Wasiirka Maaliyada Maxamed Xaashi Cilmi oo xaalad Caafimaad loogu
qaaday dalka Jabuuti
Hargeysa (TNN)- Eng: Maxamed Xaashi Cilmi Wasiirka Maaliyadda
Somaliland ayaa Caawa loo q aaday Cisbitaal ku yaala Dalka Jabuuti,
kadib markii uu muddo laba cisho ah Cisbitaalka Adna u jiifay xaalad
Caafimaad oo nasasho ah, hase yeeshee ilaa hada lama oga waxa
kalifay qaaditaa n kiisa.
Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha iyo Horumarinta Reer Miyiga
Dr: Axmed Xaashi Oday oo aan Telefoonka kula xidhiidhay isagoo u sii
jeeda dhinaca madaarka oo diyaarad khaas ah la ga saarayay Wasiirka
Maaliyada, ayaa noo sheegay in Xaalada wasiirku fiican tahay isla
marka ana loo qaadayo Jabuuti ” waanagaa imika qaadnay waxaanan ku
sii jeednaa dhinaca Madaar ka oo aanu ka saarayno Diyaarad ay
leedahay Shirkadda Daallo Airline oo geyn doonta Dalka Jabuuti si
loogu soo daweeyo.”ayuu yidhi Wasiirku.
Wasiirka Maaliyada Maxamed Xaashi
Cilmi .waxa si kadis ah loogu soo booday habeen hore, wa xaana
shalay la dhigay Cisbitaalka Adne Maternity Hospital halkaas oo lagu
Nasinayay, ilaa had ana Xukuumaddu wax War ah kamay soo saarin
Xaaladiisa Caafimaad, hase yeeshee mar aanu shalay ku booqanay
Cisbitaalka waxa naloo sheegay inuu Ladan yahay balse aan la booqan
kar in, taasoo ay Kal kaaliyayaasha Caafimaadku ku sheegeen xaalad
nasasho.
Eng: Maxamed Xaashi Cilmi, ayaa ah Wasiirka kaliya ee ugu miisaanka
roon Xukuumada Madax weyne Siilaanyo ee talada haysa mudada
Afarta bilood ah, tan iyo intii ay xilka la wareegtayna Hawsha ugu
culus ee hortaalaa waxay tahay sidii ay uga soo kaban lahayd dhinaca
Dhaqaalaha oo ay kula wareegeen Malaayiin Deymo ah, waxaanu Wasiirka
Maaliyadu Afartaa biloodba Gunt iga dhiisha iskaga dhigayay sidii uu
u Abuuri lahaa dhaqaale, taasoo loo aanaynayo culayska u gu badan ee
la soo deristay xaaladiisa Caafimaad inay tahay hawshaas
Source: Waaheen
|