Wasiirka Maaliyada Oo
Dalka Ku Soo Guryo Noqday Kana Hadlay Sidii Jabuuti Loogu Soo
Dhaweeyay

Hargeysa December 20th, 2010(TNN)- Wasiirka Wasaarada
Maaliyada Somaliland Md. Maxamed Xa ashi Cilmi ayaa maanta dalka dib
ugu soo laabtay ka dib markii uu muddo sadex todobaad ah lagu
d awaynayay cisbitaal milatari oo ku yaala wadanka Jabuuti.
Wasiirka maaliyadda oo maanta ka soo degay madaarka Hargeysa waxa
halkaasi ku soo dhaweeyay Wasiirrada Waxbarasharada, Duulista iyo
Hawada, Marwada Madaxweynaha, Shirgudoonka Golaha Wakiilada, Madaxa
Baratakoolka iyo Suldaan Xasan Suldaan C/Raxmaan.
Wasiirka Maaliyada oo ka hadlayay xaaladiisa caafimaad wuxuu yidhi
“Xaaladayda caafimaad aad iyo aad ayay u wanaagsan tahay waxaanan u
mahad celinayaa Wasiirka waxbarashada oo kaalin weyn ka qaadatay
qaadistaydii Jabuuti, Maxamed Aw- Siciid oo ii soo diray diyaarad
deg dega ah, Jaamac Maxamuud Xayd iyo masuuliyiinta dawlada Jabuuti
iyo cisbitaalkii la igu dawaynayay oo aan mahad weyn ka
sheeganayo.waxa kale oo aan ammaan u soo jeedinayaa Axmed Cismaan
Geelle iyo Jaamac Xayd.”
Wasiirku waxa kale oo uu sheegay inuu u mahad celinayo dadweynihii
reer Somaliland ee xanuunkii su dhibayay.
Wasiirka Maaliyaddu waxa sugaysa isku dubo ridka odoroska
miisaaniyad sanadeedka qaranka ee sanadka fooda inagu soo haya ee
2011-ka, waxaana shaqaalaha iyo ciidamada dawlada uga fadhi yaan
inuu mushaharka u kordhiyo 300%, arrintaasi oo uu balan qaaday
xisbiga KULMIYE xiligii uu olalaha doorashadii madaxtooyada lagu
jiray.
Source:Somaliland.org
|