakar Xuseen, oo ka mid ah shaqaalaha MCH ka Magaala Xud uudeeda Tog-Wajaale ,Mustafe Sheekh Abokor Xuseen,  ayaa Wasiirka Wasaarada Maaliyada Somalila nd Cabdicasiis Muxumed Samaale ku eedeeyay, in uu ka Eryay Shaqadiisii Wasaarada Caafimaadka tan iyo dhowrkii maalmood ee Xilka laga Qaadey Wasiirkii hore ee Wasaarada Caafimaadka, Xuseen Xoog, isagoo ku sababeeyay arimo la Xidhiidha aaraadiisa ku wajahan Shirka Sacad Muuse ee dhawaan la qa banayo iyo Soo dhaweynta Suldaanka Subeer Awal Suldaan Xasan Suldaan C/raxmaan.

Mustafe Sheekh Abokor Xuseen, oo ahaa Madaxa Sheybaadhka ee MCH ka Tog-Wajaale,ayaa Timacade News, soo gaadhsiiyay qoraal uu kaga hadlayo cabashadiisa ku wajahan eedeymo uu ku eedeynayo W asiirka Wssaarada Maaliyada Cabdicasiis , in uu ka dambeeyay in loo soo qoro Qoraal shaqada lagaga eryayo ayaa waxa uu u dhignaa nuxurka Qoraalkiisani:

"Waxaan halkan ka cadeynayaa in uu shaqadii Wasaarada Caafimaadka ee aan ka shaqeynayay iga er yay Wasiirka Waaarada Maaliyada Somaliland , Cabdicasiis Maxamed Samaale, oo igu qaniinay aragtida aan ka bixiyay ee aan rayigayga kaga hadley Shirka Beesha Sacad Muuse ee dhawaan qabsoomaya oo aan ka hadley in badan iyo waliba soo dhaweyntii Suldaanka Guud ee Beelaha Subeer Awal aanu ku soo dhaweynay Magaalada Tog-Wajaale, waxaanan cadeynayaa, in uu isagu ka dambeeyay ka dib markii a an soo taabtey todobaadkan Isbadelku ka dhacey Wasaarada in uu Wasiirku cagihiisa ugu tagey Was iir-Ku-xigeenka iyo Agaasimaha Guud, iyo Waliba hadaladii iga soo gaadhey ee uu igu war galiyay in uu talaabadaa iga qaadi doono, oo aanu Wasiirku qarsanin, oo aanu cadhadii hore iyo ta laabadan midna iga Qarin labadayada oo kali ahi isma ogin ee dad badan oo odyaal iyo wax garadba leh ayaa naga war hayay.

Waxaan leeyahey anuu, shaqadan Caafimaadka waxaan ugu adeegayay Bulshada laakiin ma aha mid aan daaro ka dhisanayo, oo aan lacag ka urursanayo, hadaad eri kasta ii soo qortana Mowqifkeygu is kuma badelayo iyo fikirkeygu oo ilaahay ima eryin, dadweynahana waxaan u sheegayaa nin inta uu jo ogayaa waa maalmo ee Wasiirka Shaqaalaha ku tacadiyayow ogsoonow inaad mareyso wadadii ragii kula midkaa ahaa mareen, Aniga iyo Wasiirka Maaliyadana war ayaa iisugu kaaya laaban"Ayuu qoraa lkiisa kusoo Gunaanadey.

Mar ay Timacade News, wax ka weydiisay cadeynta uu u hayo in Wasiirka Maaliyadu ka dambeeyay Sh aqada laga caydhiyay ee MCH ka Tog-Wajaale , waxa uu ku jawaabay in uu hayo dhamaanba Cadeymi hii uu ku cadeynayay in Wasiirku arintaasi ka dambeeyay isagoo xusey in ay hore u  wada hadleen.

Dhinaca kale noomay suurta galin inaanu Wasiirka Maaliyada wax ka weydiino eedeymahaa uu ujeediy ay Mustafe Sheekh Abokor Xuseen, oo ka mid ahaa hawl wadeenada MCH ka Tog-Wajaale.

 


Timacade News Desk
Tog-wajaale,Somaliland