WASIIRKA MAALIYADA C/SIIS SAMAALE OO CEEBO BADANI DUL HOGAN AYAAN, IYO KHIBRADA LAŽAANTA SIYAASDA OO DURBA MEEL XUN LA MAREYSA MAXAAD KALA SOCOTAA?
 


Ugu horeyn waxaan salaamayaa bahda saxaafada, guud ahaanba ,waxanan ku salaamayaa salaamta islaamka ee ah ŽAscwwŽ

Ka dib maanta waxaan dhageysanyey wasiirka maaliyada oo beeninanaya warbixn ay ka qortay saxa afada madax banan ee ka soo baxada somaliland. Hadaba mudo badan ayaa warbaahinta lagu tabina ayey musuq maasuqa Wasiirka hadheeyey iyo isgoo ay ku adkaatey maamulka Wasaarada Maaliyad a,  waayo waa ninka dhaqaale ka dooney in uu ka sameeyo, dadka intii ugu liidatey ,markuu garan wa ayey hab maamul oo kale oo dhaqaalaha loo kordhiyo waxa uu cashuur xad dhaaf ah ku soo rogey da dkii dan yarta ahaa ee iyagu u baahnaa in laftooda la maal galiyo,isgoo uga dan laha in uu ku qariyo in maamulka Wasaaradu ku dul dumo ,maadama aanu laheyn aqoontii iyo dadnimadii Wasiirkii ka hore eyey ee ŽEng. Maxamed Xaashi Clmi".

Hadaba miyaanu Wasiirku aheyn ninkii isgoo laba biloodba aan Wasiir aheyn iibsadey Guriga qiimahiisu dhamaa,75000$?.

Miyaanu aheyn ninkii Hantidii Wasaarada casuumadaha ku qabaneyey Huteel Mansoor ee lahaa waxa an la tartamayaa,Gudoomiye Muuse Bixi?

Wasiirku miyaanu aheyn ninkii garan waayey adigoo Xil umadeed haya, waliba Wasaaradii Maaliyada, in uu Hudheelo dhex fadhiisto?,isagoo garanwaayey siyaasadii uu Wasaarada ku dhaqi lahaa isla mar kaasina isagu is toogtey , ayaa hadana waxa uu ka cabanayaa Saxaafada ayaa wax iga qortey waa sheeko kow ah taasi oonan maqal.

Kaaga darane anigu ma ogi ninkan cida uu la tar tamaayo , waayo meeshaba kama muuqato cid hada diyaar u ah in ay isaga wax dhex maraan, balse sida uu wariyaasha u sheegey waxa uu leeyahey cid ayaa ka danbeysa dacaayado la iga fidiyey waana gaf hadalkaasi, iyo isku kalsooni laŽaan, waxaana hadalkiisa laga dheehanyey in uu u jeedey Gudoomiye Muuse Biixi ,waase nasiib maanta in aad adigu Muuse Biixi u goodido, malahase Siilaanyo ayaa halkaasi ku geeyey, beena kuu sheegay.

Wasiirku waxa kale oo uu sheegtey warar aaney jirin cida taŽqaana meesha uu wax ku bartey, ilaa skuul iyo jaamacad been ah oo uu yidhi xamar ayaan ka baxey? Somaliland waa la is wada yaqaanaa, ma jirto ilaa hada cid xitaa ay isku iskuul ahaayeen oo taqaana,in kasta oo uu lahaa burcaan ka bax ey.


Wasiirku waxa kale oo uu indho laŽaan ah u beeneyey ,in Sheekha caanka ah isaga dartii loo xidhey, walibana uu laaluushey Taliyaha Danbi baadhsita ee Saldhiga Hargeysa ,oo uu yidhi ii xidha wuu i caay ayey.


Waxaan ku soo gaba gabeynayaa, haduu odey Siilaanyo wax kuu sheegey , is hubso horta ninkaad tahey, mida kale waa ceeb in aad saxaafad la soo istaagto cid ayaan is heynaa waaŽ ayo? cida aad isheysaan adigaba Wasiira oo rag kuu xidhan yahiin adiga dartaa? , waxaad qarin karto maahan Hant ida aad sida foosha xun habeen iyo maalinba u lunsaneysaa adigoo rabo in aad Muuse Biixi ku dherar sato.
 

 

 

By:Tahir Hussein
Holland/brabant.
waayo_aragman@yahoo.com