Wasiirka Khaarajiga Oo Sheegay In Males Zenawi Uu Ahaa Hogaamiye Saamayn Ku Lahaa Geeska Afrika, Tacsina U Diray Shacbiga Itoobiya

 

 



Wasiirka Arrimaha Dibada waxa kale uu sheegay in uu ku kalsoonyahay in xidhiidhk a..........


Hareysa (TNN)- Wasiirka Arrimaha dibada Somaliland Dr Maxamed Cabdilaahi Cumar ayaa sh eegay in Raysal-wasaarihii geeriyooday ee Dalka Itoobiya Mele Zenawi uu ahaa Hogaamiye raad iyo saamayn ku lahaa Mandaqada Geeska Afrika, waxaanu Tacsi u diray Shacabiga Ito obiya.

Wasiirka Arrimaha dibada waxa kale uu sheegay in uu ku Kalsoonyahay In Xidhiidhka ka dhe xeeya Somaliland iyo Itoobiya uu halkaas ka sii ambo-qaado, waxaanu sidaas ku sheegay mar uu maanta u warameyey Shabakadda Timacade News iyo Telefishanka Horn Cable.


Waxaana hadaladii Wasiirka ka mid ahaa “Xukuumadda Itoobiya oo ah Dal iyo Shacbi aanu ja ar nahay xidhiidh faro-badanina naga dhexeeyo, waxaanu ka tacsiyadaynaynaa Geeridii ku timid Raysal-wasaarihii Dalka Itoobiya Meles Zenawi aad iyo aad baanu u doonaynaa Tacsida as in aanu u gaadhsiino guud ahaan Shacabiga reer Itoobiya, Meles Zenawi wuxuu ka mid ah aa Odayaasha Mandaqada Geeska Afrika Hogaamiya arrimahoogana Taageero badan, Raad iyo saamayn-ba ku leh, Geeridiisu-na runtii waxay ku tahay arrin naxdin leh guud ahaan Man daqada Geeska Afrika khaasatan Dalka Itoobiya, markaa waxaanu Xukuumadd ahaan Tacsi gaadhsiinaynaa Dawladda Itoobiya”


Waxa uu intaas ku daray Wasiirku “Madaxweynuhu maanta wuxuu saxeexay Buuga Tacsida oo laga furay Safaaradda ay Dawlada Itoobiya ku leedahay Magaaladda Hargeysa, waxaan anu jeclnahay in Tacsidaa guud ahaan meel walba gaadhsiino Itoobiya”


Wasiirka Arrimaha dibada oo hadalkiisa sii wata, waxa uu yidhi “Meles Zaenawi wuxuu ahaa Hogaamiye Gobol, xidhiidh aad Xidhiidh aad u wanaagsan-baana ka dhexeeyey Somaliland muddadii 21 Sano ahayd ee isaguna ahaa Raysal-wasaaraha ee Somaliland ay dib ula soo noqotay Xoriyadeedii 21-kaa Sanaood-ba waxa ka dhexeeyey Xidhiidh Nabad-geliyo, Xidhi idh Dhaqaale iyo Xidhiidh Siyaasadeed, waana arrin Laf jab ku ah Xidhiidhka labada Dal, yase yeeshee Itoobiya Dal ahaan bay Somaliland iskugu xidhan yihiin, Umadd ahaan bay iskugu xidhan yihiin, Ganacsi ahaan bay iskugu xidhan-yihiin Iyo Nabad-gelyo ahaan bay iskugu xidh an yihii, markaa waxaanu ku Kalsoonahay in Xidhiidhkaasi uu sii socon Doono oo Hogaamiyay aasha Mustaqbalka Itoobiya ay halkaa ka sii wada-doonaan,”


Waxa kale oo uu sheegay inuu u Hambalyo u dirayo Wasiirka Khaarajiga Itoobiya ahna Ray sal-wasaare ku xigeenka dalkaasi oo si ku meel-gaadhnimo ah loogu magacaabay Xilkii uu ka geeriyooday Meles Zaenawi, waxaanu yidhi “Waxaanan halkan uga Hambalyanaynaa Wasiir ka Khaarajiga isla-markaana ah ku xigeenka Raysal-wasaaraha oo markii Geerida la soo xaqii jiyey si ku meel-gaadh ah loogu sii magacaabay in wadashaqayntii iyo iskaashigii labada Dal ka dhexeeyey in halkaa ka sii socdo aad iyo aad baanu ugu kalsoonahay. Tacsidiisa waxaan filayaa in Masuuliyiin badan oo Caalamka ahi ka qayb-gelayso, waxaanu u dirnay maanta Dhambaal Tacsi ah oo Madaxweynuhu u diray Dawlada Itoobiya, waxaananu jeclnahay in aanu ka qayb-galno Munaasibada Aska”


Khalid Xabsi
Timacade News Desk
haashim555@yahoo.com