Wasiirka Khaarajiga Somaliland oo u kicitimay Dalka Maraykanka




Addis-ababa (TNN)- Wasiirka Arrimaha dibadda Somaliland Md. Maxamed Cabdilaahi Cumar, oo maalmihii la soo dhaafay socdaal shaqo ku joogay dalka Itoobiya, ayaa maanta u kicitimay dalka Maraykanka, halkaasi oo uu Wefti balaadhan oo uu Hoggaaminayaa y kaga qeyb gali doonaan munaasibad balaadhan oo jaaliyadda Somaliland ee wadankaasi ay ugu dabaal degayaan 21 sa nad guuradda ka soo wareegtay markii Somaliland xornimadeeda kala soo noqotay Somalia 18-kii May 1991-kii.

Wasiirka Arrimaha dibaddu waxa uu maanta ka dhoofay Madaarka Addis-ababa waxaanu u kic itimay dalka Maraykanka. Ka dib markii uu dhamaystay socdaal shaqo oo uu ku tagay dalalka J abuuti iyo Itoobiya.waxaana weftigii uu Hoggaaminayay ay Salaasaddii kaga qeyb galeen dalka Itoobiya shir weyne lagu qiimaynayay mashaariicda horumarineed ee ay u baahan yihiin dalalka urur-goboleedka IGAD, waxaana shirkaasi goob joog ka ahaa qaadhaan- bixiyeyaasha urur-go boleedka IGAD ka saacida horumarinta.

Wasiirku waxa kale oo uu shalay kula kulmay magaaladda Addis-ababa Wasiirro ka tirsan dawla daha Itoobiya iyo Norway.

Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar waxa uu khudbad ka jeedin doonaa xaflad aad loo soo agaasim ay oo jaaliyadda Somaliland ee Maraykanka iyo xafiiska wakiilku iska kaashadeen qaban-qaab adeeda, taasi oo ah xafladii u weynayd ee lagu qabto Maraykanka ee loogu dabaal dego muna asibadda 18-ka May. Waxaanu uga warami doonaa xaaladda guud ee Somaliland iyo sooyaalkii taariikheed ee ay soo martayba.

Source: so