Wasiirka Khaarajiga Soomaaliya oo soo bandhigay magacyada siyaasiyiin SNM ah oo kula taliyay inuu xil u doonto dawladda Sheekh Shariif

 



Oslo 17, January 2011 (TNN)- Wasiirka Khaarajiga dawladda kumeel-gaadhka ah ee Soomaaliya Mr. Maxamed Cabdilaahi Oomaar, ayaa fashiliyay qorsheyaal lala maagan yahay Somaliland, kaasoo la hirgelin doono sannadkan cusub ee 2011.

Mr. Oomaar oo dhalasho aaan ka soo jeeda Somaliland, waxa uu markii ugu horaysay ka waramay qaabkii uu ugu biiray dawladda Sheekh Shariif oo la dhisay 2009 iyo siyaasiyiin Somaliland ku sugan oo ku dhiirigeliyay inuu xil ka qabto dawladda taagta daran ee kumeel-gaadhka ah ee Soomaaliya.

Wasiirka oo maalmihii u dambeeyay ku sugnaa dalka Norway, waxa uu kulan la yeeshay jaaliyadda Somaliland ee ku sugan magaalada Oslo ee caasimadda dalkaas, waxa uu ka hadlay sidii uu sannadkii 2009 ugu biiray siyaasadda oo aanu hore ugu jirin iyo jawaabtii uu ka bixiyay markii ugu horaysay ee lagu wargeliyay in xil loo magacaabayo.

Waxa uu sheegay in aakhirkii bishii January ee sannadkii 2009 oo uu ku sugnaa magaalada Hargeysa uu la soo xidhiidhay Raysal-wasaarihii hore ee TFG Mr. Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, ka dib m arkii uu maalmo ka hor Jabuuti oo uu socdaal ku soo maray kulan shan daqiiqadood ahi ku dhexmara y Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed oo xilligaas dawladda uu madaxda ka yahay lagu dhisay caasi madda Jabuuti, isla markaana uu Raysal-wasaare Sharmaarke u soo bandhigay sida uu u arko maga caabistiisa oo ay isla soo qaateen Sheekh Shariif. ”Waxan ugu jawaabay maba xumee, laakiinse Som aliland baan jooggaaye bal horta waa inaan iyada waydiiyaa, in aan iska soo dhaqaaqo oo idhaahdo waa ikan wax caqliga gala maaha’e,” ayuu yidhi Mr. Oomaar oo ka hadlayay jawaabta uu ka bixiyay dalabkaas, wuxuuna soo bandhigay magacyada siyaasiyiin SNM ka tirsanaa, waqtigana dalka ku sug an oo qorshahaa la ogaa, kuna dhiirigeliyay inuu xil u qabto dawladda Sheekh Shariif. “Odayaashii iyo Cuqaashii baan u tagay oo aan u bandhigay, saddex saacadood kadib waxay iigu soo jawaabeen ‘adeer haddii aad na weydiisay waad fasaxan tahay.’ Waan ka tegay, saraakiishii SNM ayaan doonta y, Maxamed Kaahin, Dhagaweyne iyo Cali Guray iyo qayrkood, waxayna igu yidhaahdeen ‘haddaad wax na weydiinaysaba waad wanaagsantee orod oo iska tag.’

Markaa anigu kumaan tegin mansab raadis, mansabkeeda iyo nabadeeduna wax la hubo may ahayn. Balse aniga waxay iigu muuqatay, waqti lagu qanco in dhibaato jirto waynu soo marnay, in meel uun lagu dhego oo maya la yidhaahdo waa laga fiican yahay. Kolkaa in la baadho dariiqooyinka jira, waxa anan isbarbar dhigay laba shay oo kala ah;- 1-ka bilow Cigaal illaa Rayaale oo markaa joogay iyo Ax med oo markaa ahaa guddoomiyaha xisbiga Kulmiye illaa odayaasha Guurtida, qolo waliba waxay lah ayd Koonfuri maalintay wax noqoto ayaanu la hadlaynaa, taas macnaheeduna waxay ahayd bal mee shaa intay wax ka unkamayaan in la sugaa.

Qodobka labaad;- labaatan sannadood baynu sugaynoo waynu iska laalaadnaa, xal meesha jiraana ma muuqdo, aniguna siyaasi ma ahayn, haddii aan siyaasi ahayna kuma dhiiradeen, balse dan baan u arkay. Markaa waxaan isweydiiyey haddii aad ku jirtid xaalad la iska laadlaado, maxay dhaxli doona an jiilka yaryari? Koonfuri tashan kari wayday, inaguna danteena u seegi mayno, lahadli mayno. Markaa waxaan is idhi, haddii aad wax ka gaysan karo iyaga inta wax lala dhiso, hadhowto labada dawladood ha is hor-fadhiistaan oo iyagu go’aan ha ka gaadhaan, waa wax fiican haddii taa la heli karo…Intii aanan tegina dad waa weydiiyey, markaan tegayna si san in aan uga hawlgalo waan ku dedaalay…Xamartaa la leeyahay hanti iyo daaro ayuu (ka) raadsaday Huteel baan kaga jiraa,” ayuu raaciyay.

Mr. Maxamed Cabdilaahi Oomaar waxa uu soo bandhigay qorshe lagu wada hadashiinayo Somaliland iyo Soomaaliya, wuxuuna tilmaamay in loo baahan yahay in 8-da bilood ee soo socda wax la isla meel dhigo. “Anigu waan ka hadlay, waanan ku dhex jiraa, haddadaa aynu joogno iyo siddeeda bilood ee soo socdana waxa loo baahan yahay in wax la isla meel dhigo, go’aankana idinkaa la idinka rabaa, sa babtoo ah imika nidaamka socdaa waa dawlad kumeel-gaadh ah, bisha siddeedaad wixii ka dambeey a, Dastuurka cusub inta la dhaqangeliyo waa in loo gudbaa dawlad Federaal ah. Waxa laga baxayaa dawlada ku meel-gaadhka ah, waxaana loo gudbayaa dawlad rasmi ah. Macnihii markaa muxuu noqo nayaa, haddii aanay Somaliland ogayn oo aanay go’aan ka keenin, dadkeediina ka tashan?, iyada oo dad kale iska wataan bay ku danaysanayaan oo meeshay rabaan ka gaadhayaan. Kolkaa anigu waa n ku dhex jiraa, qodob baanan taaganahay, qododkaasina mid la iga furfurayo maaha, laakiinse hiil baan u baahanay.

 Hiilku muxuu yahay? Waar dalka dhami hal sharci buu ku taagan yahay, sharci kaliya baa aasaaskii sa oo dhamiba yahay, kaasoo ah ‘Act of union’ (xeerka Midowga), laba dawladood baa isu yimi, qor aal bay kala saxeexdeen, kaas baana abuuray Jamhuuriyadda Soomaaliya, heshiiskaas baana yaala golaha Amaanka, Midowga Afrika ka iyo Jaamacadda Carabta, kaas baanay aqoonsan yihiin…Anigu waxaan taaganahay Baydhabo iyo Gaalkacyo lama mid aha gobolada Waqooyigu ee Koonfur oo ka amil ah iyo Waqooyi oo kaamil ah baa isku darsamay oo heshiis caalamiya ku midoobay. Markaa horta halkaa ha laga bilaabo, anigu halkaasaan taaganahay ee maxaa idinla gudboon?,” ayuu yidhi wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya.
 

 

Source:Ogaal