Wasiirka Khaarajiga Somaliland oo Welwel ka muujiyay cuno-qabatayntii hubka ee Laga Qaaday Somaliya, She egayna in Laga Yaabo in Hubkaasi Gacanta u galo Kooxaha Xagjirka ah
 

 


Wasiirka Arrimaha dibadda Iyo Iskaashiga caalamiga ......

Hargeysa (TNN)- Wasiirka Arimaha Dibada Somaliland ayaa qaraarkii Golaha Ammaanka ee Qarramadda Midoobay ay Arbacadii cuno-qabatayntii hubka ee Soomaaliya kaga khafiifiyeen muddo sanad ah, ku sifeeyay go’aan aan laga fikirin oo waxyeelaya nabad-gelyadda mandaqadda.


Wasiirka Arrimaha dibadda Iyo Iskaashiga caalamiga ah ee Somaliland Dr. Maxamed Cabd ilaahi Cumar, ayaa tafaasiil ka bixiyay siday uga xun yihiin qaraarkaasi ka soo baxay Gola ha Ammaanka ee qarramadda midoobay, waxaanu yidhi “Somaliland ahaan waxaan u ara gnaa go’aankaas mid aan laga fakarin oo aan wakhtigiisii iman. Waxayna dhibaato ku noq onaysaa nabadda ka jirta Geeska Afrika, khaasatan deegaanada dhulka Somalidu deggan yihiin, sida Somaliland, Itoobiya iyo dhulka kaleba.”
.
Wasiirka Arrimaha dibaddu oo maanta u waramayay laanta afsoomaaliga ee BBC-da ayaa sheegay inaanay dawladda Soomaaliya dhaafin Muqdisho, isagoo arrimahaasi ka hadlaya yna wuxuu yidhi “Dawladda Soomaaliya waa dawlad cusub welina maamulkooda ma dhaa fin halka ay joogto, ma jiro ciidan Soomaaliyeed oo dalka ammaanka dalka oo dhan gaca nta ku haya. Deegaamadda kalena waxa ka jira maamulo kale iyo ciidamo.sidaa daraade ed go’aankan wuxuu u muuqdaa mid aan si wanaagsan looga fikirin.”
 

 


Timacade News Desk
Hargeysa, Somaliland