Wasiirka loo magacaabay Wasaarada Warfaafinta oo maanta xilkii kala wareegay Wasiirkii hore ee Wasaaradaasi

 

Hargeysa August 16, 2010 (TNN)- Xaflad balaadhan oo ay xilka kula kala wareegayeen Wasiirkii cusub ee wasaarada Warfaafinta iyo Wasiirkii hore ee Wasaaradaasi ayaa  ma anta ka dhacday Xarunta Tv-ga Qaranka ee Magaalada Hargeysa.

Xafladan xilwareejinta oo ay ka soo qayb galeen Wasiirka Cusub ee Wasaaradaasi, Was iirkii hore iyo ku xigeenkiisa, Agaasimayaasha Tv-ga Qaranka iyo Radio Hargeysa, Shaq aalaha Wasaarada Warfaafinta, Suxufiyiin iyo marti sharaf kale.

Agaasimaha Idaacada Radio Hargeysa Maxamed Siciid Maxamed oo xilwareejintaasi ka hadlay ayaa ku dheeraaday duruufihii kala duwanaa ee ay soo martay Idaacadaasi  isa goo u soo jeediyay Wasiirka Cusub inay ka filayaan inuu horumar gaadhsiiyo  idaacadaa si isla markaana daryeela shaqaalaha ka hawlgala.

Wasiirkii hore ee wasaarada Warfaafinta Axmed Xaaji Daahir oo isaguna halkaasi ka  ha dlay ayaa ka sheekeeyay xaaladaha kala duwan ee ay soo martay wasaarada  Warfaa finta, Tv-ga Qaranka iyo Radio Hargeysa iyo waxyaabaha uu ka qabtay mudadii uu  joog ay wasaaradaasi, waxaana uu si gaar ah ugu dheeraaday duruufaha ku gadaaman  sha qaalaha ka hawlgala xaruntaasi isagoo ugu baaqay wasiirka Cusub inuu daryeelo  shaq aalahaasi isla markaana dhisa aqoontooda.

Wasiirka Cusub ee Wasaarada Warfaafinta C/laahi Jaamac Cismaan (Geeljire) ayaa ka dhawaajiyay in aanay wasaarada warfaafinta xisbi danbe u adeegi doonin, waxaana uu tilmaamay in saxaafadu ay noqon doonto bidixdiisa iyo midigtiisa isla markaana si dhex ugu shaqayn doono saxaafada madaxa banaan iyo ta dawliga ah, waxaana uu ugu  baa qay guud ahaan saxaafada Somaliland inay ka dheeraadaan waxyaabaha fidmada  dhali naya isla markaana dhaawacaya qaranimada dalkeena.


Source: Horn Cable TV