Wasiirka Maaliyada oo Kormeerkiisii u horeeyey ku tagay Magaalada
Berbera.

Wasiirka oo tan iyo intii uu xilka la wareegay....................
Hargeysa (TNN)- Wasiirka Maaliyada Somaliland C/casiis Maxamed
Samaale oo dhawaan loo magacaabay xilka Wasaaradaasi ayaa maanta
kormeerkiisii u horeeyey ku tagay Magaalada kastanka Magaalada
Berbera, waxaanu wasiirku soo kormeeray Xafiisyada dakhliga cashuu
rta ah laga soo ururiyo.
Wasiirka oo tan iyo intii uu xilka la wareegay markii u horeeyey
kormeer ugu baxay meel ka baxsan Caasimada ayaa waxa uu sidoo soo
maray Dekada Magaalada Berbera, isaga oo ku lan la yeeshay
Masuuliyiinta Gobolkaasi oo ay ka mid yihiin Badhasaabka Gobolka
Saaxil, wa xaanay ka wada hadleen hawlaha kala duwan ee ay hayaan
iyo sidii loo sixi lahaa wixii khal dama, waxaanu Wasiirku sidoo
kale kulan la yeeshay Maayarka Magaalada Berbera.
Timacade News
|